YAA ABUURAY NIDAAMKA FEDERAL SOMALIA? Qaybta 1aad

Cadawga koowaad ee mustaqbalka dhaw Soomaaliya ku soo waajahani ma aha mid shisheeye, ma aha Ethopia, mana aha Alshabaab iyo xagjirka kale ee sii galbanaya, Waa Puntland iyo aragtida ay hormuudka ka tahay ee federaalka qabaliga ah Puntland marka aan leeyahay kama wado beesha Majeerteen sida dadka qaar u yaqaannaan, dadkaas oo beryahan labada magac ee Majeerteen iyo Puntland ka dhigay kuwo la isku beddelan karo. Fikirkii uu Cabdilaahi Yuusuf ku aasaasay Puntland ayaa ah khatarta aniga iyo dad kale oo badanba u muuqda ee Soomaaliya ka hor iman doonta sanaddaha soo socda. Fikirkaasi waa isla kii uu Cabdilaahi 2004tii Soomaaliya kaga dhigay federaal qabiil ku dhisan kadib markii uu xoog iyo xeelad kii ay ahaydba ka adkaaday madaxdii kale ee rabtay nidaam aan federal ahay. Puntland iyadu ku duuli mayso Soomaaliya balse fikirka cidhiidhyoon ee ay dhex dhigtay waddanka ayaa noqon donna tiin aan la mahadin oo ay Soomaaliya ku beertay, beryo dambe oo burbur iyo halaag lehna waddanka u horseedi kara.Puntland waxa loo aasaasay xinka Somaliland iyo si aanay uga gun gaadhin ama ugu suurtagalin fikirkeeda gooni-goosadku. Hadalkani ma aha mid aan iska idhi, balse waa mid aan ka soo dheegtay buugga Cabdilaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo. Waxa uu Cabdilaahi ku sifeeyay ujeedada ka dambaysay aasaaska Puntland gooni goosadka Somaliland iyo iscaleemo saarkii Caydiid ee Xamar.Markii Puntland la aasaasayay waxa ay ahayd wakhti haddii laga faa’idayn lahaa Somaliland aqoonsi heli karaysay ama ugu yaraan ay maanta uga dhawayd Somaliland oo Cigaal mar labaad dooratay, kana soo doogtay dagaalladii ehliga ahaa, dalka oo dhabaha saaray nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah, diyaariyay dastuurkiisii, afti dadwaynena qabtay iyo dhanka kale Soomaaliya oo noqotay dawlad faashil ah (Failed State), dagaaladii oo ku fiday dhamaan koonfurta waddanka, qabqablayaashii oo ay ku soo biireen xagjiriin Islaami ah iyo waliba dawladdihii loo dhisay oo shaqayn waayay Xamarna aan tagi karin.Cabdilaahi Yuusuf isaga oo dareenkaas qaba ayaa jabhaddiisii qabsatay deegaannada Majeerteenku abaabushay isimada deedaanadaas oo ay ku shiriyeen Boosaaso. Isimadaasi ayaa soo saaray wax Cabdilaahi Yuusuf soo dhx marsaday oo ahaa in SSDF iyadu dib isku habayso oo samaysato maamul dhexe oo maleeshiyaadkooda isbaarooyinka dhigtay waddooyinka maamula. Intaa kadib SSDF waxa ay ku shirtay magaalada Qardho 1994kii. Halkaas ayaa Cabdilaahi Yuusuf mar labaad loogu doortay guddoomiyaha SSDF. Cabdilaahi waxa uu istusay wax uu rumaysnaa in ay SNM u muuqatay 1991kii.Cabdilaahi waxa uu aaminsanaa in SNM ka badisay oo isaga oo halganka ka hor bilaabay ay iyagu halgankoodii ka midha dhaliyeen, halgankiisiina ka dhigeen laablakac aan mabda’ adag lahayn. SNM iyo SSDF waxa ay ismaandhaafeen markii SNM uga faro dhuudhuubnaatay Mingiste iyo dawladdii hantiwadaaga ahayd ee Itoobiya. SSDF iyo Cabdilaahi Yuusuf waxa taageero laxaad leh la garab taagnaa dawladdihii hantiwadaagga ahaa ee Itoobiya ka caawiyay jabintii Soomaaliya dagaalkii 1977kii, sida Yamanta Koonfureed iyo Liibiya. Dawladdii Dhergiga ee Itoobiya waxa ay garwaaqsatay in Cabdilaahi iyo jabhaddiisu aannay marnaba daacad ka ahayn halganka ay ku jiraan. Mingiste waxa uu Cabdilaahi u arkay nin ku shaqaysanaya magaca jabhadda oo kolba dhaqaale kaga urursanaya waddamada ay Soomaaliya isku dhacsan yihiin iyo beeshiisa. Mingiste waxa uu ogaaday oo ku qancay in dedaalka SNM yahay ka kaliya ee dhabta ah, sidaa darteed ayaa khilaaf ku kala dhexgalay SSDF iyo Itoobiya. SSDF waa ay ka hub, tiro, tayo, dhaqaale iyo awood badnayd SNM. SSDF waxa ay haysatay taageero balaadhan oo dhaqaale iyo siyaasaddeed.SNM iyo SSDF may ahayn laba jabhaddood oo isku taag iyo tamar ah, sidaa darteed ayaa ay SNM uga dhego adaygtay in ay ku biiraan SSDF oo u arkaysay
