YAA ABUURAY NIDAAMKA FEDERAL SOMALIA? Qaybta 2aad

Federaalku waa qaab dawladdeed oo awoodda iyo talada dalka loo daadajiyo ilaa heer gobol. Waddanka qaata qaabkani waxa uu yeelanayaa laba dawladdood; dawladda dhexe iyo dawladdaha xubnaha ka ah federaalka. Dawladdahan tiradebadani waxa ay u baahan yihiin dhaqaale ka badan kii ay dawlad dhexe oo kaliyi u baahnayd. Dhaqaalahaas badan ee dawladdahaas badani isticmaalayaan waxa loo isticmaali lahaa horumarinta dalka. Waxa laga ma maarmaan u ah qaabkan dawladnimo dastuur qoran oo kala saara awooddaha hay’addaha iyo dawladdaha kala duwan ee waddanka ka jira. Dastuurkaasi manta Soomaaliya kama jiro, lama na sugayo in uu dhaqangalo. Caqabaddaha dastuurka hortaagan waxa ugu waawayn suurtagal la’aanta afti qaran iyo awooddaha qabiil ee dhismay oo aan la wada qancin karin. Dastuur awooddii ay ahayd in uu xakameeyaa ka hor dhisantay dastuur ma noqon karo. Haddii ay Soomaaliya dastuur yeelato waxa uu noqonayaa mid uu muran hadheeyo, kuna dambeeya in reer walba lagu raaligeliyooo qodabka uu diiddo laga saaro sidaana dastuur kuma samaysmo.Federaalku waa hab maamul ku haboon waddamada dadkoodu aadka u badan yahay sida dhaqaale ahaanna xoogan India, Pakistan, Nigeria, Brazil, USA, Ethiopia. Sidoo kale dawladdaha dadkoodu ku kala duwan yihiin isirka, afka, diinta iyo dhaqanka kuwaas oo aan meel dhexe laga maamuli karin qaab kali ahna loo maamuli karin. Dhamaan waddamadan aynu soo sheegnay waa kuwo dadkoodu kala isir, af iyo diin yahay tiro ahaanna aad u dad badan. Waddanka aynu federaalka ka soo amaanaysanay ee Itoobiya, federaalkiisu waxa uu ku salaysan yahay qoomiyaddaha waawayn ee waddanka dega; sida Oromo, Xabashi, Tigree,Soomaali, Canfar, Gambela, Adari(Harari) IKK. Soomaaliya sida aynu ognahay waa qabaa’il, habka kaliya ee fedraalka lagu fadhiisin karaana waa in qabaa’ilka waawayn lagu saleeyo. Dhibta aynu waddamada kale dheernahay waxa ay tahay qoomiyadduhu uma sii kala baxdo qoomiyaddo yaryar, balse qabaa’ilku waxa ay u kala baxaan jilibo yaryar oo ilaa heer aad u hooseeya gaadha. Soomaaliya waa waddan aad u yar marka loo eego waddamada federaalka ah, waanna waddan dadkiisu ka siman yihiin wax kasta af, diin, isir, dhaqan IKK. Ma jirtp sabab dalka federaal looga dhigo, loonna dhegaysto cadawga ummadda iyo dhagaraha ciiddankii jabay ee SSDF.Fikirka federaalku meel uu Soomaaliya ugu roon yahay oo aan ahayn in reerraha la raaligaliyaa ma jirto. Federaalka qabiilka ku dhisani ma noqon karo mid lagu heshiiyo, waxaana tusaale kuugu filan Cadaado iyo Dhuusamareeb oo ay kala degaan laba jilib hoosaad oo ku heshiin la’ magaalada caasimad u noqonaysa maamulka Habargidir ee Galmudug.Cabdilaahi Yuusuf isaga ayaa lahaa fikirka odhanaya maamulka Majeerteenka ha lagu baahiyo beelaha Daarood ee aagga ka dhaw siiba Harti Waqooyi (Dhulbahante iyo Warsengali). Buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo waxa ku qoran in ujeedada uu ka lahaa in Harti Waqooyi maamulkiisa hoos yimaadaan ay ahayd ku xumayn sidii aannay Somaliland aqoonsi u heli lahayn, dalkuna u kala go’een. Hadalkani waxa uu kuu cadaynayaa welwelka haystay Cabdilaahi Yuusuf ee ahaa in Somaliland la aqoonsanayo haddii ay sidan ku sii socoto. Waxa ay ka mid tahay fursaddo badan oo Somaliland soo maray, balse ay ka faa’idaysan wayday.Cabdilaahi markii uu jabhadda abaabushay 1995 ayuu