Qorshaha dhagaraysan

Cigaal Vs saalax. Abiy Vs Biixi.

February 1999, madaxwaynihii yeman cali cabdalla saalax waxa uu u so bandhigay madaxwaynihii somaliland qorshe uu ku doonayay in somaliland sheegato sharciyaddi dalnimo ee jamhuuriyaddii soomalida (somali republic), sidaa na caalamku ugu aqoonsado dawladda sharciga ah ee ka jirta jamhuuriyaddii. saalax waxa uu rabay taa baddalkeeda in somaliland ka noqoto gooni isutaagga, jabhadaha somalia ka dagaallamaya na loo tixgalin doono qabqab layaal dagaal oo aan wax ka soo qaad lahayn, ugu dambaynna laga shaqaynayo sidii hubka looga dhigi lahaa dib u heshiisiin na loogu samayn lahaa.

cigaal qorshahaas aad ayuu ula yaabay. mar waxa uu ku noqday mid aan suurtogal ahayn, waa marka loo eego xaqiiqada gudaha ka jirta oo aad uga duwan sawirka uu saalax iyo saaxiibadii. mar kalena waxa uu ula muuqdo mid la qaadan karo haddii la helo dammaanad qaad ka wayn dalalka carbeed, oo metalan golaha ammaanka iyo xubnihiisu aqbalaan in somaliland sheegato Sovereignty gii jamhuuriyadda iyada oo sadqaynaysa gooni isu taageeda sidaa na lagu la shaqeeyo.

labadii midna ma dhicin, cigaal kuma dhiirran in uu dadkii ula yimaaddo qorshahaas oo si fudud ayay cimrigiisa siyaasadeed u soo afjari lahayd, lama na helin dammaanadda golihii ammaanka.

febraury 2020 waxa miiska saaran isla qorshihii oo weji kale leh. halkii saalax waxa ku jira Abiy, balse markan lama rabo in somaliland yeelato sharciyaddii jamhuuriyadda e waxa la rabaa in waxoogaa dheef dhaqaale u badan miiska loo dhigo.
hadafka guud ee qorshahaasi waa in somaliland madaxa loo galiyo qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee somalia ka jira, maadaama taasi ay bilow u tahay wejiga labaad ee colaadaha soomaalida.
Qorshe aynu diidnay marxalad aynu middan ka nuglayn, xaqiiqo ahaan ma jirto sabab aynu xilligan macne iyo mudnaan u siinna ba .

DHOWAAN FILO BUUGGA ‘SAFIIRKA

“Peter S Bridges waxa uu ka soo shaqeeyey Soomaaliya oo dawladnimadeedii, ay curyaamiyeen is garbinta qabiilka ee soo jireenka ahayd iyo hoggaamiye danta uu ka leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo horusocodkoodu ay aad uga yartahay danta uu ka leeyahay in uu sii adkaysto gacan ku haynta talada dalka Istaraatijiga ah ee ay saboolnimadu boqnaha goysay, muddo gaaban kaddibna dagaal sokeeye burburiyey”
Jaamacadda Kent State University

Dhowaan filo buugga ‘SAFIIRKA’ oo ah waayo-aragnimo uu danjire Maraykan ahi ka helay Soomaliya, wax yar ka hor burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre.
Wax ka ogoow duruufihii burburka Soomaaliya ka hor ee uu xogogaalka u ahaa Peter S. Bridges oo soomaaliya safiir ka ahaa 1984 kii illaa 1986
Waxa uu ahaa nin dheer oo ragannimo iyo sharaf badan. Waxa uu ka soo jeeday qabiilka Isaaq, magaciisuna waa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Xilliyadaa aannu is barannay ayaa laga soo daayey xabsiga, oo uu ku qaatay inta badan ee waqtigiisa wixii ka dambeeyey 1969-kii.

Waqtigaas badankiisa waa uu xidhnaa marka laga reebo bilo yar. Mar ahayd 1970-naadkii ayaa Cigaal la soo yara daayey oo loo diray dalka Hindiya, si uu danjire uga noqdo, laakiin sida uu Cigaal ii sheegay dhaqso ayaa dib loogu yeedhay. Markii uu dalka yimina waxaa lagu celiyey xabsigii.

Cigaal ma uu hubin sababta runta ah xadhigan dambe, laakiin waxaa loo sheegay in lataliyeyaashi Siyaad Barre ee Midowga Soofiyeeti ka socday ay dhegta u saareen in Cigaal uu Hindiya ka wado mu’aamarado taliskiisa ka dhan ah.

