Falaqaynta Buug Eat that Frog

Cagajiid iyo niyadda oo aaminta in shaqadu ku badan tahay ayaa ka mid ah sababaha dib u dhaca ku keena hawlqabashada qofka. Mark Twain oo ahaa qoraa iyo macallin jaamacadeed caan ahaa oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa mar uu dadka ku dhiirrigelinayey sida ugu habboon ee ay uga fogaan karaan ka cagajiidka shaqada waxa uu reebay hal-ku-dheg macnihiisu ahaa, Subaxda hore raha nool cun, wax ka xun oo maalinta inta hadhay aad la kulmi doontaa ma jiro
Twain waxa uu ogaa in aanay jirin hawl ka xun in qofka shaqo looga dhigo in uu rah nool cuno, laakiin haddii shaqadaadu ay taas noqotay, hore isu dhaafi oo weliba hadday laba rah yihiin ka weyn ku bilow subaxda horeba ayaa ay taladiisu ahayd. Haddii shaqada laguu diray teeda ugu dhibta iyo yaq-yaqsiga badan aad ku bilowdo maalintaada inta aanad hawlkalaba u jeedsan, ayaa keenaysa in shaqooyinka kuu hadhay oo dhami noqdaan kuwo naftu ku dhiirrato oo weliba iyada oo ka raalli ah ay dhaqso u samayso.
Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta nafta ee lagu magacaabo Brian Tracy ayaa si qoto dheer u sii lafaguray, halkudheggan cunista raha, isaga oo weliba qoray buug uu isla rahan la cunayo sumad uga dhigay. Buuggiisan Eat that Frog (Rahaas cun) oo ka mid ahaa buugaagtii waqtigiisii loogu iibsiga badnaa, ayaa uu ku soo bandhigay habab aad u heersarreeya oo lagaga hortegi karo cagajiidka iyo culayska marar qofku dareemo ee shaqada dib dhiga.
Brian Tracy waxa uu magacan buugga ka soo dheegtay, halkudheggaas uu ka tegey Mark Twain ee ahaa Subax kasta cun rah nool, wax ka xun kuguma dhici karo maalintaas inta ka hadhay oo uu ka wado in hawsha ugu foosha xun ama ugu dhibta badan oo aad waajibaadkaaga shaqo ku bilowdo, adiga oo weliba nafta ku qasbaya in ay qabato, ay keenayso in hawlaha kale ee maalintaas kuu yaallaa ay nafta ugu muuqanayaan kuwo sahal ah oo ay dhaqso u qaban karto.
Ugu horeyna Tracy oo sharraxaya sababta uu magacan ugu xushay buuggiisa, ayaa ku sheegay ujeedada raha cunistiisu in ay tahay in nafta aad ku qasabto hawsha ay ka cagajiidayso oo weliba aad caado ka dhigato in shaqo kasta oo kuu taalla aad ka bilowdo qaybteeda ugu dhibaatada badan ama naftu qabashadeeda diidayso. Dadka guulaysta ama waxtarka yeeshaa waa kuwa shaqadooda qaybta ugu muhiimsan toos u bilaaba, ee naftooda ku qasba in ay si deggen oo maskax iyo Samir leh u waddo shaqadaa illaa inta ay ka dhammaystirayso ayaa uu qoray Tracy.
Talooyinka muhiimka ah ee uu Tracy ku qoray buuggiisa Eat That Frog oo uu mid kasta ku bilaabay erey kooban oo maskaxdu qabsan karto, waxa aynu ku soo koobnay:

1. MIISKA DIYAARI
Marka koowaad naftaada la goaami waxa aad dhab ahaan u baahan tahay in aad qabato, ama hawlaha kuu yaalla iyo halka aad hiigsanayso in aad gaadho. Kaddib warqad ku qor hawlahaas oo aad u soo kala hormarinayso sida ay kuugu kala muhiimsan yihiin, adiga oo aan eegayn sida ay u kala fudud yihiin. Hawl kasta waxa aad ku hor qortaa taariikh aad doonayso in aad dhammaystirto ama in aad gaadho ujeedkaas.
Naftaada ku qasab in aanay marnaba dhaafin muddada ay hawshaas dhammaystirkeeda u qabsatay, maalin kasta samee hawl fudud oo aad ogtahay in ay kugu dhoweynayso gaadhista hawshii cuslayd ee kuu taalla ama ujeedkii aad u socotay.
2. MAALINTAADA HORE KA SII QORSHEE
Halkani sharax badan uma baahna, keliya soo qaado warqad iyo qalin, oo bilow in aad qorto dhammaan hawlaha aad doonayso in aad qabato 24 ka saac ee kugu soo fool leh, adiga oo u dhigaya sida ay u kala muhiimsan yihiin, kaddib bilow hawsha qabashadeeda.
3. KU DHAQAN QAACIIDADA LA YIDHAAHDO 80/20
Cilmibaadhisaha lagu sameeyey isbarbardhigga waxsoosaarka shaqo ee baniaadamka iyo sida uu waqtiga uga faaiidaysto, ayaa xaqiijiyey in boqolkiiba siddeetan guulaha iyo waxqabadka shaqo ee aynu gaadhnaa ay innaga qaataan boqolkiiba labaatan keliya oo waqtigeenna iyo dadaalkeenna ka mid ah. Taas oo haddii si kale aynu u dhigno noqon karta in waqtigeenna boqolkiiba 20 keliya aynu ka faaiidaysanno, dadaalka shaqo iyo fikir ee aynu gelinno hawlaha inoo yaallaana aanu ka badnayn boqolkiiba 20 keliya oo ka mid ah inta aynu awoodi karno.
Marka ay sidaas tahay laba talo ayaa muhiim ah; waa mid ee, in aynu ku dadaalno sidii aynu kor ugu qaadi lahayn ka faaiidaysiga waqtiga iyo dadaalka aynu hawlaheenna gelinayno; midka labaadna waa in, si ay boqolkiiba 20 ka keliya ee aynu waqtigeenna iyo dadaalkeenna ka isticmaalnaa aanu noqon mid aan isaguna waxtar badan yeelan. sida ugu habboon ee aynu taas uga hortegi karnaana waa in aynu nafta barno in aanay hawlo macnadarro ah waqtiga ku lumin, iyo in mar kasta ay ku dadaasho in shaqooyinku sida ay u kala muhiimsan yihiin una kala culus yihiin aynu u galno si aynu waqtigaas boqolkiiba 20 ka ah uga faaiidayno. Mar kasta oo aad hawl qabanayso niyaddak u hay xeerka ah 20/80, kuna dadaal haddii aanad kordhinayn dadaalkaas in aanu intan hoos uga dhicin.
4. KA FEEJIGNOOW CAQABADAHA
Mar kasta fikirkaagu ha ahaato mid waqtiga fog hiigsanaya, shaqada aad qabanaysana ha eegin midhaheeda degdegga ah, sida mushaharka iwm. Laakiin eeg faaiidada aad ka dheefayso waqtiga fog. In aad waqtiga fog iyo natiijada dambe ku xisaabtantaa waxa ay kaa indho-saabaysaa caqabadaha laga yaabo in ay ku horyaallaan oo haddii aad arki lahayd ay shaqadaada wax u dhimmi lahaayeen ama ugu yaraan dadaalkaaga niyadjebin lahaayeen.

5. WELIGAA HA ILLAAWIN KALA MUDNAYSIINTA HAWLAHAAGA
Waa in aad mar kasta qorto isla markaana niyadda ku hayso shaqooyinka kuu yaallaa sida ay u kala muhiimsan yihiin. Maxaa kuu diidaya in shaqooyinka kuu yaalla aad marka hore garato kuwa ay yihiin, marka xigana u kala horreysiiso nidaamka ah, B, T.J oo ah sida ay u kala mudan yihiin u kala horreysii.
In aad shaqadaada sidaa u dhigtaa waa sida ugu habboon ee aad iskaga ilaalin karto in shaqooyinku iska kaa dhexgalaan, ama in aad shaqo aan muhiim ahayn waqtigaaga ku lumiso iyada oo shaqada kuu taallaa aad uga muhiimsan tahay ama uga culus tahay, waxa kale oo ay tani kaa ilaalinaysaa illowga iyo in aad hawlaha kuu yaalla qaarkood ka tagto.

