Maasooniyadda: Hummaagga Cabsida.

Muddo dhawr sannadood laga joogo ayaa maalin uu nin nooga warramay duni wada argagax ah oo ay wax kaste gacan qarsoon ku maamusho Maasooniyadda Caalamiga ahi, waxa uu nagu yidhi: “Maasooniyaddu waa koox qarsoodi ah oo haddana wax kaste og isla markaana maamusha, waxa ay la socdaan cid kaste oo sirtooda wax ka ogaata oo ay dilaan haddii aanay iyaga u shaqeyn”.
Mid naga mid ah ayaa si dhayal ah wax u weydiiyay oo ay is waydaarsadeen:

  • “Haddii ay sir yihiin maxaa adiga ku ogeysiiyay?”
  • “Qofkii baadhaa waa uu ogaan karaa”
  • “Adigu markaa hadda miyaad u shaqaysaa?”
  • “Maya e uma shaqeeyo, haddii aan u shaqeeyo ma adiga oo kale ayaa aan halkan la fadhiyi lahaa”
  • “Haddaa maxay kuu dili waayeen, waa adigan sirtoodii wadwada e?”.
  • “Muranka ayaa aad jeceshahay”
  • “Ma jecli e waxa aan diidayaa in koox aad adigu sirteeda og tahay na tidhaahdid waa sir, adiga ayaaba ka warhaya e sidee ayay sir ku tahay?”. In kaste oo ay ninkan suaalihiisu ahaayeen cabudhin, qasabna aanay ahayn in ay wada yihiin biyo kama dhibcaan haddana anigu maalintaa waa aan u bogeyn sababta oo ah ninka kale laftiisa ayaa nagu badiyay buunbuuninta Maasooniyadda isaga oo iska dhigaya in uu aad ugu yahay xogogaal.
    Waxa uu xogogaal u ahaa oo uu wax badan ka soo akhriyay ama dhegeystay kayd tirobeel ah oo ay haldoorka Carabta iyo kuwo kaleba ka sameeyeen Maasooniyadda oo dhammaantood ku qotoma aragtiyaha dhagarta iyo shirqoolka, kuwaas oo addunka dhan ka dhigaya masrax ay daaha gadaashiisa ka xukunto koox shaydaan oo iyadu ka masuul ah waxa aafo iyo leeleel haysta dadyowgooda. Maasooniyaddu, runtii, waa mid ka mid ah kooxaha ugu muranka iyo dahsoonaanta badan, haddana cidna wax kuma seeggana oo dawladaha iyo dadka darsaaba waa ay yaqaannaan waxa ay kooxahani qabtaan iyo danaha ay inta badan leeyihiin, waxa ay sirta badani ku duugan tahay taariikhdooda iyo gudashooyinka dhaqamadooda kooxeed oo qofkii bannaanka ka joogaa aanu fahmi karin, sida inta badan ay yihiin cibaadooyinka diimaha iyo dhaqan kooxeedyada gudeed. Dadka qaar ayaa waxa ay sheegaan in Maasooniyaddu ay ka soo jeeddo dhaqanka diineed ee Yuhuudda iyo Haykalkii nabi Saleebaan, qaar kale ayaa sheegay in ay ka soo jeedaan Shaydaan Caabudka, qaar kale ayaa iyana sheegay in kooxdan Maasooniyadu xidid fog ku leedahay firqooyinka Islaamka gaar ahaan Shiicada Ismaaciiliyada, kooxda Duruusta ama kooxdii “Ikhwaanus-Safaa, wa Khillaanul-Wafaa”; kooxdan dambe aad ayaa ay isugu dhaqan iyo ujeeddo eeg yihiin Maasooniyadda – xogtooda ka eeg lifaaqa u hooseeya ee qoraalka. Intaas oo isku day ee loogu saldhigayo kooxdani waxa ay wadaagaan male-awaalnimo waxaana inta badan qoray ama suuqgeeyay dadka buunbuuniya aragtida shirqoolka iyo maleegga dhagaraha. Asalka la hubo ee Maasooniyadda: Erayga MASON oo loogu dhawaaqo MEYSAN waa dhise ama wasdaad ama fuundi, sidaa awgeed MAASOONNADU ama MEYSANNADU asal ahaan waa xoogsatada dhismaha, kolka laga yidhaahdo ‘Free Masons’ waa xoogsatada dhismaha ee xorta ah ama iskood u shaqeysta. Qarniyadii dhexe ee uu dhaqaalaha Yurub ku dhisnaa dhulgoosadka waxa dhulka, agabka waxsoosaarka iyo xoogsatada ka shaqeysaba iska lahaa dad gaar ah, waxaana inta badan wax lagu kala baddalan jirin alaab sida shaqada muruqa oo mushqaayad looga bixiyo cunto, dhar iwm; waa wax aad ugu eeg addoonsiga ama ahba.
    Cidda qudha ee berigaa lahayd xirfad shaqo oo xor ahi waxa ay ahaayeen xoogsatada dhismaha, oo maadaama oo aanay jirin cid had iyo jeer wax dhisata oo yeelan karta shaqaale dhisme, waxa ay shaqaalaha dhismuhu ahaayeen kuwo ay iskood u shaqeysto oo kolba ciddii wax dhisanaysaa soo codsato waxaanay noqdeen cidda qudha ee xooggooda lagu siiyo lacag naqdi ah.
    Qarniyadaasi Dhulgoosadka, ee ay Yurub awoodda ku lahaayeen wadaaddada diinta iyo boqorradu, waxa aad u hanaqaaday dhismaha kaniisadaha, qasriyada iyo qalcadaha waxaana aad u korodhay baahida loo qabo wastaadiinta iyo kuuliyada oo iyaguna isku sii xidhmay kana sameysmeen kooxo xirfadeedyo isku dan iyo dookh ah.
    Waxa ay xoogsatadii dhismuhu -Maasoonnadii, sharaf xirfadeed ka dhigteen dhismaha maadaama oo ay yihiin xoogsatada kaliya ee xorta ah isla markaana dhista goobaha maamuuska iyo barakada leh, goorta ay shaqeynayaan iyo marka ay shaqodoonka yihiinba waxa ay ku kulmi jireen habeenkii goobo u gaar ah oo ay ku kala warqaataan iskagana warhayaan -sida ay xoogsatada dhismaha ee soomaalidu ugu kala warqaataan marfashyada qayilaadda ee habeenkii kuna ogaadaan fursadaha shaqo ee berri jira.
    Waxa dhaqan u noqday kooxihii Maasoonnada qarsashada siraha xirfadda iyo ka dheeraanshaha arrimaha muranka keena sida khilaafyada diinta iyo siyaasadda, isla jeerkaana waxa ay u baahnaayeen in ay isku maaweeliyaan qaab ruuxi ah oo isa suufiyeyn u eeg iyaga oo aragti wadareed ka dhigtay tiirar ka dhexeeya oo ah; Iimaan, Isjacayl, Xorriyad, Sinnaan iyo Iskaashi. sidaasi oo ay tahay qofna shardi u ma ahayn in, haddii uu iimaan leeyahay, la sii weydiiyo fikirkiisa diineed ee hoose oo waxa laga ordayay khilaaf.
    Waxa ay aad u buunbuuniyeen xirfadda dhismaha iyo farshaxanka la xidhiidha oo ay ka dhigeen sirta jiritaanka iyo xirfadda ilaahay uu ku dhisay kawnka iyo wax kaste oo jiraalka ka mid ah, iyaguna ay hayaan xirfaddii ilaahay loogana baahan yahay in ay ku fikiraan kana soo dhalaalaan. waxa ay majaalistoodu noqdeen sida xadrooyinka suufiyada oo laga raadsado iimaan aan muran lahayn waxaanay astaan ka dhigteen calaamadaha injineernimada sida firjaarka, saddex xagalka oo ay dhexda kaga jiraan il ay dadka qaar ku sheegaan in looga jeedo isha ilaahay ee wax kaste og, qaar kalena ku sheegeen astaanta nuurka ee hanuunka, waxa isna dhexda ku jira xarafka G oo dadka qaar ku sheegaan in looga jeedo xafarka hore ee magaca eebbe ‘God’, kuwo kale ku sheegeen in uu yahay xarafka ugu horreeya ee aqoonta xisaabeed ee injineernimada ‘Geometry’. Sida ay bilowgii ku curteen jimciyadaha Xoogsatada Dhismaha ee Xorta ahi -Freemasonry kuma ay sii jirin oo waxa si kaste u saameeyay isbaddalladii dhaqandhaqaale ee Yurub ka socday qarniyadii dhexe ilaa casrigii ilbaxnimada, fadhiyadooda isu dhalanrogay kuwo ruuxi ahi waxa ay soo jiitaan dad aan dhismaha shaqo lahayn ee rooxaaniyad-doon ah isla markaana ka daalay fiqiga wadaaddada kaniisadda, oo qaar badan oo ka mid ahi ka soo jeedaan qoysaska ladan, dabaqadaha taliya iyo xataa wadaaddo horusocod ah.
    Iyaga oo la duruuf ah waayihii berigaa ka jiray Yurub, Maasooniyaddu ma ay ogoleyn in ay ku soo biiraan dadka Yuhuudda ahi iyo dumarka tooni, waxa kale oo ay ku kala duwanaayeen dalalka iyo bulshooyinka ay ka jirto Xadro kaste oo Maasooni ahi, matalan xadrooyinka Maasooniyadda Maraykanku ilaa beri dambe ma ay ogoleyn in ay dadka madoobi ku biiraan. Maasooniyaddu ma sir baa? Dhab ahaantii Maasooniyaddu waa jimciyado daahfuran oo dawladaha, dadka daraaseeya iyo cid kaste oo danaynaysaaba ay si fudud wax uga ogaan karto, sidaasi oo ay tahay waa kooxo leh dhaqan sireed oo aan ku sababeyn karno labo arrimood oo isugu jira dhab iyo dhalanteed:
  1. Waa mid e waxa ay kooxaha dunida ka jira oo dhan la wadaagtaa in ay xeerar hoosaadyadeedu u gaar yihiin oo aan loo baahnayn in cid dibadda ka ahi ogaato, koox kasteba nidaamkeeda hoose waa uu ka dadan yahay cid aan ka tirsanayn ama aan baadhitaan ku sameyn, sidaa awgeed wax badan oo aan sir moodnaa ma aha sir ee innaga ayaan ahayn Maasooniyiin isla markaana isku hawlin in aan daraasaynno, waa isla sida ay sirta inooga yihiin dhaqannada cibaadeysi ee Buudhistiga iyo Siikha.
  2. Maasooniyadda waxa ay wax badan oo dhaqan sireed ahi kala socdaan asalkoodii qarsashada siraha xirfadda iyo in aanay xadrooyinkooda u faydi jirin caammada iyo kaniisadda oo aad u necbayd, waa isla halka ay ka soo jeeddo in suufiyada muslimiintu ka qariyaan dadka wax badan oo ay ku dhaqmaan uguna sheegaan siro iyaga uun loo khashifay iyo arrimo cilmul-baadin la xidhiidha taasi oo in badan nuxurkeedu ahaa muran diidid iyo samatobax. Waa maxay ujeedka Maasooniyaddu? Xaqiiqada jirtaa waxa weeye in aanay jirin jimciyad guud oo xukunta Maasooniyadda dunida oo dhan iyo ujeeddo guud oo ay xaqiijinteeda u wada socdaan Maasoonnada caalamku, taariikhda haddii aan u fiirsanno waxa aynu ku arkaynaa xadrooyinka Maasooniyadda oo kuwo badani kala ujeeddo yihiin, matalan midda Faransiisku waxa ay ku teedsanaayeen danaha dawladeed iyo bulsho ee Faransiiska, sidoo kale kuwa Ingiriiska, kuwa Maraykan iyo kuwii Ruushkuba, intubana waxa ay in badan lahaayeen danayaal is diiddan. tusaale kale waa in xadrooyinkii Maasooniyaddda ee ka jiri jiray Falastiin waqtigii gumeysigu ay ku kala jabeen arrinta deegaameynta Israaiil; kuwo badan ayaa ku dooday in aanay siyaasadda ku milmin, halka ay kuwo kale oo badanna ka mid noqdeenba kacdoonkii Falasdiiniyiinta ee lidka ku ahaa Sahyuuniyadda iyo Israaiil.
    Maasooniyaddii Masar waxa ka mid ahaa dad guumeysiga ku xidhan, kuwo xorriyadda Masar u halgamay iyo wadaaddo raad weyn ku yeeshay dunida muslimka sida Jamaaludiin Al-Afqaani iyo sheekh Maxamed Cabdah.
    Sidaasi oo ay tahay, Maasooniyaddu kama madhna in ay u adeegto dano dawladeed iyo in ay noqoto koox cadaadis oo dano gaar ah ku fushata, laakiin marka ay sidan tahay ma aha arrin caalami ah, sababta oo ah ma jirto talo dhexe oo caalami ah oo ay Maasooniyaddu hal meel ka soo saarto, oo haddii ay Maasooniyada Maraykanku ka shaqeyso mashaariic Maraykan kama dhigna in ay Maasooniyiinta Ruushka ama Iskandaneefiyaduna kala shaqeynayaan. Maasooniyadda iyo Yuhuudda maxaa ka dhexeeya? Sida aan kor ku xusnay, bilowgii unkanka xadrooyinka Maasooniyadda, Yuhuudda iyo dumarka looma ogoleyn laakiin furfurnaanta isa soo taraysay ee Yurub ayaa waxa ay keentay in si teelteel ah oo kala dambeeyay ay xadrooyinku u ogolaadaan, waqtigaasi waxa ay Maasooniyaddu gabbaad u noqotay Yuhuud badan oo diintoodu u cuntami wayday, goortaasi oo ay calmaaniyadda ugu dhawaayeen Kaniisadda Borotastanka iyo xadrooyinka Maasooniyaddu waxa ay Yuhuuddu u leexan jireen kooxdan dambe oo iyagu shardi uun ka dhigi jiray ‘rumeynta eebbe weynaha kawnka dhisay’, taas ayaa waxa ay keentay in ay Yuhuud badani noqdaan Maasooniyiin laakiin kama dhigna in ay iyagu dejisteen si ay ugu adeegtaan waana sababta ay Maasooniyiintu ugu kala qaybsan yihiin arrimo ka mid tahay Sahyuuniyaddu. Halkee ayaa u ku sal leeyahay shareysiga gaarka u ah Maasooniyaddu? Maasooniyaddu waa koox nukhbo ah oo aan in badan ku dhegganayn diimaha kala duwan iyo haybaha bulsho, maaddaama oo ay bilowgii ahaayeen xoogsato aan cidna ku xidhnayn, sidaa awgeed waxa la colloobay labo kooxood; Kaniisadda Kaatoliga iyo Qoomiyiinta Yurub, waxa ay kaniisaddu ku sheegtay diinlaaweyaal mulxidiin ah oo xumaan faafiya, ogobey berigaa Maasooniyadu ma ay ogolayn in uu ku soo biiro qof mulxid ahi, maamulladii qoomiyiinta ayaa iyaguna ku eedeeyay dad shareed oo lid ku ah ummadnimada, matalan Naasiyiinta Jarmalku waxa ay ahaayeen ciddii ugu horreysay ee isku xidha Maasooniyada iyo Yuhuudda kuna asteeysa in ay yihiin dad xun oo shar u yeelan.
    Dunida Carabta waxa isla sidaa yeelay qoomiyiinta iyo wadaaddada oo sharka oo dhan dusha ka saaray dadkana ugu fasiray in Maasooniyadda iyo shaydaanku had iyo jeer ku hawllan yihiin waxyeelleynta ummadda muslimka kana leeyihiin ujeeddooyin fogfog.
    Run ahaantii, dacaayaddan suuqa loo galiyay, in kaste oo ay marar badan waxyeellaysay oo meelo badan laga xidhay, haddana wax badan ayaa ay tartay Maasooniyadda; waxa ay siisay haybad aanay lahayn iyo cabsi laga qaaday oo aan xaqiiq ku dhisnayn, waxa ay marar badan arrintani u soo hoysaa qaar ka mid ah xadrooyinka Maasooniga in ay noqdaan kooxo cadaadis oo lagu xisaabtamo – Pressure groups, gaar ahaan Maraykanka oo lagu sheego in uu yahay Dalka Dimuqraadiyadda Loobbiga, waxa qudha ee ay Maasooniyaddu ku heleen haybaddaasi waa dacaayadda ay u fidiyeen dad dano gaar ah oo diiddan lahaa iyo bulshooyinka dhegweynta ah ee dacaayaddaas gatay. Saameyn ma leeyihiin? Haa, waxa ay se suuqa saameynta ula siman yihiin koox kaste oo xubno leh, in badanna waxa dhacda in ay maamullada dawladuhu saameeyaan in ka badan inta ay iyagu saameeyaan maamullada, ku darso in aanay lahayn abaabul caalami ah oo xataa u dhigma Ururka dawliga ah Ikhwaanu Muslimiinka. Dhanaka fikirka iyo falsafadda waxa la moodaa in ay siyaabo badan isugu eeg yihiin dhaqdhaqaaqii Ikhwaanus-Safaa wa Khillaanul-Wafaa ee qarnigii afraad ee Hijriga ka sameysmay Basra, Ciraaq.
    Tiirarka mabda’ ee ay ka siman yihiin waxa ka mid ah in aqoonta ruuxiga ah oo ka sarreysa madaahibta iyo diimaha hoose lagu lammaaneeyo aqoonta maaddiga ah iyo caqliga ilaahayna lagaga daydo falsamaanta iyo cilmiga, in diimaha oo dhani leeyihiin dallad guud oo iimaan taasna la xoojiyo oo qudha, in laga shaqeeyo is wanaajinta basharka dhexdiisa iyo is daahirinta gudaha, iyo in koox kaste leedahay martabado kala sarreeya iyo jaranjar xubinnimo oo kor loo fuulo hannaan suufinimo oo kale ah.
    Lifaaqan hoose ka akhri Ikhwaanus-Safaa oo uu si qurux badan u soo koobay qoraa Ibraahin-Hawd Yuusuf.