*Waa in yar oo ka mid ah qaybta uu buugga ‘SAFIIRKA’ kaga warramayo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Muuse Wuxuu Ka Tagayaa Taariikh Xun Haday suurto gasho imaatinka Aby Ahmed iyo farmaaje

Weedhsame wuxuu yidhi

Toloow yaa la sirayaa?
Surka yaa la jarayaa
sahal yaa la dabayaa?
ama qool la sudhayaa?
sifir yaa la dirayaa?
Ama loo sanqanayaa?

toloow yaa la sabayaa?
sal-fudaydku hodayaa?
af-gobaadsi solayaa?
ama saarku ridayaa?
Sawir yey la galayaan
Ama suuxin karayaan?

Sannadkii 1995-kii  ayaa  IGADD  loo  beddelay  IGAD  oo  dastuurkii  laga  beddelay  oo  dalka  Eratariya (Eritrea)  xubinimo  la  siiyey,  iyada  oo  aanay  Jamhuuriyaddiii  Soomaaliyeed  saxeexin,  illeyn dowladi  ma  jirin  waqtigaas’eh.  Waqtigaas  waxa  Madaxweyne  Clinton  la  yimid  mashruuc  loo bixiyey  The  Grater  Horn  Initiative  oo  dalalka  IGADD  ku  bahoobay  lagu  soo  darayo  dalalka Ruwandha (Rwanda) iyo Tanzaniya.
Waxa la rabay in dalalka Eratariya iyo Itoobiya oo iskaashanayaa ay qabtaan xeebta dheer ee Soomaaliyeed,  ujeeddadu  waxay  doonto  ha  noqotee. Hindisahan waxa dabada ka riixayey Maamulkii Madaxweyne Clinton ee xisbiga Dimuqraadiga oo ceebi ka raacday askartii lagaga dilay magaalada Muqdisho iyo diyaaradihii laga soo riday ee meydkii duuliyaha la jiid jiiday waddooyinka Muqdisho; duuliye kalena lagaga qabtay. Wax yar kadib waa kii dagaalku ka dhex-dillaacay labadii dal ee Itoobiya iyo Eratariya. Halkaas ayeyna ku dhimatay sheekadii ahayd in la qabsado xeebta Soomaaliya, halka Uganda iyo Rwanda iyana ay isku dhaceen, dabadeedtana way burburtay fikraddii Greater Horn Initiative ee uu hindisaheeda lahaa Maamulka Madaxweyne Clinton.
Hadda ayaa Arintii  dib boodhka looga tumay oo loo bixiyey Isbadalada Geeska ka socda  sababta u weyn ee hadda loo soo rogaal-celiyey waa cabsida Maraykanku ka qabo in dowladda Shiinuhu ay ku habsato Afrika, waana qayb ka mid  ah  dagaalka  la  xidhiidha  tartanka  ganacsiga  ee  ka  dhexeeya  dalalka  Maraykanka  iyo Shiinaha.
Maraykanka  oo   Ethopian  u yihiin Dilaalka u wayn ee Bariga Africa ayaa Mar kale loo adeegsanayaa inay Noqoto cid Yeedhin doonta Goaanada Geeska ka socdo  sida maalgashida laga samaynaayo geeska Africa iyo Dhab ahaan cida dalalka Geeska Africa ayaa saaxiibo la noqonayan arimahan hore u qarsoona ayaa wax Daaha ka rogtay maalgashi ay shirkada Dp world  ku samaysay berbera oo saami ay ka heshay Ethiopia iyadoon waxay ku kasbatay aan la garanayn balse maraykanka oo adeegsanaya UAE Somaliland lagu sanduleeyo inay aqbasho Saamigaas  sidoo kale farmaaje oo ay laf dhuun noqotay Ethopian ku noqdeen Hanankeeda laba wajiilenimo ee ay Somalia kula dhaqmayeen 20  sano laga soo gudbay ayaa shan dakadood oo koonfurta  Somalia ku yaalaa ugu kaga badashay in aanay maamul goboleedyada laga awdo in Ethiopian la macaamilan taas oo dhab ahaan hirgashay .
Eratariya iyo Itoobiya way heshiiyeen iyadoo heshiiskaasna ay daba ka riixaysay USA waanu hirgalay hada wax kaliya dhinayd in dalkii somaaliyed uu isagoo isku duuban uu gacanta u galo Ethiopia tiina haday ayay socotaa oo wax la dhameeyey socdaalkii muuse ku tagay Ethiopia .
Booqashada farmaaje ee hargeisa ku imanayo xogaha qarsooni waxay sheegayaan in Aby Ahmed u duulaayo Muqdisho ka dibna muqdisho ay si wada jira ugu soo duulayaan iyagoo wada socda ayna hargeisa imanayaa talaabadaasi Diplomacy-ada madaama oo flight yahay domestic ama mid gudaha taxliil kale ayuu yeelanayaa, farmaaje toos ayuu u diiday Flight hargeisa ilaa Adisababa farmaaje maaha nin la khiyaami karo
Suurtagalnimada siyaasaddan cusub ee Gobolka Geeska Afrika, shaki weyn ayey leedahay, sida Madaxweyne Ismaaciil Geelle u sheegay in laga fiirsado ay u baahan tahay, waxaanna muhiim ah  inay  iska-garabsadaan  dalalka  Somaliland  iyo  Jabuuti  oo  ah  labada  waddan  ee  Ku Hafan Doona waa sheekada Cusub ee ka Socota Geeska Africa {Isbadalada ka socoda Geeska africa}.
Yaa libinta Helay  hadii farmaaje hargeisa yimaado horta sumcada aby ahmed waa laba jibaarmasaa aduunyada idilkeedna wax u muuqanaysa in Ethiopia wax laga waydiiyo arimaha Somalia sidoo kale farmaaje wuxuu jabinayaa taariikh cusub oo ah in uu noqonayo madaxwaynihii u horeeyey ee somaliyeed ee 30 sano kadib cago dhigay Somaliland oo aanay hortii u dhicin .
Ugu danbayn booqashada farmaaje ee hargeisa ku imanayo isagoo aaminsan inuu yahay madaxwaynihii somaliyeed oo ay somaliland ku jirto waxay qudh gooyo ku tahay Somaliland kasoo kabashadiisuna way adkaanaysaa
Muuse taariikh xun ayuu ka tagayaa?

W.Q : Ahmed Yousuph Hassan 

Summadda cilmaaniga soomaaliyeed?

Wax waliba waxa uu leeyahey summadd iyo baadi sooc   lugu garto. 
haddaba cilmaaniga soomaaliyeed waxa uu leeyey summado  lugu aqoonsan karo waxaana ka mid ah :- 
1.la dagaalanka luuqadda carabidda .
2.dhaleeceynta  wadaadada gaar ahaan kuwa wahaabiga ey ku naaneysaan.
3.takoorka culimada iyo ku koobidda wacdiga iyo masjidka ,taas oo ey uga jeedaan si ey wadaadadu saaxada bulshada ugu baneeyaan cilmaaniga iyo hororada la midka ah . 
4.ku daneysiga nusuusta iyo qawaacida qaarkood  si ey ugu garaacaan mabaadi badan oo shareecada ka mid ah ,waxaana tusaale u ah  aayadan
“فمن شاء فليؤمن ومن شاء فليكفر”
  Oo ey duliishadaan horiyad diimeedka kuna deedifeeyaan xadka ridada iyo wixii la midka ah.
5.uga  faa iideysiga dhacdooyinka -sida qaraxyada iwm- ribeynta culimada iyo sumcad xumeynta dacwadda ey ku baaqayaan .
Tusaale ahaan wiil aan maalin dhaweyd qormo uu leeyahey aan akhriyey,ayaa waxa uu sheegey in wadaadada soomaaliyeed dhamaantood ey dhaleen kooxaha dhiigga ummadda baneysta.
Waana been geesa leh …..
6.ka hadalka masaa,isha   diinta iyaga oo aan  aqoon ula heyn,sida heesuhu ma xalaal baa mise waa xaaraan.  
7.u xaglinta cid walba oo weerar ku ah diinta.    
8.dacaayadeynta carabta iyo caayiddooda.
9.maan ku muran badan oo aan xog cilmi aan ku dhisneyn. 
10.dafiraadda shareecada wax ka mid ah sida xadka ridada , ama si guudba xeer ciqaabeedada islaamka .

YAA ABUURAY NIDAAMKA FEDERAL SOMALIA? Qaybta 2aad

Federaalku waa qaab dawladdeed oo awoodda iyo talada dalka loo daadajiyo ilaa heer gobol. Waddanka qaata qaabkani waxa uu yeelanayaa laba dawladdood; dawladda dhexe iyo dawladdaha xubnaha ka ah federaalka. Dawladdahan tiradebadani waxa ay u baahan yihiin dhaqaale ka badan kii ay dawlad dhexe oo kaliyi u baahnayd. