Faadumo cali jaamac oo Nakuuma ku magac dheer muddo badan ayay ahayd foolaadka Fanka somaliyeed iyadoo ka sheekaynaysa waayaheedii fanka waxay tidhi anigoo yar oo askariyad ah waxa sanadkii 1964kii la aasaasay kooxdii ciidanka Somaliyeed ee la odhan jiray “Xooga Dalka” anagoo Todobo hablood ah ayaa nala tartarn siiyay anigaa kaalinta koowaad galay sidaasan kaga mid noqday xoogi dalka oo uu Gudoomiye ka ahaa abwaan Cismaan Aadan Xuseen Cismaan askari

Riwaayadii ugu horaysay ee ay jilaa ka noqotay waxay ahayd “MAANTA IYO FADHI AA” Riwaayadu waxay is baraysay Ciidanka iyo dadka riyadka ah waxanay muujinaysa hawlaha kale duwan ee ay Ciidanku Bulshada u hayaan.

Faadumo Cali jaamac Nakruuma Riwaayadaas waxay ku lahayd Laba Heestood midi waa

Xooga Dalka

Waa mid kamida ah heesihii ay riwaayadu kulmisay waxaanay ka hadlaysaa oo amaanaysaa kooxda xooga dalka waa heestii kolkii danbe ay kooxda xooga dalku masraxa kusoo istaagi jireen ee furitaanka u ahayd markay riwaayada iyo barnaamujyada kaleba dhigayaan sidoo kale waxay xiliyadii dambe furitaan u noqotay kooxda xooga dalka ee horseed iyo janan daauud ee qaybta 26aad xaruntoodu ahayd hargeisa laxanka waxa sameeyay Cismaan aadan xuseen askari waxana codkeed dahabiga ku qaadaysa Faadumo cali jaamac Nakruuma oo ay hoboladii kooxda xooga dalku xaga danbe uga jiibinayso Baydadkan baa kamida heestii

Cadaawaha yaa xanuujay
Xooga dalka
Xinjirtooda yaa fideeyey
Xooga dalka

Xooga dalka
Xamdi eebe leh

Xidigleyda yaa xaq uleh
Xooga dalka
Xoolahooda yaa xaq u leh
Xooga dalka

Xooga dalka
Xamdi eebe leh

Heesta kale isla riwaayadan ku jirtaa waxay ahayd Shicibyahow wanaagsani waa hees wadaniyad ah xeel fogi ka muuqato waxaanay guud ahaan shacbiga soomaliyeed faraysaa inay gacmaha is qabsadaan oo difaaca iyo horemarka qaranka ilaashadaan Cabdiqadir muuse Mohammed lugey ayaa laxanka sameeyay Faadumo cali jaamac Nakruuma oo hobolada kooxda xooga dalka u jiibinayaan Mar danbe oo riwaayada la wareejiyay oo meelo kale duduwan lagu dhigay ayay baxsan iyo Haboon Cabdilaahi qaadeen oo kaalintii Nakruuma Buuxiyeen
Baydadkan baa kamida heestii

Shicibyahow wanaagsani
Walaalayaalow
Wadankiisa u shaqeeyaa
Walaalayaalow
Wada jirbay laba gacmood
Wax ku qaban karaaneb
Aan is weheshano
Walaalayaalow
Aan wada jirannooy
Walaalayaalow

Waa Inayar oo kamida Taariikhada Faadumo cali jaamac Nakruuma AUN maanta ayay muqdisho ku dhimatay Rabi Naxaristiisa waasica Ha siiyo Ehelka iyo umada somaliyeedna Samir haka siiyo

Published by

Ahmed Y. Hassan

Interpreting My view in Somali Politics and There Economy, Bs/Economics/Separationist/Somalilander, do not miss the reports I publish here

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s