Xigasho : Moham

Yaa la saadaalinayaa in loo magacaabo xilka Raysulwasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya?

Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax.
Sababta saddexdaan hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay aheed in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus.
Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda, sida Abuukar Cumar Caddaan oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisalleey.
Xuseen Caydiid ayuu qoraagu ku sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Habargidir oo Xamar ku badan, uuna heysto Madaxtooyadda Qaranka, Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo goobo kale oo istaraatiiji ah.
Maxamed Qanyare ayuu isagana u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Murusade oo Muqdisho ku badan, uuna leeyahay saameyn iyo awood ciidan oo xooggan, iyo in uu heysto maamulka garoonka Dayniile oo ay waagaas diyaaradaha jaadku Xamar uga soo degayeen.
Madaxweyne Cabdullaahi raysulwasaare kama uusan dhigan saddexdaan nin, waxaase la sheegaa in uu Maxamed Dheere si dadban ugu guuleystay, oo uu isagu keensaday Cali Geeddi.
15 sano kadib maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu raysulwasaare ka dhex baadigoobayaa isla beelihii uu shalay Cabdullaahi Yuusuf ka raadinayay, balse sifada ay ku kala xulanayaan ayaa kala duwan. Haddii shalay la saadaaliyay in Cabdullaahi Yuusuf xulanayo raysulwasaare saameyn leh oo Hawiye ka xigsan kara, maanta Madaxtooyada Soomaaliya waxay raadineysaa raysulwasaare maqaarsaar ah oo aan laheyn han siyaasadeed, aana xiriir la laheyn beesha uu matalo, xilkana u arka hadiyad uu Farmaajo ku deeqay oo ay tahay in uu aad u ilaashado.
In kaste oo shalay iyo maanta ay kala duruufo duwan yihiin oo ay dowladnimada Soomaaliya hanaqaadday, haddana maanta waa dib-u-dhac iyo niyadjab in halkii shalay raysulwasaare loo saadaalinayay nin adag oo jiiri kara caqabadihii adkaa ee hor yaallay dowladnimada, ay 15 sano kadib Madaxtooyadu maanta baadigoobeyso qof jilicsan oo ay ugu adeegato sidii Xasan Cali Kheyrre, shaqadiisa ugu weynna ay tahay in uu dowladdaan muddokororsi kala shaqeeyo. Source Hussein Sabria
Hadba shantan qof ayaa midkood uun uu badali doona PM Hassan ali khaire xubnaha aadka loo hadal hayo waxa kamid :
Qofka koowaad Nour diiriye xirsi Fuursada hada waa agaasimaha madaxtooyada Somalia deegaan ahan wuxuu kasoo jeeda Beesha habargidir waa nin aad ugu dhow farmaaje wuxuuna ka dajin karaa culaysyada farmaaje kaga imanayaa beesha habargidir waa nin aan han siyaasadeed oo fog lahayn waaana suurto gal inaanu farmaaje ka hor iman Karin xiliga doorashada waxana 80-90% loo sadaalinaayo inuu noqdo wasiirka koowaad .

Fuursade


Qofka labaad waa Dr abdirahamaan osman faarah si aad looguma yaqaano siyaasada deegaan ahaan wuxuu kasoo jeeda beelaha madaluud farmaaje wuxuu ka dabcin karaa culaysyada kaga imanayaa gobolk banaadir iyo madaxwaynayashii hore ee Somalia.


Qof ka saddexaad waa abdi kaariya qoor qoor wuxuu kasoo jeeda beelaha habar gidir hada waa madaxwaynaha galmudug inkastoyna sahlanayn in qoor qoor uu ka tanaasulo madaxwaynaha galmudug madaama uu muddo 7 bilood oo kaliya uu isku duba ritay galmudug waa shaqsi muxaafid ah ma jecla in dawlada Federalka Somalia la mucaarido .

Qoor Qoor


Qof afaraad waa abdirahmaan husien adowaa hadaa wuxuu kasoo jeeda Beesha habar gudur waa xildhibaan federalka Somalia ku jira wuxuu hore usoo noqday wasiirka arimaha gudaha xiligii madaxwayne xasan sheikh sidoo kale wuxuu ka mid ahaa murashaxiintii madaxwaynaha galmudug xiligaa wax la sheegaa inuu balanqaad ka helay madaxwayne farmaaje waana suurto gal inuu noqdo wasiirka koowaad.