6. NATIIJADA MUHIIMKA AH XOOGGA SAAR
Mar kasta waa in aad shaqadaada u eegto sida ay midhaha ka soo baxayaa muhiimka u yihiin. Xoogga saar hawlaha aad ogtahay in ay raad fiican ku yeelanayaan xaaladda aad ku jirto, sumcad ahaan, maaliyad ahaan, xirfad ahaan, bulsho ahaan iwm. In aad horreysiisato shaqooyinka noocan ahi waxa ay sababaysaa in aad muhiimad siiso shaqada iyo in aad dadaalkaaga ku aaddan xoojiso sidii aad sida ugu habboon ugu dhammaystiri lahayd, adiga oo niyadda ku haya in aad gaadho natiijada aad ka gaadhayso ee kuwa aynu soo xusnay ka mid yihiin.
7. RAAC XEERKA LAGU MAGACAABO WAQTI QASAB AH
Waxaa jira xeer odhanaha, Marnaba ma heli kartid waqti ku filan in aad hawlahaaga oo dhan qabato, laakiin waxa aad mar kasta heli kartaa waqti ku filan in aad qabato hadba hawsha ugu muhiimsan
U fiirso, mararka qaarkood adiga oo u arka in aanad haynin waqti kugu filan, ayaa haddana marka aad ogaato in hawsha kuu taalla ee aanad dhammaystirin, waqtigana u la dahay ay tahay mid muhiim ah oo qabasho laaanteedu khatar ku tahay ama saamayn taban ku leedahay noloshaada, waxa aad arkaysaa adiga oo helay waqti aanad marka hore moodayn in aad hayso, oo shaqadii qabtay ka hor intii aanu waqtigeedu dhicin, haba noqoto in aad dhammayso daqiiqadda u dambaysa ee.
Mar haddaanu waqtigaagu kuu saamaxayn in aad hawlahaaga oo dhan dhammayso raac xeerkan oo hawlaha midho dhalka weyn ama saamaynta dhaqsaha ah kugu yeelanaya hore u qabo.
8. BILOWGA HORTII SI FIICAN U DIYAARGAROW
Ku dadaal in hawl kasta inta aanad bilaabin ka hor, aad si fiican u diyaargarowdo. Weligaa shaqo ha ku gelin si aan qorshe iyo diyaargarow lahayn. Diyaargarowga fiicani waxa uu dammaanad u yahay dhammaystirka ugu fiican ee shaqada iyo in laga gaadho natiijo wax-ku-ool ah.
9. SHAQADAADA BARO
Waajibka halkan waxaa looga jeedaa in aad barato wax kasta oo shaqadaada ku cusub, ama ku soo kordha hadba arrimaha iyo hawlaha aad jeceshay in aad ku xeeldheeraato. Ku dadaal in aad adigu wax isbarto. Hubka ugu fiican ee arrintan aad u adeegsan kartaa waa wax-akhris joogto ah iyo in aad raadraadiso wax kasta oo cusub, kana feejignaato in ay ku dhaafaan aqoonta iyo waayo-aragnimada hadba ku soo kordha shaqadaada.
10. AQOONSI AWOODDAADA XIRFADEED
Mar kasta naftaada ka warayso, hawsha ay is leedahay si xirfad iyo kartiyi ku jirto ayaa ay u qaban kartaa. Is weydii, awoodahaaga gaarka ah. Ogow waxa aad dadka kale dheer tahay. Suaalaha noocan ahi waxa ay kor u qaadayaan kalsoonida aad naftaada ku qabto, waxa aanay ku barayaan waxa aad dadka kale dheer tahay ee aad tahay in aad ka faaiidayso.
11. SUNTO CAQABADAHA KU HORYAALLA
Hawl kasta oo aad qabanayso, inta aanad bilaabin waa in aad xadiddo caqabadaha kaa hor iman kara. Baro taakooyinka horyaalla horumarka aad doonayso. Ha ku dagmin in aad caqabadaha qaar yaraysato, iyada oo naftaadu ku siinayso kalsooni ah in aad si sahal ah uga gudbi karto.
Waxaa muhiim ah in aad aqoonsato caqabadahaas. Kaddib bilowg in aad si xeeldheer uga fikirto sida aad uga takhalusi karto, midiba ta ay ka soo horreyso. Waa hab aad uga fiican habka ah in aad hawsha gasho adiga oo aan ogeyn caqabadaha kaa hor iman kara, kaddibna hadba ta kaa hor timaadda uun arka, ta xigtana suga. Taasi waxa ay keeni kartaa niyadjab iyo in hadba caqabad aanad sii ogeyn barashadeeda iyo fahamkeedu waqti kaa lumiyaan.
12. TALLAABO-TALLAABO
Ku dhaqan siyaasadda ah, tallaabo tallaabo in aad hawlahaaga u qaaddo. Weligaa ha ku degdegin in aad natiijada gaadho adiga oo aan hawshaba bislayn. Dooro bartilmaameed sugan, qor tallaabooyinka is xiga ee ay tahay in aad qaaddo si aad u gaadho bartilmaameedkaas, kaddib bilow tallaabo tallaabo in aad u gasho hawsha kaa xigta gaadhista natiijada aad hiigsanayso. Waxaa hubaal ah in haddii aad habkan raacdo aad arki doonto natiijo aad kaaga farxisa.
13. NAFTAADA CADAADIS SAAR
Waa in aad samaysato hab aad adigu isku waajibisay oo aad naftaada cadaadis ku saarayso. Waxaa ka mid ah in aad ku dadaasho in hawl kasta oo aad qabanayso aad u yeesho ballan kama dambays ah oo aad hawl ku dhammaystirayso iyo waqtiga aad doonayso in aanay kula dhaafin gaadhista hawshaas (Deadline). Samayso jadwal hawleed nidaamsan oo aad u marayso hawshaas. Naftaadana ku riix joogtaynta hawshaas iyo in aanad ka caajisin.
14. LABAN-LAAB AWOODDAADA SHAKHSIGA AH
Baro heerka tamartaada iyo awoodda kugu jirtaa inta ay leeg tahay, sida awoodda aad u leedahay gudashada waajibaadka kuu yaalla. Baro awoodda aad u leedahay jimicsiga, wax-akhriska, iyo waqtiyada ugu fiican ee ay kugu jirto firfircoonida ugu fiican ee aad waajibaadkaaga ku qabsan karto. Kaddib bilow in aad ku dadaasho sida ugu habboon ee waqtiyada kalana aad ku kordhin karto awoodahaaga, iyo tamarta kugu jirta.
Hababka ugu habboon ee aad awoodahaaga shakhsiga ah ku kordhin karto waxaa ka mid ah, in aad cunto caafimaad qabta si caafimaadka ku habboon u cunto, jimicsi joogto ah in aad samayso, in aad hesho saacado hurdo oo kugu filan.
15. NAFTAADA DHIIRRIGELI
Joogtaynta kutub akhrisku, waxa ay maskaxda siisaa awood iyo habfikir tolmoon oo ay kaga gudbi karto dhibaatooyinka soo waajaha, waxa kale oo ay qofka gelisaa dhiirrigelin uu dulqaad ugu yeelan karo culayska ay leeyihiin gudashada hawlaha ka sokeeya gaadhista ujeedkiisa.
Dhegeysiga muxaadarooyinka ka warramaya horumarinta nafta, ka qaybgalka duruusta iyo tababarrada dhisidda shakhsiyadda iyo horumarinta nafta, iyo la macaamilka dadka raadka togan iyo aqoonta ku reebaya maskaxdaadu intuba waxa ay ka mid yihiin siyaabaha aad naftaada u dhiirrigelin karto.
16. KU TABABARO DIB U DHIGISTA WAXTARKA LEH
Waxa ay culimada cilminafsigu sheegeen in inta badan uu qofku ka baqo bilowga hawlaha ku cusub; culayska shaqada oo u uu arko in aanu qaadi karin, ama aqoon lahayn, iyo sababo la mid ah ayaa ku keeni kara in uu ku dhici waayo bilowga hore ee shaqada, muddana uu ka warwareego gudo galkeeda. Sida ugu habboon ee uu kaga bixi karaa waa in uu naftiisa u sheego in ay hawshaas qaban karo, kuna kalsoonaado kartidiisa. Laakiin waxaa jira dib u dhigis shaqo oo isagu waxtar leh.
Inta aanad shaqada bilaabin qor liiska hawlaha kuu yaalla, kaddib ka fikir sida ay u kala muhiimsan yihiin, kuna dadaal in aad dib dhigato shaqooyinka aad ogtahay in aanay ku dhaafayn ama ugu yaraan in khasaaraha ka imanayaa ka yar yahay khasaaraha ka imanaya dib u dhigista hawlaha kale ee kuu yaalla. Marka ay hawl muhiim ahi ku taallo dib u dhigo daawashada barnaamijyada iyo filimada aad xiisaynayso, sida oo kale dib u dhig ama iska jooji ballamaha haasaawaha asxaabta iyo nasashada ah ama aan lahayn faaiido la mid ah faaiidada ay leeyihiin hawlaha kale ee kuu yaallaa.
Intii awooddaada ah ku dadaal in aad iska caabbido qabashada iyo waqti ku luminta hawlaha aan lahayn muhiimadda ay leedahay shaqada kuu taallaa.
17. HAWLAHA ADAG KU HORREE
Maalin kasta marka aad toosto waxa aad dejisataa ama habeennimadii sii dejisataa liiska hawlaha kuu yaalla oo dhan, kaddib u kala hormee sida ay u kala culus yihiin. Shaqadaada ku bilow hawlaha culayska ama adayga lagu tirinayo. Qodobkani waa ka uu u taagan yahay magaca buugga aynu qormadan ka soo qaadannay ee ahaa, Cun rahaas gaar ahaan ha ku dhegga ahaa cun rahaas weyn.
18. ABLA-ABLEE HAWLAHA KUU YAALLA
Si ay kuugu fududaato in hawlaha u kala fuliso sida ay u kala muhiimsan yihiin, waxa aad u baahan tahay in aad hawsha lafteeda qaybo yaryar u qaybiso ama goballo ka dhigto, si fulinteedu u fududaato. Hawsha aad jajebisaa waxa ay kaa qarinaysaa baaxadda hawsha kuu taalla oo laga yaabo haddii aad mar wada eegto in ay niyad jab kugu riddo.

