Hordhac: Xaggee baynu ka nimi, xaggee se hadda joognaa?

Cilladaha nafsadeed ee dadka hela wax badan laga ma aqoon waayadii hore. Tixraacyada ugu durugsan ee isku deyaya in ay furdaamiyaan xaalado ay fahmi waayeen, oo nafsi ah, waxaynu ka soo helaynaa Giriigtii hore. Waxa caan ahaa in xanuunnada nafsiga ah loo leexiyo sharraxaad xariirad iska ah. In qofkii dhaca ama isku buuqa loo fasirto in awoodo dabeecadda ka baxsan iyo il xuni durraysay, oo la derderay. Qofka waxa loo arki jiray mid camalkiisu shidayo, oo lacnadi ku socoto. Belaayada ka baxsan dabeecadda (demons) ee qofka lagu sallido ayaa soo ridata, ayay ku doodi jireen faraadinkii Giriigtu. Dabadeed, waxa lagu dawayn jiray qaab ciqaab ah. Qofkan sharku xakameeyay waa in la jeedalo, la ciijiyo, la tumo, haddii loo baahdana la hafiyo! Nidaam loo baxshay cuudin (exorcism) ayaa lagu la tacaali jiray masiibada haysata qofkan. Fekraddan xagga danbe ayaynu kaga hadli doonnaa.

Markii danbe, waxa soo baxay fasir cajiib ah. Waxa la arkay in suuxdinta iyo cilladaha nafsiga ahi ku badan yihiin dumarka. Dabadeed waxa faaftay in haweenka laga raacay ilmaggaleenka iyo xaqiiqada ah in ay ummulaan! Markaas weeye xilliga uu soo kordhay erayga histeeriya (hysteria). Kelmaddu asal ahaan waa Giriig la ujeeddo ah “ilmaggaleen (uterus).” Fahanka la siiyay se waxa weeye xaalad cudur ah oo qofku, siiba dumarku, galo marka uu khalkhal ku yimaaddo doociisa (emotions) iyo xasilnaantiisa. Khalkhalkaa wuxuu keenaa in qofku diido, ama marmar uu suuxo. In qofku sameeyo ficillo aanu ka war hayn, oo si baraad la’ uga fulaya. Sida in uu gelgelin galgalsho. Khalkhalkaa waxa keena ayaa lagu dooday sabab duleed (physical cause). Sababtaas duleed waa jiritaanka makaanka haweenayda oo isha sharka u ah, ayaa faaftay.

Ilmaggaleenku in uu leeyahay saamayn xooggan waxa loogu tegayaa Masaaridii hore. Waxay u malaynayeen in juucjuuca iyo xanuunnada laga arko qofka, ay inta badan ka yimaaddaan makaan saliikaynaya (wondering womb) (Tixtaac: Merskey, Harold; Potter, Paul (1989). “The womb lay still in ancient Egypt”. British Journal of Psychiatry. 154: 751–753.) Fekraddaa, oo xidid ku leh Giriigtii hore, waxay in badan dul hoganaysay fahanka caafimaadka.

Dadka fahankaa shaacbixiyay waxa ka mid ah faylasuufkii iyo faraadinkii reer Giriig ee Aretaeus of Cappadocia. Wuxuu ku dooday in ilmaggaleenku aanu ahayn xubin ka mid ah jidhka gabadha e, uu yahay noole ku dhex nool haweenayda. Halkaas ayay xidid ku leedahay fekradda ah qof baa la galay, ama lagu dhex jiraa! (Tixraac: Gilman, Sander L.; King, Helen; Porter, Roy; Rousseau, G.S.; Showalter, Elaine (1993). Hysteria Beyond Freud. Los Angeles: University of California Press.)

Farsamooyinka xanuunnada nafsiga ah lagu dabiibi jiray waxa ka mid ah: casharin, taxliil, tuf, hafin, sun iyo dhir qadhaadh oo loo qoosho, jeedalid, iyo ficil kasta oo lagu caddibo karo naftan xumuhu ku shaqaysanayo! Waxa lagu doodi jiray in aan dan loo lahayn jidhka qofkan dhibbanaha ah e, loo jeedo belada durraysay oo iyada la xanuujinayo!

Fahanka histeeriya wuxuu in badan xuurtaystay deraasaynta caafimaadka. Waxaana loo malaynayay in la helay sirtii!