Abdirahmaan odowaa


Qofka Shanaad waa Dr Ali mohamed Gedi waa raysal wasaare hore ee xiligii KMG waa shaqsi badali karaya hasan ali khaire laakin caqbada jirta ayaa ah inaanu kalsooni ka haysan mucaaridka

Ali Mohammed Geedi


Villa Somalia xiligan waxay rabtaa shaqsi la jaanqaadi karaya oo kale shaqeeya mudo kororsi raysal wasaaraha wax laga rabaa inuu noqdo mid isu wadi karaya xubnaha mucaaridka ah iyo dawlad laakin helidiisa ayaa adag madaama Somalia ka dhex jirto in awoodii lagu dagaalamayo power struggle

Siyaasada isku Boodada ah ee 4 Dal iska Talaabtay Somaliland Taiwan – Chine Somalia = Gambia

Laga soo bilaabbo 26 June ilaa maanta oo bishu ahayd 05 July 2020 waxaa warbaahinta gudaha iyo dibedda haystay xidhiidh cusub oo markii hore u muuqday ku-soo-booddo balse ahaa mid si qarsooddi ah u soo socday oo dhex maray Taiwan oo loo yaqaan “Jamhuuriyadda Shiinaha” iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa arinkaa isaga ahi markuu uu soo baxayba si cadho leh uga fal-celisay Safaaradda Shiinuhu [People’s Republic of China] uu ku leeyahay Soomaaliya. Halkaa kuma ekaane, waxaa maanta kulan yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho iyo Madaxwaynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C. Farmaajo. Waxay labadda dhinac midba ka kale u xaqiijiyay inuu taageersan yahay qaranimaddiisa iyo mid ahaanshaha xudeeddeed.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u cadeeyay safiirka inuu ayidsan yahay “Siyaasadda Shiine Keliye (One China Policy)”- taas oo macnaheedu yahay in Shiinuhu aanu laba ahayn ee mid yahay. Kaasina yahay Shiinaha Safiirka la kulmayaa metelo ( Taiwana ay tahay qayb Shiinaha ka mid ah). Safiirka ayaa dhankiisa isna caddeeyay in Soomaaliya mid tahay taasna uu Farmaajo u yahay madaxwayne.
Waxaa iyana ilaa saddex maalmood ka hor la daawadday Xildhibaano dalka Gambiya? Galbeedka Afrika,baarlamankiisa ka tirsan oo ku boobay Wasiirka arimaha dibedda es dalkaa Suaalo hiil iyo taageero u ah Somaliland. Wasiirka Arimaha Dibedda ee Gambia ayaa isna uga jawaabayey si cadho leh iyaddoo uu yidhi waxaanu aqoonsanahay in Soomaaliya ay metesho Dawladda Federaalka ee Qaramadda middoobay iyo Midowga Afrika ay aqoonsan yihiin oo keli ahi. Halkaa kuma ekaane, waxaa caawa lagu baahiyahay baraha bulshadda wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibedda ee Mudane Faratoon oo booqasho muddo sanad ku dhow ka hor uu ku joogo Gaambiya taas oo macnaheedu yahay in Xildhibaanaddan Mucaaridka ee Gaambiya ee ay is arkeen waftigga Faratoon.

Duulaanka siyaasadda arimaha dibedda ee ay Somaliland qaaday iyo difaaca hambabarka ee Muqdisho iyo Shiinaha saska ku ridday ayaa ku soo beegmay 60da guuradda markii Somaliland madax-banaamidda ka qaadatay Ingiriiska iyo Wadda haddalada ka furmay bishii hore Jabuuti ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaaliya. Dad badan ayaa wali aan ka boggan ciyaarta ay dhinac ka safan yihiin Somaliland/Taiwan dhanka kalena Soomaaliya/ Shiinaha/ Gambia. Halkan waxaan si kooban idinku kula wadaagayaa sida Gambiya uga dhex baayacmushtaraysay is-eryadka diblamaasiyadeed ee Shiinaha iyo Taiwan iyo baaxadda legdanka siyaasadeed ee u dhexeeyay labadda dal ee Taiwan & Shiinaha:

  • Gambiya waxay muddo 6 sanno ah la safnayd Taiwan (1968 ilaa 1974). Waxay ka wareegtay Taiwan 1974
  • Waxay ku wareegtay Shiinaha oo ay la safnay 20 sannadood (1974 ilaa 1995). Way ka wareegtay Shiine oo waxay ku noqotay Taiwan.
  • Waxay Taiwan la safnayd 8 sanaddood (1995 ilaa 2013). Si lama filaana ayay u goysay xidhiidhkii Taiwan haddana taas oo yaab iyo u qaadan ku riday Taiwan. Waxay u xadhko xidhatay iney u wareegto Shiinaha laakiin markan Shiinuhu dedaalo kale oo toos uu ula macaamilayo Taiwan ayuu ku jiray oo wuu hakiyay siyaasaddii ahayd go’doominta Taiwan.
  • Muddo ayay Gambia ahayd dalka kaliya ee aduunka aan Taiwan iyo Shiinaha midna la lahayn Xidhiidh. Waa wax la fahmi karo in labbadan dal ee mid waliba sheegto inuu yahay dawladda xalaasha ah ee shiinaha inay adag tahay inaad la wada saaxiib noqoto mar keliya. Waxaa se aan la filayn in labaddaba aad ka faro-baxdo siyaasad xumo awgeed sida Gambia.
  • Sanadkii 2016-kii ayaa Gambia iyo Shiinuhu haddana dib u saaxiibeen oo albaabka la furay kadib markii doorashaddii lagaga adkaaday madaxwaynihii Shiinaha la furay wada-hadalka lana gaadhay heshiisyo iskaasho oo dhowr ah. Waxaa doorashadda ku adkaatay haweenayda hadda madaxwaynaha ah oo iyadda lagu doortay iney ka badheedhsan tahay in Taiwan hesho madax-banaani. Shiinaha ayaa soo-celinta Xidhiidhka Gambia ugu goodinaya Gabadhan oo leh “..haddii aad isku daydo inaad ku socoto qorshihii lagugu doortay ee ku adkaanshaha madax-banaanidda Taiwan, waxaanu kuu balan-qaadaynaa inaanu ku go’doomino oo aanu la wareegno inta badan dalalka 22-ka ee Taiwan xidhiidhka la leedahay”. Qaar badan oo dalalkaas ka mid ah ayaa in muddo ah rabbay iney u soo digo rogtaan xagga shiinaha balse Shiinuhu uu ka xidhay albaabadda isagoo siyaasiyan u ilaalinayaa madaxwaynihii Taiwan ee dhacay ee heshiisyada la galay una janjeedhay dhankoodda.

Akhriste su’aalo badan ayaa is weydiin leh kuwaas oo jawaabahoodda aan kuu dhaafayo adiga. Waxaanay yihiin waydiimahaasi.

1.Somaliland ma Gaambiyadda cusub ee Taiwan baa? Maxaynu ka baran karnaa Gambia markay noqoto xidhiidhka Taiwan iyo Shiinaha? Ma inaggaa raadinay oo soo helnay Taiwan mise iyadaa ina soo heshay?

2.Taiwan oo baddiba saaxiibaddii ay lahayd ka digo rogteen intii badnayd inta kalena diyaar u yihiin ma waxay qaadatay inay samaysato saaxiibo cusub xataa haddii aanay saaxiibadaa cusubi ku lahayn Kursi qaramadda midoobay oo aanay difaaci karin siddii Gambiya garabka ugu ahayd?

  1. Taiwan ma uu muuqataa iney ka hadhay sheegashaddii inay tahay “Dawladda Sharciga ee Shiinaha” ?

3.Ma kuu muuqataa inay doonayso inay noqoto dal cusub oo dunida ka mid noqda kadibna sidaas darteed ay u aragtay iney Somaliland la jid marto?

4.Fursaddaha iyo halisaha ku gedaaman saxiibkan cusub sidee baynu ugu diyaarsan nahay ka faaiidaysoogadda iyo ka gaashamashadoodda?

  1. Mawqifka Xisbiyadda mucaaridka ah muxuu yahay? Fursadaha siyaasadeed ee iyaga iyo Somalilandba ugu jira Shiinaha la dayacay ma qaaddan karaan oo aqoonsi ma keeni karaan?
  2. Ugu dambayntii, maxay Somaliland ka doontay Gambia oo Xukuumadda hadda ka talisaa aaminsan tahay in qaladkii ugu waynaa ee diblamaasiyadeed ee Gambia gashaa uu ahaa “Saaxiibtinimaddii Taiwan”?

The Room Where It Happened,: White House Memoir,


John Bolton, La-taliyihii Arrimaha Ammaanka ee Maraykan
Soo baxay June, 2020
Boggaga: 570
Buuggan oo soo baxay bishii June, waa mid dareen xiiso badan leh, sababta oo ah waxa qoray masuul xog-ogaal ah. Intii aan la daabicin ayaa la helay isagoo electronic ah. Soo koobid aan ku sameeyey ayaan halkan idin kula wadaagi doonaa, aniga oo cutubyo u qaybliyay si aan ku kala dhambalo.
Cutubka 1aad wuxuu kaga waramayaa ololaha uu u galay siduu u noqon lahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo sida aanu uga cag qaadin maamulka Trump, markii la doortay madaxweynaha iyo shirar joogta ah oo uu la yeeshay maamulka iyo madaxweynaha laftiisa.
Mar walba wuxuu ka waramayaa aragtisiida ku waajahan ammaanka Maraykan iyo sida uu u arko, uguna mudan tahay Iran iyo Bariga Dhexe, W. Kuuriya iyo Shiinaha. 2 maqaal oo isku iibinayo ayuu qoray. Buugga waxaad kula kulmaysaa ololaha balaadhan ee Bolton galay iyo qaska mar walba ka dhex jiray aqalka cad sida iscasilaadda joogtada ah iyo sida aanu Trump ugu qancin masuuliyiin uu magacaabay, haba ugu darraado Rex Relerson, Xoghayihii Arrimaha Dibadda oo uu uga cawday Bolton laftiisa inaanu hayn shaqo micno leh.
Cutubka 2aad wuxuu gebi ahaantiiba ka waramayaa Suuriya oo isticmaashay Chemical weapon iyo falcelintii Maraykanka. Arrimaha xiisaha leh waxa ka mid ah telefoon ay ku wada hadleen Erdogan iyo Trump, isaga oo Bolton ku sheegay Erdogan sidii Musolini oo kasoo hadlaya xaruntii uu ka talinjiray. Wuxuu sheegay inuu u khudbeeyey madaxda Maraykan. Arrimaha cajiibka ah ee aad cutubkan kula kulmayso waxa kamid ah inay wada socdaan Maraykan, UK, France iyo Russia, hayeshee dunida loo tuso inay col yihiin–ilko Abeeso hoosta ayay ka xidhiidhsan yihiin.


Maraykan wuxuu aad uga taxaddiray inay waxyeelo gaadhsiiyaan ciidanka ama qalabka dagaal ee Ruushka, iyaga oo arrintaa ka wada shaqeeyey La-taliyaha Arrimaha Ammaanka ee Ruushka.
Qodob kale oo xiiso badan waxa weeyi inuu Trump ku wargeliyay dalalka Carabka ee gobolka inay bixiyaan kharashka ciidanka Maraykan ee Suuriya jooga iyo lacago kale oo dheeraad ah–baad!
Cutubka 3aad wuxuu ka waramayaa kulan ku dhexmaray Aqalka Cad Trump iyo Ra’iisalwasaaraha Jabaan, shirkaa oo ku saabsanaa 2 qodob: arrinta Waqooyiga Kuuriya iyo mid ganacsi. Intaa waxa raaca ceeb ka dhacday cunaqabatayn la damacsanaa in Ruushka lagu soo rogo oo dib loo dhigay, hayeshee danjiraha Maraykan ee Qaramada Midoobay ay sheegtay in Xoghayaha Maaliyaddu maalin kadib ku dhawaaqayo. Arrintaasi waxay maamulka Trump ka dhex abuurtay muran iyo canaan xooggan.
Qodobka labaad ee in badan laga hadlay waa ka bixistii heshiiska Iran ee Nuclear ka. Trump ayaa Aqalka Cad ku qaabilay 3cisho gudahood madaxweynaha Faransiiska iyo Ra’iisalwasaaraha Jarmalka. Madaxweyne Macron wuxuu usoo jeediyay Trump inaanu heshiiska ka bixin ee wax laga badalo, hayeshee Trump wuu ku adkaystay. Dhanka kale, Markel wuxuu ku canaantay inay Ruushka xoojinayso, isaga oo tixraacayay heshiisyo ay 2da dal wada gaadheen.
Sidoo kale arrinta heshiiska Iran ayuu kala hadlay, Markel na si lamid Marcon ayay usoo jeedisay inaanu ka bixin heshiiska Iran. Trump dhegaha ayuu ka firaystay dalabka.
Arrinta xiisaha leh waa Xoghayaha Gaashaandhigga, Mattis oo ka bixista heshiiska Iran kasoo horjeeday oo marar badan Bolton iyo tiimkiisa kala masuugay xog isdhaafsi. Arrintaa Bolton in badan ayuu kaga waramay buugga.
Cutubka 4aad wuxuu ka waramayaa qorshaha iyo diyaargarawga kulankii Singapore ee Trump iyo Kim Jong Un iyo faahfaahin ku saabsab Nuclear ka Waqooyiga Kuuriya. 3 muwaadin oo Maraykan ah oo lagu haystay Waqooyiga Kuuriya, sidii looga soo daayay ee Xoghayaha Arrimaha Dibaddu dalka ugu soo celiyay, soo dhawayntii ay la kulmeen iyo Trump oo saqdhexe qaabikay ayuu ka waramay.
Qaybtan la xidhiidha arrimaha Waqooyiga Kuuriya marka aad akhriyayso, waxaad la kulmaysaa shakhsiyadda Trump ee jahawareersan. Madaxda Sirdoonka halkuu inta badan dhagaysan lahaa Trump isagaa hadla. Bolton wuxuu xusayaa inuu iskudayay sixidda khaladkaa, hayeshee kuma guulaysan. Sheekada kale ee xiisaha leh waa Trump oo amray in aqalka Cad la keeno wasiirka Arimaha Dibadda Waqooyiga Kuuriya oo warqad ka siday madaxweyne Kim.
Bolton, Pence iyo Pompeo waxay ku dedaaleen inaanu Oval Office ku qaabilin. Xataa Bolton ayaa usoo saaray Bill Clinton oo kula kulmay 2 General, si uu u tuso inay Waqooyiga Kuuriya dhaqankan taqaan. Wuu diiday Trump.
Cutubka 5aad, wuxuu ka waramayaa gogolxaadhkii uu Bolton u sameeyey kulankii Trump iyo Putin ee Helsinki iyo safar hordhac oo uu ugu kicitimay Moscow, halkaas oo uu kula kulmay Putin. Waxay ka wada hadleen arrimaha Suuriya/Iran, Waqooyiga Kuuriya iyo kaantaroorlka hubka. Shirkii NATO ee Brussels ayuu ka waramay iyo duruufihii ku geddaamnaa. Trump wuxu usheegay madaxdii la socotay inuu ka baxayo NATO. Way uga digeen, dheg se jalaq uma siin. Shirkii NATO markuu furmay wax ka duwan ayuu Trump sheegay. Wuxuu ku dooday in Maraykan dhaqaale badan ku bixiyo NATO, dalalka kale se aanay ka soo bixin heshiiskii Cardiff Commitment 2014.
Labadii shir, London iyo Helsinki ee Trump la yeeshay Theresa May iyo Putin ayuu ka waramayaa. Shirka Putin ayaa xiiso gaar ah leh, maadaama oo Ruushka lagu eedaynayay inuu farogeliyay doorashadii Maraykan 2016kii. Markii uu warbaahinta la hadlayeen Trump iyo Putin ayuu Trump qalad sameeyey oo halkuu Ruushka toos u xusi lahaa ayuu ka booday, hadalkaasina madmadaw ayuu keenay. Warbaahinta Maraykan ayaa qaadaa-dhigtay, kuna dooday inay iscasilaan Pompeo, Kelly iyo Bolton.
Cutubka 6aad maaha mid xiiso badan, kumana jiraan dhacdooyin qurux u yeelaya buugga ama soo jiidanaya akhristaha. Wuxuu ka waramayaa heshiis ku saabsan Intermediate-Range Nuclear Force oo u dhexeeyey Maraykan iyo Ruush oo Maraykan markaa qorshaynayay inuu ka baxo.
Cutubka 7aad wuxuu ka waramayaa xiisad ka dhalatay baadari Maraykan ah oo lagu xidhay Turki iyo bangi jabiyay cunaqabatayntii Iran saarnayd ayaa xiiso leh. Markii wadahadalkii la isku mari waayay, ayuu madaxweyne kuxigeenka Maraykan soo jeddiyay inay toos u wada hadlaan 2da nin ee Erdogan (wasiirka maaliyadda) iyo Trump (ergayga bariga dhexe) soddoga u yihiin.
Bolton ayaa arrintan ku wargeliyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo masuul ka socday Wasaaradda Maaliyadda. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa ka cadhooday. Baaddarigii waa la siidaayay, hayeshee ardintii lama xallin. Iyada oo khilaafku cirka marayo oo Maraykan ka fekerayo inuu eryo danjiraha Turkiga ee Washington (Persona non grata) ayay ku kulmeen Argentina labada madaxweyne: Trump iyo Erdogan.
Madaxweyne Erdogan ayaa farta ka saaray Trump warqad uu soo qoray qareenkii (Legal Firm) baanka Turkiga metelayay. Trump ayaa ku qancay inaanu dambi lahayn baanku, maxkamad New York ku taal oo xayiraad saartay baankana xaakinnadii joogay ayuu ku sheegay inay yihiin rakaabkii Obama, kuwiisana uu dhawaan ku bedeli doono.
Qaybaha xiisaha leh waxa kamid ah kabixistii Maraykan ee Suuriya oo saaxiibbada Maraykan kasoo hor jeedsadeen iyo iscasilaaddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Mattis. Trump ayaa u sheegay Bolton inaanu jeclayn Mattis. Wuxuu Trump sheegay inuu qalad sameeyey markuu magacaabay Mattis oo lagu naanayso Eyga waalan!
Cutubka 8aad: Chaos as a way of life
Arrimaha xiisaha leh waxa kamid ah Trump oo aan la dhacsanayn shaqada ay hayaan Xoghayayaashiisa Arrimaha Gudaha iyo Caddaalada ee ku aadan gidaarka uu ballanqaaday inuu ka dhisi doono xuduudka u dhexeeyey Mexico. Waxa xiiso gaar ah leh, wiilka uu soddogga u yahay oo ciyaaraya doorka Xoghayaha Arrimaha Dibadda, kadib markuu la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mexico. Arrintaa waxa ka xanaaqaya Kelly, Madaxa Aqalka Cad (Chief of Staff ).
Dilkii bahalnnimada ahaa eeJamaal Khashoqi loogu gaystay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee Turkiga ayaa dareen gaar ah leh. Trump dilka Jamaal inuu ka hadlo wuxuu ka doorbiday danta hubka ay ka iibiyaan Sacuudi Carabiya. John Bolton laftiisa ayaa xusaya laba wejiilaynta. Trump ayaa weydiiyay Bolton siduu u arko shakhsiyadda Mattis, Xoghayaha Gaashaandhigga.
Bolton oo is dhawraya ayaa bixiyay jawaab kooban. Waxa cajiib ah inuu Bolton dareensanaa in Trump isagana (Bolton ) dadka sidaa u weydiiyo. Qaybahan, waxa aad uga dhex muuqanaya doorka balaadhan ee qoyska madaxweynaha, gaar ahaan marwada koowaad oo gaadhaysa heer ay Twitter ku qorto shaqaale ay ku sheegayso inaanay u qalmin inay ka shaqeeyaan Aqalka Cad. Trump laftiisa ayaa ku calaacalaya siday u qortay, iyada oo aan wargelin.
Cutubka 9aad wuxuu ka waramayaa Venezuela iyo sida Maraykan u arkayay, guddoomiyihii Golaha Shacabka oo sheegay in dib u doorashadii madaxweyne Maduro aanay sax ahay, isaguna isku cumaamaday madaxweyne kumeel gaadh ah iyo aragtidii Trump ok ay ku jirtay xal milatari. Waxa ka dhex muuqanaya sida Maraykan aanu u danayn dimuqraaddiyad ee uu danihiisa u eegto.
Trump ayaa farriin usii faray madaxweyne kuxigeenkiisa oo kulan dhanka tilifoonka ah lahaa guddoomiyihii baarlamaanka ee sheegtay madaxweyne kumeel gaadhka ah, isaga oo ku adkeeyey inuu usheego inuu daacad u noqon doono Maraykan!
Cutubka 10aad: China
Wuxuu ku bilaabayaa siduu koboca u sameeyey Shiinuhu iyo tartanka ka dhexeeya Maraykan. 2 fikradood oo galbeedku ka qabay Shiinaha: qolo ku dooda barwaaqada ay gaadheen iyo maalgashiga dibaddu inay wax bedeli doonto iyo qaar aaminsan koboca dhaqaale inuu keeni doono dimuqraaddiyad. Bolton wuu khilaafayaa 2da ba.
Ganacsiga ka dhexeeya Maraykan iyo Shiinaha ayuu kawaramayaa iyo siduu Trump ugu doodo inaanu caddaalad ahayn. Shirkadda ZTE oo Maraykan dacwad kusoo oogay, Trump oo amray in dacwadda la laalo misna sheegay in shaqaale badan Shiinaha gudihiisa shaqo waayeen ayaad kula kulmaysaa. Bolton wuxuu is weydiinayaa waxa ka galay shaqaale Shiine ah shaqo waayay!
Akhristuhu wuxuu ku dhagabarjoobayaa dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dal, 2 kulan oo G20 ah oo Argentina iyo Japan ku dhexmaray Trump iyo Xi: 2da madaxweyne.
Madaxweyne Xi ayaa ka hadlay siduu u jeclaan lahaa in Trump sii joogo xilka, dastuurka wax laga bedelo, Trump wuu u bogay. Arrimaha ganacsiga mar laga hadlayay, Trump wuxuu ka codsaday Shiinaha inay fududeeyaan ganacsiga alaabaha beeraha, si Trump u helo taageerada beeralayda.
Cutubka 11aad: Shirkii Hanoi
Shirkii Hanio, Vietnam ku dhexmaray madaxweyne Trump iyo Kim iyo ismariwaagii ayuu kawaramayaa. Shirka ka hor, Trump wuxuu sii dhagaystay kaaliyayaashiisa, si fiicanna wuu uga dheregsanaa wuxuu shirka ka rabo. 3 doorasho ayaa miiska u saarnaa: heshiis weyn, mid yar ama inuu shirka kabaxo. Madaxweyne/ guddoomiye Kim Jung Un (Chairman Kim as Americans refer to him ) wuxuu la shir yimid inuu xidhayo goob kamid ah kuwa hubka lagu naaxiyo, taa bedelkeedana cunaqabataynta dhaqaale laga qaado.
Maraykan way diideen. Haddana wuxuu soo jeediyay inay warmurtiyeed soo wada saaraan. Maraykan mar labaad way diideen, inkasta oo Trump la qaatay. Haddana markii shirku dhamaaday, Maraykan wuu diiday.
Marar badan waxaad la kulmaysaa sida Trump uga soo horjeedo ciidamada Maraykan ee dalalka shisheeye jooga. Waa maxay sabata ciidankeennu u joogaan K. Kuuriya, Jarmalka ama Estonia ayuu weydiiyaa madaxda ka hoosaysa. Heshiisyadii ciidan ee ay kula jireen Koonfur Kuuriya iyo Jabaan oo dhacay iyo sidii Trump loogu qancin lahaa in la cusboonaysiiyo!
Madaxweyne Trump oo safar ku jooga Jabaan, ayaa Twitter umariyay Kim Jong Un siduu u jeclaan lahaa inuu ku gacanqaado xuduudka u dhexeeya 2da Kuuriya, marka uu booqasho ku yimaado Koonfur Kuuriya, shirka Jabaan kadib. Madaxdii Maraykan ee la socotay way la yaabeen, hayeshee Trump wuxuu doonaya ‘igu sawir’ sida uu Bolton aaminsan yahay. Qaybta dambe ee cutubku waxay ka waramaysaa wadaxaajoodkii Maraykan la yeeshay K. Kuuriya
Cutubka 12aad
Wuxuu ka waramayaa Iran iyo heshiiskii Nuclear ee 2015kii, cunaqabatayn lala damacsanaa iyo in lagu daro liiska argagixsada Ilaalada Kacaanka Iran. Maamulka Trump arrimaha Ilaalada Kacaanka way ku kala qaybsameen. Dhanka kale, wuxuu ka waramayaa, mararka qaarna weerarayaa Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykan oo uu ku eedaynayo inuu ilaalinayo danaha shirkadaha Maraykan, taasi oo kalifaysa inuu marar badan hor istaago cunaqabatayn ama tallaabo laga qaadi lahaa dawladdo shisheeye.
Bolton ayaa xusaya in wasiirka Arrimaha Dibadda Iran rumaysan yahay in Trump jecelyahay wadahadal dhexmara Iran laakiin Natenyahu, Maxamed Bin Salman iyo Bolton caqabad ku yihiin. Iran oo gobolka isku balaadhisay, saamayna ku yeelatay ayuu ka waramayaa. Xataa ilaa Taliban inay caawisay mar hadday u adeegsayo danaha Iran, oo aanay kala jeclayn Sunni iyo Shiico.
Dhacdo maraakiib shiidaal lagu weeraray gacanka Hormuz ayuu ka waramayaa, suurtagal siday u tahay daandaansi Iran waddo.
Arrimaha xiisaha leh waxa kamid ah madaxweynaha Faransiiska, Macron oo Trump uga cabanaya in la hor istaagay mar uu rabay inuu telefooonka kula hadlo iyo Trump oo Bolton ku canaanaya arrintaa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Macron ku casuumay shirkii G7, kana shaqaynayay inuu Trump la kulmo iyo Bolton oo ka dagaalamay inay arrintaasi dhacdo, isla markaana qorsheeyey inuu iscasilo hadday dhacdo.
Cutubka 13aad: Afghanistan
Bolton wuxuu carrabka ku adkaynayaa inuu 2 ujeedo kalahaa Afghanistan, la-taliyayaasha sare ee Trump na qabeen;1) in laga hortago ISIS, Al-Qaacida iyo Taliban inay madaxa lasoo kacaan iyo khatarta ka dhanka ah Maraykan, 2) inay ka feejignaadaan khatarta Nuclear ka Iran iyo kan Pakistan oo haysata.
Arrinta yaabka leh waa Bolton oo ku sheegaya Abiy Axmed madaxweynaha Itoobiya, mar uu Trump telefoon kula hadlay 15 March, 2019 si uu uga tacsiyeeyo shilkii Ethiopian Airlines. Dhanka kale, waxa aad uga dhex muuqanaya sida State Department, Pentagon iyo National Security Adviser ay ugu kala aragti duwan yihiin Afghanistan iyo wadahadalada Taliban lala furay/o.
Trump wuxuu isku qaldayaa Xamid Karsaay iyo Ashraf Qaani, isaga oo marar badan xusaya inuu musuqmaasuq badan yahay madaxweyne Ashraf Qaani. Wuxuu Bolton leeyahay hadduu kala garanayo madaxweynaha imika ee Afghanistan, Qaani iyo kii hore, Karsaay dhib badan ayaanu ka badbaadi lahayn.
Trump wuxuu caan ku yahay inuu mawduuca kolba ka baxo iyo siduu uga soo horjeedo ciidamada Maraykan ee caalamka ku baahsan. Africa ciidamada waa inaynu kasoo saarnaa ayuu u sheegay saraakiisha milateriga, si lamid ah siduu ugu celceliyo Suuriya, K. Kuuriya iyo Afghanistan. Sheekada xiisaha badan waa isaga oo socda wadaxaajood Taliban ay la wadeen Maraykan, ayuu Trump si kedis ah ugu wargelinayaa inay Taliban iyo madaxweyne Qaani keenaan Washington, si uu la kulmo. Waxa dib u dhigaya qarax lagu dilay 12 qof oo 1 mid Maraykan ahaa.
Cutubka 14aad
Wuxuu ka waramayaa Ukraine iyo sida Trump fadeexad uga raacday inuu awooddiisa u isticmaalo dano siyaasadeed, telefoon ay ku wada hadleen 2da madaxweyne; Ukraine iyo U. S. Waxa inta badan ka dhex muuqanaya doorka qareenka Trump ee arrimaha Ukraine.
Waxa xiiso gaar leh sida uu Trump afka ugu balaadhinay asxaan inaad ii samayso ayaan doonayaa, mar uu telefoonka kala hadlayay madaxweynaha Ukraine.
Inta badan, Bolton wuxuu ka waramayaa safar ku tegay Yurubta bari oo Ukraine ku jiro, shirar uu la qaatay madaxda dalalkaa. Cutubkan waa ka ugu xiisaha badan buugga, waana ka sababay in Trump xilka-xayuubin lagu soo oogo.
Cutubka 15kaad: Gunaanad (Epilogue)
Wuxuu kaga waramayaa sida uu xaqa ugu leeyahay inuu buuggan daabaco iyo madax hore oo maamulkay ka tirsanaayeen isaga oo weli xilka haya buugaag qoray. Gole-joojintii Trump ayuu waxogaa kawaramayaa.
Dhamaad.