19. WAQTIGAAGA SEERO KU KALA XIDH
Siyaabaha ugu fiican ee waqtiga qiimihiisa aad ku dareemi karto, isla markaana ku garan karto horusocodka hawsha aad waddaa samaynayso iyo in aad waqtiga sidii saxda ahayd uga faaiidaysanaysaa waa in aad waqtigaaga u kala xidho qaybo, aad mid kasta ku xisaabtanto waxsoosaarkiisa; sida toddobaad, bil ama sannad, adiga oo mid kasta hawl u gaar ah ku sargoynaya.
Tusaale ahaan hal toddobaad waxa aad gaar uga dhigtaa hawl ah in aad subaxdii oroddo, (Jimicsi), ama bil waxa aad waqti goan u xidhaa in aad internet baadho si aad uga hesho xogta aad u baahan tahay, ama hal sano waxa aad nafta saartaa in ay ka jibbo keento barashada af (Luuqad) iyo wixii la mid ah. In aad waqtigaaga sidaas u kala xidhaa, waxa ay aad u dhiirrigelinaysaa in naftu ku xisaabtano waqtiga oo ay ku dadaasho in hawsha u taalla ay dhammayso inta aanu dhammaan waqtiga aad u goysay.
20. SAMAYSO DAREENKA XAALADAHA GAARKA AH
Waqtigaaga oo dhan ha ku buuxin gudashada waajibaadka shaqo ee kuu yaalla. In waqtigii aad shaqada u qoondaysay ay hawl kale oo daruuri ahi kaa soo dhexgashaa waxa ay sababi kartaa in xagaldaac ku yimaaddo habsami u socoshada qorshihii aad wadatay. Si aanay taas kuugu dhicin, waxa aad mar kasta qoondaysaa waqti firaaqo ah oo aad ugu talagasho gudashada waajibaadka degdegga ah ee soo baxa.
21. SHAQADA AAD GACANTA KU HAYSO XOOGGA SAAR
Iska jir in aad maskaxda u dirto halwo is burinaya oo tiro badan. Marka aad shaqo bilowdo, ku dadaal in aad dib u dhigato hawlaha kale ee aanay ahayn waajib degdeg ah ama shaqo si caadi ah loogu dhex qaban karo shaqada aad gacanta ku hayso. Ku dadaal in aad barato kuna tababarato xirfadaha iyo cilmiga kaa caawinaya hal-abuurka iyo wanaajinta shaqada aad qabanayso.

W/Q : Ahmed Yousuph Hassan
Email : ecoahmedyousuf@gmail.com
Tell : 252634765429

Senior Economist, Aqoon Baadhe, Akhriste iyo falanqeeye madax banan
Hargeisa Somalia .
April, 2018
http://ecoahmed.blogspot.com/htmlCagajiid iyo niyadda oo aaminta in shaqadu ku badan tahay ayaa ka mid ah sababaha dib u dhaca ku keena hawlqabashada qofka. Mark Twain oo ahaa qoraa iyo macallin jaamacadeed caan ahaa oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa mar uu dadka ku dhiirrigelinayey sida ugu habboon ee ay uga fogaan karaan ka cagajiidka shaqada waxa uu reebay hal-ku-dheg macnihiisu ahaa, Subaxda hore raha nool cun, wax ka xun oo maalinta inta hadhay aad la kulmi doontaa ma jiro

http://ecoahmed.blogspot.com/html

Published by

Ahmed Y. Hassan

Interpreting My view in Somali Politics and There Economy, Bs/Economics/Separationist/Somalilander, do not miss the reports I publish here

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s