Iyada oo xaal sidaa yahay, waxa soo if baxay fahan uu caan saaray faraadin la odhan jiray Hippocrates (460-370 BC). Si ka duwan asxaabtiisii aaminsanayd durrada iyo sharka jiidha dadka, Hippocrates wuxuu ku dooday in khalkhal kasta oo ku yimaadda habdhaqanka iyo dooca qofka ay keenaan khalkhal ku yimi afar dareere (uu u bixiyay “humors”) oo jidhku aanu ka kicin: dhiig, xamayti huruud ah, xamayti madaw, iyo dhareer (blood, yellow bile, black bile, & phlegm). Dheellitirka afartaa dareere ayay ku xidhan yihiin bedqabkeenna, habdhaqankeenna, iyo jaadka shakhsiyaddeennuba, ayuu ku dooday. Fekraddaa waxa inta uu la dhacay, dogobyo sii saaray Galen (130-210 AD), oo soo jeediyay in afarta curiye ee haga shakhsiyadda iyo habdhaqanka qofku ay yihiin afar dabeecadood (four temperaments), oo si lammaan isu raaca: qabaw/kulayl, qallayl/qoyaan (cold/hot, dry/wet). Sidaas ayay xoogay ku shiiqday fekraddii cuudintu, in kasta oo ay taniba wadatay fahanno aan caddayn. Tusaale ahaan, sidee ayuu dareere jidhkayga ahi u qaabayn karaa shakhsiyadda aan ahay?

Taariikhdaa kooban ka dib, maanta midna la ma qaddariyo! Marna suuraggal ka ma aha kulannada kasmanafeedda in laga sheekaysto sida qof xanuunsanaya loo cuudin lahaa, ama looga saari lahaa ilayn iyo durrayn la rumaysan yahay in ay la wareegeen. Marna maanta tixraacyada caafimaadka dhimirka laga ma soo helayo cid wax moodaysa dhirayn, hafin, ama tumid iyo jidhdil! Taa lidkeeda, waxaaba loo arkaa denbi iyo edebdarro. Maanta wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya ilmaggaleenka haweenayda (ama xiniinyaha ragga) iyo xaaladda nafsadeed ma sugna! Cidina maanta isku ma xidho dareere jidhkeenna ah, iyo habdhaqankeenna iyo shakhsiyaddeenna. Waxa la yaqaannaa in habdhaqankeenna iyo shakhsiyaddeenna ay kenaan xoogay hidda ah oo aynu uurka kala nimaadno, iyo intiisa badan deegaanka aynu ku korno.

Cuudinta: Dawayn Caalwaa!

Cuudintu waxay ku dhisan tahay fekradda ah in qofka ay dhex geli karaan, dabadeed maamulan karaa, awoodo ka baxsan xakamayntiisa. Awoodahaasi inta badan waa shar iyo xume. Waana wax la rumaysan yahay in ay qofka durreeyeen (demons). In cilladdii caynkeeda la saari waayo loo leexiyo awoodo qarsooni waxay ka turjumaysaa wahsiga caqliga aadanaha. Marka la waayo fasir kale, ama fasirka ugu macquulsani uu wax yeelayo rumaynta dadka, waxa laga shaqeeyaa sidii looga hawl yaraysan lahaa, oo wixii xunba loo xadfi lahaa! “Waa la derderay” marka la yidhaahdo waxa la iska kafaala qaaday hawl kasta oo la gelin lahaa sidii loo fahmi lahaa waxa haya qofkan, iyo feker kasta oo loo huri lahaa sida loo furdaamin lahaa. Weedhaasi waxay noqotaa mid soo afjarta buuq kasta oo ka iman lahaa marka lagu kala aragti duwanaado fahmidda iyo furdaaminta xaaladda qofkan. Waayo dadku ma jecla wixii maskaxdooda iyo garaadkooda gilgilaya.

Maaddaama fekradduba wahsi ay ku dhisnayd, tallaabooyinka la qaadayo dan iyo heello toona laga ma yeesho. Waxa qofka loo qooshaa dhir iyo sun loo malaynayo in ay hanaqa goynayso rooxaanta ku jirta qofka! Waxa loo shaabuugeeyaa qofka si arxandaran, oo aan loo tudhayn, iyada oo la niyaysanayo in taasi toos ugu dhacayso ilmaqabatadii durraysay qofka. Waxaana qofka lagu hafiyaa biyo, madaxa loo geliyo ama dhakada lagaga keeno, si marka naqasku ku dhego loo dhaho: waa taa beladii cabaadaysa! Falalkaas iyo kuwo ka bahalsan, sida in koronto lagaga qaylisiiyo, ayaa dabadeed qofka lagu cuudiyaa, si looga saaro ibtiladan la wareegtay!