Qaybtii 2aad: Dayn Cafin mise Dayn Maareyn?

Bishii October 10, 2019, Dawlada Norway ayaa shaacisay inay Soomaaliya siinayso dayn ah NOK 3.135 Billion una dhiganta $330 Million oo lacagta Mareykanka ah. Midowga Yurubna waxa uu bixiyey deyn ah $120 million. Ingriiskuna waxa uu deny cusub ahaan u bixiyey $210 million (?). Waa lacagta lagu tilmaamay Bridge loan ama dayn dayn kaga gudub. Waxa xigay in bishii Fabraayo 12 iyo 13, 2020 ay Fulinta maamulka Hay’ada Lacagta (IMF) iyo Bankiga Adoonka (World Bank) go’aansaday in Soomaaliya u qalanto in lagu soo dabaalo barnaamijka loo yaqaan “Heavily Indebted Poor Countries” (HIPC) ama “Dalalka Saboolka ee Deymaha Udabran” (DSDU). HIPC waxa la yagleelay 1996 si dalalka saboolka ah looga gargaaro dhimista saboolnimada (poverty reduction), waa sida BA iyo IMF bogooda xayeysiiska ku qoreen.

Soomaaliya waxay codsatay in daynteeda la maareeyo 2015 oo ah xiligii M/W Xassan Sheikh Maxamuud joogay. Gidi ahaan 37 ayey ahaayeen wadamada la tacaalaayey deynta; 34 dal oo ka mid ah HIPC ama DSDU way ka qalin jabiyeeyn iyaga oo shuruudihii buuxiyey; Itoobiya waxay ka gudubtay Barnamijkan 2005, Chadna 2001. Waxa wali aan barnaamijkan ka qalin jabin Eriteriya, Sudan, iyo Soomaaliya oo ku dhaw in ay shuruudihii laga rabay buuxiso.

Shurrudaha deyn maarayntu afar jaranjaro ayaa loo maraa. Fanashada jaranjarooyinkaas waxay Soomaaliya biloowday xili hore; waxayse BA iyo IMF aqbaleen codsiga Soomaaliya 2015. Wadamada qaarkood lix illa 12 bilood ayey ku khatimaan jaranjarooyinka. Dallalka burburay sida Soomaaliya oo kalena wey ku daahaan. Matalan, Chad waxay ku qaadatay 14 sano. Soomaaliyana mudo ku dhow toban sano (10) ayey ku qaadatay dhamasstirka fanashada jaranjorooyinka HIPC.
Hadii ay Soomaaliya ku guulaysato in ay barnaamijkan ka soo dhalaasho, waxa dhici doonta in daynta lagu leeyahay oo ah $5.3 billion ($700 million tahay lacag ay la daahday (arears)) la maareeyo ama “gacan laga siiyo.”

Dhawr arimood ayaa u baahan erey bixn iyo faham dheeri ah oo ku aadan HIPC. Bankiga Aduunka iyo IMF wadamada deymaha bixiyayaa (financial creditors) isu taga oo la aasaasay 1944. Club de Paris (Paris Club) oo ah maddal ay isugu yimaadaan saraakiil ka soo jeeda dalalka qaniga ah ee deymaha bixiya si ay uga xaajooda sidii dalaka barnaamijka HIPC doorta deyntiisa loo maarayn lahaa. The Club of Rome am Jimciyadii Rome ayaa isna jiray oo waayadan dambe doorka uu ka ciyaaro deymaha iyo deeqaha aad u wiiqmeen.

Maareeynta denyta Soomaaliya waxay ka soo jeedaa 1980hii dayntii ay qaadatay dawladii militariga. Soomaaliya oo illaa 1960hii lagu lahaa daymo kala duwan, marna loo bixiyey “qabrigii qaadhaanka” ayaa kadib dagaalkii 1977 ka wareegtay xulifaysigii Ruushka waxaanay u soo wareegtay dhinaca rer-Galbeedka. Soomaliya maalintaas ayey meel xun martay (dayn qoorta lagashay).

Barnaamji xiligaas loo dhisay Soomaaliya si dhaqaalaheeda loogu soo talaalo kan suuqa furan (free market), waxa loo dajiyey Barnaamij la odhan jiray Structural Adjustment Program (SAP). SAP waa qalab isugu jira dayn bixin (financial instrument) iyo dib u habaynta dhaqaalha dalalk saboolka ah si loo xoojiyo waxa ay dhoofiyaan (export sector).

Daymo badan oy Soomaaliya xiligaas qaadatay waa wax laxaday, wax guryo gaar ah lagu dhistay (sida booli qaran oo kale), iyo wax saraakiishii BA iyo IMF u shaqaynahey la weecdeen. Daynta Soomaaliya lagu lahaa waxay gaadhaysay $2.5 billion xiligii burburku dhacay. Jabkii koowaad ee Soomaaliya halkaasuu ka bilaabmay. Waxa manta lagu leeyahay oo larabo in lamaareeyo waa $5.3 billion oo isugu jire deyn, biillal dib u dhacay, iyo ribo dul saar ah.

Maxaa laga rabay Soomaaliya in barnamijka HIPC ay ka gudubto? Dhowr arimood ayaa muhiim ah. (1) National Development Strategy and Poverty Reduction (ama Qorshe Qaran) oo xoogga saaraya la dagaalanka saboolnima iyo xakamaynta kharijiga dawladu ku bixiso adeegyada bulshada; (2) Ganacsiga gaarka loo leeyahay in la xoojiyo; (3) In shirkadaha cashuurta laga qaado la yareeyo, (4) Doorashooyin in la qabto, (5) “Dawlad wanaag,” iyo dhamaystirka axdi qarameedka qabyada ah, iyo sharciga oo la quweeyo, iwl.

Duuduub ahaan, waa in rer-Galbeedku gacanta ku dhigaan oo hagaan dawladnimada Soomaaliya (Xoriya nin gayaa ha guursado).

Sidee loo maarayn rabaa deynta intan la’eg? Soomaaliya waxa loo balan qaaday in daynteeda dhwor nooc loo maareyndoono: (1) bridge loan ama Dayn dayn kaga gudub oo dhan $$600 oo million (2) in aan loo raacin Soomaaliya riboyinka gaadhaya $2 billion: (3) in dalalka qaarkood saamaxaad buuxa siiyaan Soomaaliya oon weli la hubin (Paris Club); iyo (4) in daymaha qaarkoo si karaanka Soomaaliya le’eg loo bixiyo mudo sadex sano ah. Hadii Soomaaliya shurrudahan ooynan gidigood helin ama aan la ino soo bandhigin ay oofiso, waxa ku hadhi doona $570 million.

Sikastaba ha ahaatee, waxa Soomaaliya u furmay wado cusub oo markii hore ka xidhnay – la macaamilka Baananka aduunyada iyo daymo cusub ooy qaadan doonto.
Bal hadaba casharkan fiiri: (1) BA iyo IMF habeen iyo maalin waxay u gudayaan in ay daymaha ay bixinayaan macaash ka helaan. Cidii ay $2.2 billion ee daynta ahaa ka bixinaysa Soomaaliya iya sida ay deynlaydu uga takhalosayso la inooma sheegin. (2) Shuruudaha Soomaliya lagu xidhay ee suuqa furan iyo Qorshaha Qaran ee BA iyo IMF u dajiyeen dalka lasman khasaare kale in uu u horseedi waa shaki la’aan.