kacdoon reerreed oo aan cago adag ku taagnayn. Dagaalka SNM hal qodob oo aan mar walba ku dhaliilo ayaa uu Cabdilaahi beeninayaa. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu sheegay in SNM ay lahayd ujeedo iyo hadaf ridista Siyaad Barre ka fogkaas oo ah in ay gobolada waqooyi goosato. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu sheegay in mar ay Axmed Siilaanyo ku kulmeen Diridhaba uu u xaqiijiyay in ay SNM saxayso qalad lixdankii dhacay. Waa hagaag, anigu waxa aan aaminsanahay taariikhda SNM ii xaqiijinaysaa in aannay lahayn hadaf ka dambeeya ka takhalusidda Siyaad Barre. Hadalkaas Cabdilaahi Yuusuf waxa beeninaya dastuurkii SNM iyo hogaankeedii Siyaasadda oo labaduba xaqiijinaya in aannay marnaba jirin ajande goosasho oo SNM meel u sii yaallay, balse fikirkani muuqday markii Cali Mahdi isku caleema saaray Koonfur iyada oo aan SNM iyo beelihii waqooyiga midna aan waxba laga waydiin. Sida muuqata rag badan oo saraakiishii SNM ka mid ahaana cadeeyeen waxa jiray rag aan badnayn oo goosasho rabay, laakiin muu ahayn ajande golayaasha SNM looga taliyo yaallay dooddna la galiyay.Cabdilaahi waxa uu SNM iyo ujeedadii aasaaskeeda ku soo koobay wax ay dabada ka waddeen ganacsato qaadka soo dejin jirtay oo Siyaad Barre ka joojiyay. Kama uu xishoon in uu qariyo tabashadii reer waqooyiga ee uu goobjoogga ka ahaa 1961kii. Kama uu xishoon dagaalkii dhaqaale, siyaasaddeed iyo nafeed ee beesha Isaaq lagu hayay. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu in badan ka sheekeeyay waliba ku dheeraaday dhibaatooyinkii Siyaad Barre iyo dawladdiisu ka gaysatay gobolka Mudug. Waxa uu taxay xadgudubyo aad u xanuun badan oo ummaddaas ay u gaysatay dawladdii kacaanku. Dhibta jirta ayaa waxa ay tahay in Isaaq nacayb iyo xinkiisa SNM ku qasbay in uu dagaalkaas oo dhan u xambaariyo laba sarkaal oo Isaaq ah isaga oo iska indhatiray saraakiishii kale ee cid walba lahayd ee xataa labadan Isaaq amarka siinaysay derajo ahaanna ka saraysay. Labadan sarkaal waxa uu magacooda u xusay kaliya in ay Isaaq yihiin SNMna saraakiil sare ka ahaayeen. Nacaybka uu Cabdilaahi u qabay SNM waxa uu gaadhsiiyay heer uu ku eedeeyo in ay shirqool dil ah u maleegtay. Cabdilaahi waxba kama uu qorin burburkii magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo guud ahaan goboladii waqooyi. Mar waa loo garaabi karaa oo intii halaagaasi dhacayay wuu xidhnaa, marna looma garaabi karo oo waxyaabo badan oo intii uu xidhnaa dhacay ayuu ka waramayaa sida baabiintii iyo hub ka dhigistii Itoobiya ku samaysay jabhaddiisii SSDF.Puntland waa hooyada Federaalka, Soomaaliyana khatarta ugu wayn ee mustaqbalka dhaw ku soo waajahani waa nidaamka federaalka. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu aaminsanaa haddana in badan oo dhasha maamulkiisii ka beermay aaminsan yihiin in Somaliland Isaaq dhistay, si hadaba aannu reerkaas maamulkoodu u noqon mid la dhagaysto oo hanaqaadda waa in la soo waaridaa fikir ah reer kastaa maamul ha samaysto. Fikirkani waa laga yaabaa in uu Somaliland caqabad ku noqday, balse waxa aan la inkiri karin in dhibta ugu waynuu gaadhsiinayo Soomaaliya oo markeeda horeba aan nafi ku jirin. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu diidday oo qaaddacay shirkii Carta oo uu u arkayay in uu fikirkiisa maamullada qabiilka ku dhisan ka soo horjeedo. Marnaba Cabdilaahi muu dhegaysan wax aan ahayn in Soomaaliya federal noqoto dalkana qabiilladu qaybsadaan. Fikirka federaalku aad buu uga xun yahay ka ay Somaliland qaaddatay ee gooni isu taagga. Gooni goosashadu waa arin meel uu ku dhamaado leh xalna loo heli karo, balse federaalku waa caqabad hortaagan soo kabashada dawlad dhexe oo masiirka ummadda metesha oo ay Soomaaliya yeelato.

LA SOCO QAYBTA LABAAD

W/Q : Ahmed Yousuph Hassan
Email : ecoahmedyousuf@gmail.com
Tell : 252-634765429

WordPress: https://ecoahmedyousufgmail.wordpress.com

Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=100009628001247

LinkedIn: https://www.linkedin.com/in/ahmed-y-hassan-6aa655197

Twitter: @AhmedyHassan3

Published by

Ahmed Y. Hassan

Interpreting My view in Somali Politics and There Economy, Bs/Economics/Separationist/Somalilander, do not miss the reports I publish here

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s