Puntland ku dhawaaqi lahaa balse waa kii xanuunsaday ee Sucuudiga, Ingiriiska iyo Maraykanka mudo ku qaatay ee markii dambe beerka lagaga beddelay cariga Ingiriiska. Sidoo kale waxa maamulkiisa dib u dhigay dagaaladii uu la galay Itixaadkii waqooyi bari joogay. Puntland waa maamulkii ugu horeeyay ee qabiil ee dalka laga dhiso. Dad badan ayaa laga yaabbaa in ay maamulkii 1991kii ka dhashay Somaliland ka dhigaan mid qabiil, balse waxa uu ahaa mid ay ku dhamaayeen beelaha Somaliland degaa haba lagu kala badnaadee.Cabdilaahi Yuusuf waxa uu maamulkiisa isku dayay in uu hoos keeno qabiiladii daaroodka ahaa ee galbeed iyo koonfur ka xigay deegaanka Majeerteenka. Waxa uu socod ku maray deegaannada Dhulbahantaha, Warsangeliga, Leelkasaha iyo Awrtablaha. Sidoo kale waxa uu ergo kala kulmay oo arimaha maamulkiisa kala hadlay Mareexaanka dega waqooyiga Galgaduud. Cabdilaahi markaas uu waqooyiga Galgaduud iyo bariga Somaliland Daaroodka degan dhex boodayay marnaba isku ma dayin in uu maamulka wax kala wadaago dadka ay isku deegaanka yihiin ee aan Daaroodka ahayn gaar ahaan Hawiyaha Mudug degan iyo beelaha kale ee waqooyi bari la dega Majeerteenka. Dhamaan arimahani waxa ay ku tusayaan in maamulka Cabdilaahi waday aannu ahayn mid goboleed, balse uu ahaa mid reerreed. Waa sababta keentay in gobolkiisa Mudug iyo magaaladiisa Gaalkacyo u kala qaybsanto laba daamood oo ay laba maamul ka kala taliyaan. Maxay ugu qaybsami wayday sow daan magaalada ka mid ah Hawiye ma dego oo maamulka la dhisayaana mid Daarood ma aha. Marka laga yimaado labada gobol ee Nugaal iyo Bari oo Majeerteenku awood ahaan ugu badan yihiin, dhamaan gobolada kale midna maamulka Cabdilaahi waday muu wadda gaadhsiisnayn. Gobollada Sool iyo Sanaag waxa uu doonayay kaliya inta ay Hartigu ka degaan, sidoo kale Mudug iyo Galgaduud waxa uu ka rabay inta Daaroodku ka dego.Maamulkan qabiilaysani waxa uu dhalay in reer kasta oo soomaaliyeed ku dhiirrado in ay maamul u gaar ah samaystaan, markiiba Soomaaliya waxa laga aasaasay maamulo tiro badan oo hab qabiil u dhisan. Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Raaskaambooni, Banaadir State, Hiiraan State IKK ayaa ka dhashay deegaanada kala duwan ee Soomaaliya. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu ku guulaystay in uu meelo Somaliland ka mid ah fawdo ka bilaabo sida Sool iyo bariga Sanaag. Maamulo aan dhamaantood midha dhalin ayaa ay reerahan uu Somaliland ku diray waxnau ogolaan waayay ku dhawaaqeen. SSC, Khaatumo, Maakhir IKK ayaa meelo kala duwan magacyadooda laga maqlay, balse dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo ku dhisay laablakac iyo caadifad mana ay noqon kuwo kaalin gala oo hana qaadda.Nidaamka federaalka ah ee Puntland ka hirgelisay Soomaaliya waa khatarta ugu wayn ee ku soo fool leh mujtamaca ku nool Soomaaliya. Imaaraddaha yaryar ee qabiil ee ka dhashay Soomaaliya ma noqon karaan kuwo heshiiya, sida aynu aragnayna iyaga ayaa iscuni doonna waanna weji cusub oo uu yeeshay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Dhamaad


W/Q : Ahmed Yousuph Hassan
Email : ecoahmedyousuf@gmail.com
Tell : 252-634765429

Published by

Ahmed Y. Hassan

Interpreting My view in Somali Politics and There Economy, Bs/Economics/Separationist/Somalilander, do not miss the reports I publish here

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s