Matalan, Itoobiya waxay HIPC ka qalin jabisay 2005 xiligaa ay doorashadii 2005 samaysay. Dayn cafin waafi ah in ay dhamaysay ayaa shacaba loo sheegay. Hase yeeshee, maanta Itoobiya waxa lagu leeyahay deyn cusub oo gaadhaysa $53 billion. Nigeria oo ah dal qani ah waxay Iyana ka qalin jabisay HIPC, waxese hadda dib ugu dhacday godkii deynta; hadeer waxa Nijeeriya lagu leeyahay $86 billion. Maadaama HIPC aanu wax ka tarayn, waxa hadeeer dalalka Nijeeriya oo kale loo qorshaynayaa nidaam dayn maarayn ah oo loo bixiyey “debt sustainability” ama “joogtaynta daymaha.” Waa nidaam dalka rahaamad muxali ah lagalinayo. Ma laga yaabaa,hadaba, in Soomaaliya Iyana toban sano dabadeed gasho nidaamkan oo kale?

Waa su’aal aan mar kale rabo in aan daba galo. Hase ahaatee, waxa waajib ah in aan faham dheeri ah ka yeelano is-hardiyaya nidaamyada Qorshaynta (different theories of national development plans). U sacab tumka deyn maareynta waxa uga haboon indheer garadka Soomaalida in ay kawada xaajoodaan nidaamka dalka ku haboon ee hore loogu marin karo. Kolayba Soomaaliya waxay taagantahay: “nin qoyani biyo iska ma dhowro,” sidaas darteed waxa hadeer muhiim DFS in dib loogu furo daymo cusub iyo in ay la macaamili karto baananka aduunka. Taasna waan soo dhawynayaa, inkasta oon u jeedo in jid gudcur ah lajibaaxyo meel gabaahiirana geediga loo guurinayo.
Waxa qoray Faisal Roble

Dayn Cafenta Soomaaliya mise Dayn Maareyn?

Qaybtii 1aad

Hordhac Jilcinta Casharka Daynta

Ciwaanka riwaayad hore ayaa ahaa Xoriyo Nin Gayaa Ha Guursaado!

Xoriyo Xaaji waa haweenay shan caruur ah leh. Guri labo qol iyo barsad ka kooban ayey leedahay. Reerku biilka waa iska bixiyaa, odaygeeduna wuu shaqeeyaa. Ayaan daro, si ka dis ah ayuu odaygii uga tagay. Dadka qaar waxay dhaheen Kenya ayuu tagay, qaarna waxaabay aaminsanyihiin in uu ku dhex luma beeralayda Oromo ee Itoobiya. Kuwo sadexaad ayaa aaminsan in gabad Canfer ah uu guursaday uu Djibuuti iska dagay.

Xoriyo kharash ay biillashii lagu lahaa ay ku bixiso ayey weyday. Si aanay caruurtu uga macaluulin, raashin la cuno iyo wax lagu qoboysto waxa laga soo siiyaa Masaajidada iyo meelaha tabaruca laga bixiyo.

Mudo dabadeedna baabuurkii ay ku dhaqdhaqaaqaysay ayaa laga jiitay, maadaama ay dayntii sadex bilood la daahday. Markay ugu darnayd waa markii ay sadex nin oo bankigii guriga maahiyey a ku yidhaahdeen waa in aad dayntii guriga bixisaa mudaadan bixini. “War walaal iga saamaxa oo guriga caruurta ii daaya” ayey Xoriyo tidhii iyadoo ilmadu ka qubanayso.

Mid kanni adag oo raga Bankiga ka socday ka mid ahaa ayaa hal qabsi ay jecelyihiin deyn bixiyayaashu ugu maahmaahay Xoriyo. “There is no free lunch” ama “Hadhimo bilaash ahi ma jirto” ayuu ku yidhii. Xoriyo tallaa jiq ku tidhii! Gurigii ay ku asturnay in laga saaro ayey ku dhuwdahay. Macaluushii si buuxda ayey caruurtii hadeer uga muuqataa. Xataa deyntii ay dukaamada jaarku siin jireen waa lagala noqday. Sumcadeediina way xumaatay.

Xoriyo may rajo goyn. Dhexda ayey xidhatay shaqo ayey raadsatay, Ilaahayna faraj ayaa u furay. Shaqo yar oo mushahar laga helayo ayey heshay. Gaadhi ma haysato ee wey u lugaysaa. Dadaal kuma yara, inkasta oo shaqsiga shaqadan cusub siiyey uu mararka qaarkood mushaharkeeda ka musuqo.

Nin Masaajidka ay ku aragto oo arinteeda ogaa ayaa hadaba la taliyey maadaama ay shaqo yar oo kharji ka soo galo heshay. Talo: u tag Bankigii guriga ku aamaahiyey, u sheeg in aad shaqo yar heshay. Ka dhaadhici in aad diyaar u tahay in aad gurigaaga ku asturaato, sumcadaadu hagaagto, macaamil cusub iyo dayn bixin cusub aad diyaar u tahay.

Fariintii haday maamulihii Bankigii daynta guriga ku lahaa u geysay, waa ka aqbalay. Waxa uu ugu balan qaaday in uu gudida Bankigia horgeynayo hidisaheega ah in ay Xoriyo diyaar u tahay in loo MAAREEYO dayntii guriga iyo kuwii kaleba. “Waxaan ku dadaalyaa in qorsha aad ka bixi karto oo dyentii lagugu lahaa dib u Maareyn lagu sameeyo lagu dajiyo. Weliba waxaan isku daydoonaa in Jaarka iyo mushtaradii aad la macaamili jirtay garwoshe sameeyaan doonaan oy dib kuula macaamili doonaan.

Waxaadse ku tala gashaa (1) in jadwel adag laguu dhigidoono oo la fiirin doono sida aad mushaharka aad qaadato u isticmaali doonto, (2) in aad anshax iyo edeb ku dhaqanto, iyo (3) in aad u diyaar garowdo in aad lagac hadeer lagaa rabi doono aad bixiso. Siyaabaha aad ku bixindoontana anagaa kaala talindoona.

Xoriyo waayahay ayey tidhii. Furihii gurigeeda mid la mid ah ayey ninkii Bankiga ka socday siisay oo waxay ku tidhii guriga gal, baadh, talada qoyskana hada wixii ka dambeeye weynu wadaagi.

Intuu ninki Bankiga ka socday la dhacay sida hagar la’aanta leh ay Xoroyo u fahamtay dulucda maahmaahda ah “There is no free lunch,” ama “hadhimo bilaash ah ma jirto” uu hoos u yidhii ayuu furihii farta ku luxay, markaasuu gadhigiisii Ferriga ahaa ee gooxa badnaa fuurum, fuurum ka siyey, dabadeedna gacanta u haadiyey Xoriyo isaga oo ku dhaqaaqi “see you later!,” “nooli kulantee.!

Qaybta labaad waxaan si buuxda ugu dhaadhici Bankiga Aduunka, IMF iyo Barnaamijka Deynta Soomaaliya.

Source faysal rooble

Great Economic Thinkers

Buugga la yidhaa “Great Economic Thinkers” ee uu qoray Jonathan Conlin, waxa uu ka warramayaa kolka aynu rabno in aynnu kala fahanno muranka bidixda iyo midigta inay waajib tahay in la fahmo saddex nin iyo saddex nidaam. Waxa laga yaabaa in warbaahinta aad badanka ka maqasho qolyaha bidix, xisbiga midigta, bidixda fog, midigta fog, bidix dhaw, qolyaha dhexda taagan, iwm. Bidix iyo midig si aynnu u kala fahanno waxa khasab ah sida uu buuggu ku talinayo in aynnu kala baranno saddex aragtidhaqaaleed oo aasaaseyaashoodii wata iyo saddex nidaamsiyaasadeed oo udbahooda wata.

Saddexda nin wuxu ku sheegay Adam Smith, aabihii hantigoosadka iyo suuqa xorta ah, aragtiyihii John Keynes oo lagu naanayso “father of macroeconomics” iyo Karl Marx aabihii hantiwadaagga iyo shuuciyadda. Saddexdan oday aragtiyahooda dhaqaaleed waxa u kala ololeeya axsaab badan oo dalalka dunida ka jirta, oo ku dooda in aragtiyahooda dhaqaaleed ay muwaadiniintooda anfacayaan, axsaabtaas ayuu qofba xisbiga uu la dhacsan yahay taageeraa/taageertaa.

Saddexda nidaamna wuxu ku sheegay dimuqraaddiyadda, liiberaaliyadda iyo asalraacinimada (democracy, liberalism and conservatism). Wuxu qoraaga buuggu leeyahay, qof kasta oo la dhacsan aragtiyaha Keynes waa dhexdhexaad, haddii se aad u janjeedhsato dhinaca Smith waa midig, dhanka Marx na waa bidix. Saddexdan oday wuxu ku sheegay inay yihiin miisaanka bidixda iyo midigta ee xagga dhaqaalaha. Xagga siyaasadda qofka taagan dimuqraadiyaddu waa dhexdhexaad, qofka taagan xagga asalraacnimadu waa midig, qofka taagan xagga liiberaaliyadda waa bidix.

Qofka aragtida Smith ee hantigoosadka/suuqa xorta ah iyo nidaamka asalraacnimada isku darsaday waa midig fog
(Capitalism/free market + conservatism = far right.)

Halka qofka isku darsaday aragtiyaha Marx ee hantiwadaagga/shuuciyadda iyo liiberaaliyaddu uu yahay bidix fog:
(Socialism/communism + liberalism = leftist/far left)

Qofka aragtiyaha dhaqaaleed ee John Keynes iyo dimuqraadiyadda israacsadayna uu ka yahay dhexdhexaad weyn:
(Democracy + Keynesian = centralist)

Cidda muranka bidixda iyo midigta xiisaysaa buuggaa ha raadiyaan. Se si guud buuggu waxa uu nuxur ahaan ka hadlayaa noloshii iyo dadaalkii dhaqaaleyahanadii taariikhda casriga ah ugu raadka badnaa sida Adam Smith, Karl Marx, John Keynes, David Ricardo, John Mill, Alfred Marshall, Friedrich Hayek iyo qaar kale oo dhaqaaleyahanka mucaasirka ah ka mid ah.

Source Mustaphe Sharmaarke

SAAMAYNTA DHAQAALE EE XANUUNKA KORONAFAYRASKU (CORONAVIRUS) UU KU YEESHAY CAALAMKA!

Xanuunka loo yaqaan Coronavirus ka (Covid19) oo markii u horraysay ka bilaabmay bishii January 2020 suuq lagu iibiyo duurjoogta oo ku yaala magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa farabaas ku haya caafimaadka & dhaqaalaha caalamka.

Ilaa hada xanuunku wuxu haleelay dad ka badan 83,000 waxana u dhintay inta la ogyahay 3,000 oo ruux kuwaas oo 90% ay u dhasheen dalka Shiinaha. Dalalka kale ee uu xanuunku sida wayn u saameeyay waxa ka mid ah: South Korea, Japan, Iran, Italy.

Dhibta caafimaad ee uu xanuunku keenay waxa weheliya saamayn dhaqaale oo wayn. Waxa ilaa hada la sheegayaa inuu suuqyada caalamka (Stock Markets) sida DOW JONES, NASDAQ, FTSE, SHANGHAI, DAX, NIKKEI, CAC, HANGSENG uu ku yimid hoos u dhac ka badan ilaa US$20 Trillion.

Waxa laga cabsi qabaa in dhaqaalaha adduunka oo 10kii sano ee ugu dambeeyay aad isu dhexgalay (global supply chain integration) oo keenay in qalab badan oo ay u baahanyihiin wershadaha caalamka iyo tiknooliyada lagu sameeyo dalalka Shiinaha, Japan, Kuuriya iwm. Kuwaas oo uu xanuunku sababay in la xidho wershadihii samayn jiray qalabka taas oo curyaamin wayn ku ah wershada reer galbeedka sida kuwa sameeya baabuurta, moobilada, diyaaradaha, koombiyuutarada iwm.

Waaxaha dhaqaalaha ee uu xanuunku sida wayn u saamaayay waxa ka mid ah adeegyada (services sectors) sida hudheelada, diyaaradaha, gaadiidka, dalxiiska iwm. Waxa kale ee uu xanuunku saameeyay tacliinta oo keentay in la xidho goobo badan oo waxbarasho gebi ahaanba. Waxa laga cabsi qabaa inuu xanuunku dhaqaalaha adduunka (Global GDP) uu ku sameeyo hoos u dhac dhan 1.5% ilaa 2.5%.

Si kastaba ha ahaatee waxa cad cabsida laga qabo xanuunkan oo keentay in dalka Iran maanta la joojiyay salaadii jimcaha, iyo Sucuudiga oo mamnuucay dadkii Cumrada u imanayay.

Waxa loo baahanyahay in xukuumadu dhigto madaarka Hargeisa shaqaale caafimaad oo si fiican u tababaran oo baadha dadka Ajanebiga ah iyo weliba kuwa dalka u dhashay ee ka imanaya meelaha xanuunku ka dilaacay.

Ilaahay ha ina ilaaliyo – Aamiin dhaha!!!

Soo Bixitaankii iyo Isbeddelladdii Caqlaaniyadda

Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo baxay dadyoow loogu yeedho “Caqlaaniyiin”. Iyagu; ammaan, aqoon iyo indheergaradnimo ay isku tuhmayaan ayey ula baxeen ereygaa, halka dadyowga ka soo horjeeda dhaliilid, liidid iyo takoorid ay ka tahay ugu yeedhidda ereygaasi. Kolka la leeyahay hebel waa ‘Caqlaani’ waxa looga jeeda in uu caqligiisa ka shaqaysiinayo. Taas uun ayaa dadyowga qaar ammaan ka dhigtaan, kuwa kalena dhaliil uga dhigaan. Biyadhacuna wuxuu noqonayaa eraygaasi muxuu ku saxsan yahay? ma dhaliilid mise ammaan?

Caqlaaniyaddu (rationalism) waa fikir muddo dheer ka jiray reer galbeedka loona tiiriyo aragtiyahankii Giriig ee Plato, lana aaminsanayeen ardaydiisii Aristotal iyo Cnidus. Taariikhyahannada qaarkood ayaa soo guuriya Plato aragtidan in uu kaga horreeyey filasoferkii reer Hindiya ee Ajita Kesakambali ee caanka ku ah aasaasiddii dugsiga aragtida ee Charvaka.

Aragtidani dunida reer galbeed waxa ay mar labaad ka soo cusboonaatay kolkii kiniisaddu la bah noqotay boqorrada. Cir-bixiyihii reer Talyaani ee Galileo ayaa ibo furay doodda Rationalism-ka, isaga oo ku doodi jiray in mabaadi’du u baahan tahay maangalnimo oo aan sideeda loo liqi karin. Galileo wuxuu aaminsanaa in aragti kasta oo kiniisadda ka timaadda shaandho loo qaato. Sababta oo ah filasoofarradii reer galbeed waxa ay ogayeen diintoodu in ay tahay mid wax badan laga beddelay sidaa darteed aan lagu kalsoonaan karin doodaha wadaaddada kiniisadda.

John Locke (1632-1704) aragtidiisii Heshiisyada Bulsho ayaa uu ku doodayaa in dawladdu cabbudhinayso lahaashiyaha damiir qofkeedka bulshada, deedna wuxuu sameeyay xuquuqda dabiiciga ah ee damiirka qofka oo uu ku tilmaamay in dawladda laga ilaaliyo in ay faragelin ku samayso. Aragtida John Locke waxa loo aaneeyaa in ay saamayn ku lahayd qoriddii dastuurka Dee.

Baruch Spinoza oo reer Holland ah, Rene Descrates oo Faransiiska u dhashay iyo ninkii reer Jarmal ee Gottfried Wilhelm Leibniz ayaa kacdoonka Rationaslism-ka mar labaad ka dhaliyey waddamada Yurub qarnigii toddoba iyo tobnaad.
Qeexitaanka reer galbeed ee Rationalism-ku waa: ku dhaqanka maabadi’ ay marjac u yihiin fikrado iyo ficillo ay hagayso aqoontu, iyada oo aan loo eegayn wax la xidhiidha diin, dhaqan iyo caaddifad. Mar kale, caqlaaniyadda waxa lagu qeexaa adeegsiga caqliga, xikmadda, daliilka iyo aqoonta la tijaabiyay ee sayniska si loo baal maro khuraafaad iyo ku-tidhi-kuteen laga aamminsanaa shay ama dhacdo.

Qaamuuska Carabigu wuxu ku qeexaa Caqlaaniyadda: Mad’hab caqliga ka dhiga gundhigga wax kasta laga qaato, naskuna caqliga daba fadhiisto, oo haddii u caqligu aqbali waayo naska raacaya caqliga, mararka qaarna leexiya fahanka cad ee Quraanka iyo Xadiiska. Dadka aaminsan aragtida Caqlaaniyaddu waxa ay sheegaan in ereygu tilmaamo dheeraad ah; kuwii caqliga badnaa, qeexistooduna tahay kuwa caqliga ka shaqaysiiya.

Dunida Islaamka Rationalism-ka laba marxaladood ayaa loo tiiriyaa; marxalad waa xilligii uu jiray dugsigii aragtida ee Muctasiladu. Marxaladda labaadna waa horraantii qarnigii labatanaad. Taariikhyahannada Musliimiintu waxa ay u kala yaqanaan caqlaaniyaddii hore iyo caqlaaniyadda cusub, iyaga oo labadan marxaladood ku kala salaynaya.

Fikirkii Muctasilada bud-dhig waxa u ahaa adeegsiga caqliga, xujo kasta oo diineed waxa ay ku dabbaqeen halka uu caqligu iska taago. Fahankoodu wuxu ku qotomay in caqligu ka horreeyo naska oo nasku daba-socdo caqliga. Sababta ay u leexsameen ee tubtii qummanayd uga baydheen ayaa ahayd in ay talaxtag badan sameyeen, caqligana wax kasta dabar uga dhigeen. Xataa nusuus cad ayey leexiyeen iyagoo fahanka caqligooda kaashanaya, waana sababta dugsigani u noqon waayey mid wakhti dheer sii jira oo isagu is-dabrid isugu filnaa kolku qayd u samayn waayey doorka caqliga ee ku aaddan naska.

Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo horraantii qarnigii labatanaad aqoonyahanno Muslimiin ah ayaa aragtida Rationalism-ka dib u soo cusboonaysiiyey, iyaga oo aan la jaan ahayn aragtidii tirtirantay ee Muctasilada, se dooddoodu ku aaddanayd galdalooloyin jiray in fikirkoogani xal u noqon karo, balse ay la sii taraartay oo xal u heliddoodii noqotay kud ka guur oo qanjo u guur. Waxa kale oo jiray rag reer galbeedku riixayeen oo si cad u soo miinguuriyey aragtiyahoodii oo doonayey in ay diinta la falgeliyaan.

Syed Ahmed Khan oo noolaa 1817-1898kii, wuxu ka mid ahaa aragtiyahannadii Muslinka ee ugu saamaynta badnaa taariikhda Hindiya. Qoyskiisu wuxuu ahaa mid aad ugu dhow boqortooyadii Mughul iyo boqorkii xilligaa ee Akbar Shah. Khan wuxu ahaa nin bartay aqoonta shareecada, sida oo kale waxa uu ku wanaagsanaa xisaabta iyo cilmi-falagga (astronomy) waxana uu ka hawlgeli jiray maxkamadihii boqortooyada Mughul.

Khan wuxuu ahaa nin akhriska iyo curinta ku wanaagsan, jaraa’id walaalkii maamuli jiray wuxuu ku lahaa qormooyin taxane ah. Waxa saamayn ku yeeshay filasoofaradii reer galbeed, ilaa lagu tiriyo in uu ka mid yahay filasoofaradii ugu waaweynaa taariikhda Hindiya.

Syed Khan waxa uu soo waariday aragtidii maangalnimada (pragmatism). Pragmatism-waa falsafad dhaqan oo caqligalnimo gundhiggeedu yahay, waxa ay tixgelin siisaa dabeecadda, aqoonta, caqiidooyinka, sayniska iyo aragtiyaha. Aragtidan maangalnimada (pragmatism) oo asalkeeda ay lahaayeen filasuufyo reer Maraykan ah oo la kala odhan jiray William James, John Dewey iyo Charles Sanders Peirce, waxa ay xoogga saartaa fulinta fikradaha midhadhalka ah ee saamaynta macquulkaa leh. Aragtidan ayaa sannadkii 1870kii ka soo altuntay carriga Maraykan.

Khan, aragtidan maangalnimadu waxa ay saamayn weyn kaga yeelatay fahankiisii Quraan iyo xadiis, isaga oo mar walba maangalnimo ku eegi jiray fasirka nusuusta, waa sababta uu kolkii dambe ugu xuubsiibtay in badheedhihiisa ku aaddan rationalism-nimada uu caddaysto oo aanu la gabban.

Khan wuxu noqday qofkii ugu horreeyey dunida Muslimka ee loo aqoonsado in uu ahaa soo celiyihii aragtidii adeegsiga caqliga ee talaxtagga ahaa. Waxa uu sii badheedh leh u dafirijiray aayado Quraan ah iyo axaadiis uu ku sheegi jiray in ay ka hor imanayaan caqliga, isaga oo leexin iyo meelo aanay lahayn ula kici jiray. Khan isagu wuxu qaaday dhabbadii reer galbeed la doonayeen diinta Islaamka in loo qaato, waxana layaab lahaa in gacanta loo geliyey dhaqaale badan oo uu fikraddiisa ku faafiyo.

Jamaaladdiin Afgaani oo noolaa 1839-1897kii, wuxu ahaa dirane siyaasadeed iyo aragtiyahan Muslin ah, dhulal badan oo Muslin ah wuxuu u tagay sidii uu u kicin lahaa shacabka oo gumaystaha reer Yurub waddamadooda uga saari lahayeen. Waxa lagu xusuusto Afgaani waxa ay tahay firkaddii Midowga Islmaanimada. Midowga Islaanimadu ( Pan-Islamism) waa fikrad siyaasadeed oo udub-dhexaad u ah helitaanka Muslimiinta oo hal waddan ku midooba iyo urur caalami ah oo leh mabaadi’da Islaamka ee ka duulaysa tirtiridda takoorka midabka iyo wax kasta oo kala qaybinaya jinsiyadda aadanaha oo ku salaysan qawmiyad kala sarrayntu ugu horrayso.
Afgaani wuxu aaminsanaa in shareecada Islaamku ku habboontahay caqligalnimo in loo adeegsado, isaga oo arrinta u adeegsanayey in khilaafka Muslimiinta dhexdooda yaallaa ka weynaan midnimadooda. Waxana la sheegaa in aragtida rationalism-ku aanay isaga ku weynayn oo ragga talaxtagga ah aanu ka mid ahayn se uu aaminsanaa in fahanka iyo fasirka maangalnimo lagu daro.

Maxamed Cabdoo waa Masri noolaa 1849-1905, wuxuu ahaa dib u habeeye madaxbannaan, taariikhyahannaduna ka aaminsanyihiin in uu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan casriyeynta Islaamka, waxa kale oo loo yaqaanay Neo-Mu’talizim ama cusboonaysiyihii aragtida Muctasilada. Falsafadda ayuu Azhar ka bartay, wuxuna noqday macallin iyo titafire wargays. Wuxu ka mid ahaa raggii la dagaalanka gumaysiga ku caanbaxay, wuxu ka mid ahaa ururkii Pan-Islamic Unity, waxa kale oo uu ahaa ardaygii Jamaaladdiin Afgaani.

Maxamed Cabdoo macallinkiisii Afgaani wuxu ka dhaxlay aragtidii rationalismka, meelo aanu Afgaani gaadhinna wuu ka gaadhay xagga talaxtagga iyo xadgudubka fahan, isaga oo ka sii casriyeeyey una dhawaaday fahan ahaan kii Muctasilada ilaa looga aqoonsaday dib u soo nooleeyihii aragtidii Muctasilada. Laakiin marna afkiisa iyo qallinkiisa lagama maqan in uu qaatay aragtidii Muctasilada.

Cabdoo tagistii waddamada reer galbeedka ayaa yadna loo aaneeyaa in ay saamayn ku lahayd fahankiisa ku aaddan in caqligu ka horreeyo naska oo mar walba la tixgeliyo caqliga. Waana sababta aad u arkayso isaga oo diiddan aayado ka mid ah Quraanka iyo axaadiis sugan kuna sallaynaya in aanay maangalnimo ahayn in sidooda loo qaataa.

Caqlaaniyaddu wakhti xaaddirkan dunida Muslinka dugsi jira oo rag waaweyn leh ayuu noqday, raggaasi iskuma sii jiraan ee qaarkood ayaa u aaminsan aragtidan sida reer galbeedka in caqligu wax kasta hago, aragtida maaddiga ah ee reer galbeed waa in arrin kasta oo la soo gudboonaata caqliga lala kaashado, jaangoynteedana uu lahaado caqligu.

Dunida galbeed kula yaabi mayno oo waa dad diintoodii ka tagay, diintooduna aanay ahayn mid badhax-tiran sidaa ajligeed fikir kasta oo maankoogu allifo la yaabi mayno. Waxa se layaab leh dadka aaminsan in diintoodu dhammaystiran tahay in ay inoo soo miinguuriyaan aragti dad bilaa diin ahi qaateen, oo aqoon iyo horusocod inooga dhigaya.

Aqoonyahanka Muslinka ah ee aragtidan la falgalaa isku mustawa maaha, meelna kama wada taagna aragtidan, oo qaarkood way la fogaatay oo maangalnimada ayaa u ah hage, xagga qaarkoodna meelo xaddidan laga hayo in ay ka hor mariyaan caqliga naska.

Xayndaab uma aha aragtidani maddarasad gooni ah, dhammaan dhaqdhaqaaqyada fikradaha xambaarsan dad aragtidan aaminsan waa laga soo helayaa. Tusaale ahaan Ikhwaanka Xasan Turaabi wuxuu ka mid yahay ragga ugu cadcad ee aragtida caqlaaniyadda loo tiiriyo. Maxamed Daahir Cashuur, Maxamed Mustafa Al-Maraaqi iyo Maxmuud Shaakir Laalusi waa maddarasadda Salafiga waana rag aragtida rationalism-ka aaminsanaa.

Muslinka aragtidan aaminsan qof u badheedhay ma jiro in uu si cad uga horyimaaddo aayad ama xadiis, mid kasta markii hore wax hagaajin bay ka ahayd, taas uun baa la sii durugtay. Tusaale ahaan dirane Jamaaladdiin Afgaani wuxu xoogga saari jiray cusboonaysiinta diinta, wuxu aaminsanaa in aanay khasab ahayn in loo fahmo nusuusta ama loo fasiro sidii ay u fasireen culimadii hore, wuxu qabay aragtida ah in loo baahanyey in aragti cusub lagu eego nusuusta.

Imaam Maxamed Cabdo isna waxa la sii durugtay kala garashada naska u baahan fasirka iyo ka sidiisa loo qaadanayo. Tusaale ahaan naska cad ee aan fasir u baahnayn aqoonyahanka diineed waxay aaminsan yihiin in sideeda loo qaato oo aan furfurid kale loo raadin, laakiin naska aqbali karaya in fasir loo sameeyo la furfuro, taasna waxa ka dhalanaya in caqligu caddeeyo fahanka ka soo baxaya naska. Kala garashada labadaa qaacido ayaa ku adkaatay aqoonyahankii aragtidani la taraartay.

Markii dambe na waxa ay gaadheen heer ay soo noqon kari waayaan. Ardaydii raggaa ku abtirsatay waxyaallaha sii fogeeyey waxa ka mid ah rag iska celi iyo iyaga oo maagid iyo dhalleecayn kala kulmay maddarasadihii kale ee ka aragti duwanaa, iyagana taas ayaa la sii fogaatay, halka qaarkood toos u sheegteen maddarasaddii galbatay ee Muctasilada.

Caqlaaninimada Turkida oo uu aabbo u ahaa Mustafa Kamal Ataturk, markii ay ay baaba’day Khaliifadii Cismaaniyiintu waxa loo arkay (marka loo eego cidda taabacsan isaga) Islaam midayn kale iyada oo loo arkayay in ay khatar ku noqon karto Reer Galbeedka. Ataturk, halkii uu ka bilaabay qaddiyadda caqlaaniyadda waxa ay ahayd dagaalladuu uu la galay Muslimiinta, luuqadda carabiga,masaajidda, quraanka iyo astaamihii Islaamaka.

Soomaali aragtida caqlaaniyadda aaminsan waxa ay keenaan doodo ay ku ammaanayaan Muctasilada, iyaga oo ugu soo gabbanaya in aragtidaasi maangalnimada xujaysanaysay, fogaysan maayo ugu dambayn in ay si cad u sheegan doonaan da’yartaasi in ay yihiin Muctasilo.

Muslinka mad’habkiisu dhexdhexaadka yahay waxa uu aaminsanyahay in caqligu aragti ahaan aanu meel istaagin oo isbeddel qaadan karo, taasna ay sabab u tahay kobociisa aqooneed iyo qaangaadhnimadiisa qofeed ee waaya-aragnimo. Sidaa ajligeed uu yahay qof maalinba la aragti ah halka mustawihiisu joogo, sidaa darteed in uu ka horyimaaddo aayad Quraan ah ama xadiis Nabi ka suurtageli mayso.

Mad’habta dhexdhexaadku waxa ay ogsoonyihiin in ereyga “caqli” shan iyo labaatanjeer Quraanka ku soo arooray, oo aan laga soo helayn ereygaa meel lagu dhaliilay adeegsigiisa, sida oo kale waxa ay ogsoonyihiin ka shaqaysiinta caqliga meel lagu fogeeyey in aanay jirin, waxa aanay ogyihiin in meelo badan oo Quraanka ka mid ah Alle ku ammaanay ka shaqaysiintiisa, farayna in laga shaqaysiiyo, mararna Rabbi tilmaamay in ay ka mid tahay ka shaqaysiintiisu galladaha uu innagu mannaystay, iyo in la isku dhaliilay ka shaqaysiin la’aantii. Sida oo kale in Alle SWT, ku lammaaneeyey calaamadihiisa waaweyn.

Mad’habta fahankoodu dhexdhexaadka yahay maamuska Quraanku siiyey caqliga ma dafirsana, waxa ay aaminsanyihiin in caqligu yahay ka wax lagu fahmayo, diintuna tahay midda toosinaysa caqliga, waxa kale oo ay is cad u sheegaan in aannu caqligu diinta toosinayn. Waxa kale oo ay qirsanyihiin in fahanno badan oo diineed in la guntaa caqligu sabab u yahay. Tusaale ahaan madaahibta fiqiga khilaafkoodu waxa uu ku salaysan yahay fahanka ay ka qaataan naska aan masalada caddayn.

Waxa ay ka shaqaysiiyaan caqliga oo waxa ay ku kala tageen waa fasirka caqligu bixiyo. Waxa ay dul istaagaan waa masaa’isha nasku aanu caddayn ee u baahan in qaacidooyin loo dhigo amase naska ka warramaya si guud masaa’il is huwan u sheego oo ay u doonaan in ay fahanka lagala dhex baxayo u dhiteyaan. Haddana waxa ay ogsoonyihiin in uu jiro dabar xidhaya oo u diidaya in ay xadgudbaan oo caqliga masalo kasta furfuriddeeda ku dayaan.

Aragtida dhexdhexaadku waa midda Sunniga ee talaxtagga iyo fadhiidnimada u dhaxaysa, waa fikirka aaminsan in caqliga laga shaqaysiiyo oo aanu caqligu daba-socde noqon, waa mad’habta qabta in aanu caqligu hal-beeg u noqon wax kasta oo u mustawihiisa ogsoonaado, waa aragtida qirsan caqligu in aanu hanuunsamayn diinta la’aanteed, diintuna noqonayn mid cad caqliga la’aantii, sidaa darteed ay isdheelitirayaan.

Sunnigu waa aragtida sidaa u dhexdhexdaadka ah ee iska dhowraysa xadgudubka. Aragtidaas ayaa caqliga nasteex iyo ehel u ah, se aragti lugoynaysa oo meelo uu ku hodmayo gaynaysa maaha. Caqliga oo dabar la’aan socda dhaxalka laga dheefaa in uu yahay rabitaanka oo qofka u hoggaamiya in uu hawadiisa raaco ayey ogsoon yihiin.

Qorshaha dhagaraysan

Cigaal Vs saalax. Abiy Vs Biixi.

February 1999, madaxwaynihii yeman cali cabdalla saalax waxa uu u so bandhigay madaxwaynihii somaliland qorshe uu ku doonayay in somaliland sheegato sharciyaddi dalnimo ee jamhuuriyaddii soomalida (somali republic), sidaa na caalamku ugu aqoonsado dawladda sharciga ah ee ka jirta jamhuuriyaddii. saalax waxa uu rabay taa baddalkeeda in somaliland ka noqoto gooni isutaagga, jabhadaha somalia ka dagaallamaya na loo tixgalin doono qabqab layaal dagaal oo aan wax ka soo qaad lahayn, ugu dambaynna laga shaqaynayo sidii hubka looga dhigi lahaa dib u heshiisiin na loogu samayn lahaa.

cigaal qorshahaas aad ayuu ula yaabay. mar waxa uu ku noqday mid aan suurtogal ahayn, waa marka loo eego xaqiiqada gudaha ka jirta oo aad uga duwan sawirka uu saalax iyo saaxiibadii. mar kalena waxa uu ula muuqdo mid la qaadan karo haddii la helo dammaanad qaad ka wayn dalalka carbeed, oo metalan golaha ammaanka iyo xubnihiisu aqbalaan in somaliland sheegato Sovereignty gii jamhuuriyadda iyada oo sadqaynaysa gooni isu taageeda sidaa na lagu la shaqeeyo.

labadii midna ma dhicin, cigaal kuma dhiirran in uu dadkii ula yimaaddo qorshahaas oo si fudud ayay cimrigiisa siyaasadeed u soo afjari lahayd, lama na helin dammaanadda golihii ammaanka.

febraury 2020 waxa miiska saaran isla qorshihii oo weji kale leh. halkii saalax waxa ku jira Abiy, balse markan lama rabo in somaliland yeelato sharciyaddii jamhuuriyadda e waxa la rabaa in waxoogaa dheef dhaqaale u badan miiska loo dhigo.
hadafka guud ee qorshahaasi waa in somaliland madaxa loo galiyo qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee somalia ka jira, maadaama taasi ay bilow u tahay wejiga labaad ee colaadaha soomaalida.
Qorshe aynu diidnay marxalad aynu middan ka nuglayn, xaqiiqo ahaan ma jirto sabab aynu xilligan macne iyo mudnaan u siinna ba .