Qofka la jugaynayo, ee la dilayaa, waa noole dareen iyo dooc leh. Waxaana laga yaabaa in ay dad badan yihiin oo ay hal mar la kulmeen histeeriya wadareed (mass hysteria). Marka nafta loo keeno qofkii, waa labo midkood:
1. In qofkii u qaato in uu bugsaday. Oo dabadeed isaga oo fay ah uu halkaa ka boodo! Tan waxa u wacan raadka balaasiibo (placebo effect), oo ah in qofku dareemo bugsasho ka timi filashadiisii hore ee ahayd in uu ku caafimaadi doono tallaabadan, balse aan ka iman tallaabada loo geystay (waa qof kiniin soo iibsaday, oo fishay in uu ku ladnaan doono, dabadeed ladnaan ka dareemay filashadiisii ee aan ka dareemin kiniinka, waayo, tusaale ahaan, kiniinka oo aan lahayn saamayn dawo). Raadka balaasiibadu waxa uu ku guulaystaa dadka ku kalsoonaa cilaajkan iyo habkan dawaynta, ee is lahaa waa intaas oo aad il iskaga garataa. Waxay dadkaasi hodan ku yihiin xejishada aragtida ay marka hore ka sii haysteen meesha iyo ficilkan ee ku daabaqnayd (idée fixe).
2. In qofku isdhiibo, oo uu cadaadiska dartii u dhaho: waa anigii oo waan ka baxay kuna soo noqon maayo! Waa hawlgal samatabax ah.

Maxaa Dadka Haya?

In badan waxa lagu wareeray ficillada iyo faahfaahinta uu bixiyo wadaad dadka si furan ugu qubeeya, oo Sh. Rusheeye ku caan ah. Wadaadku wuxuu markii hore ka soo baxay Galdogob, isaga oo leh dadka ayaan ka caawinayaa in aan cuudin iyo taxliil ku furdaamiyo sharka iyo isha durraysa. Sida oo kalana, waxaan aayado Qur’aan ah ku kabayaa laf jabtay, iyo indho beelmay! Markii danbe wuxuu yimi Hargeysa. Wuxuu meel xero ah isugu keenay dad dumar u badan, oo uu biyo la dul istaagay, kuna hafiyay. Iminkana Burco ayuu u gudbay!

Dadkan uu rigaystay Rusheeye, iyo ragga la midka ahi, waa dad ay ka muuqato in ay histeeriya wadareed la ildaran yihiin, oo aanu inta badan wax xanuun ahiba hayn. Qaarkood, oo aan arkay, waxay ahaayeen dad is leh la soo eeg!

In tiro dad ah la isugu keeno xero aad mooddid xeryihii gaaska ee Hitler, waxay ina tusaysaa in caqligeenna caafimaadka dhimirka ku waajahani uu soo marayo halkii ay soo luudayeen Giriigtii hore Ciise Hortii! In waxani aanu diin ku dhisnaynna waxa caddayn u ah, isla ficilladan oo af kale uun ah ayaa lagagaga dhaqmayay tuulooyinka Giriigga xilli ka horraysay diinaha Masiixiyadda iyo Islaamkaba!

Qofka xanuun nafsi ahi hayo iyo qofka ismoodsiinayaaba (monomania) waxay u baahan yihiin baxnaano (counceling) iyo in loo dejiyo. Waayo waxa jirta xaalad uu qofku moodayo in belaayo durraysay, oo dabadeed uu odhanayo waan liitaa e cilaaj i geeya. Xaaladdaa (demonomania) wuxuu qofku u malaynayaa in lagu jiro. Dhalanteedkaa isu sawirayana waxa lagu furdaamin karaa qaab aan loo baahan in lagu xadgudbo qofka, oo la hafiyo ama la ciijiyo!

Dadka waxa haya daryeel la’aan iyo diiqad. Inta la helayo fursado dadka nafsad ahaanta u bukaa ay ku tacaalmi karaanna, waxa la isku addoonsan doonaa khuraafaad iyo xariirad. Xanuun nafsi ah waxa loo sharxi karaa qaab nafsi ah, lala ma xidhiidhsiin karana sabab duleed ama qarsoon! Waaba intaa.

Source cabdicasiis

Published by

Ahmed Y. Hassan

Interpreting My view in Somali Politics and There Economy, Bs/Economics/Separationist/Somalilander, do not miss the reports I publish here

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s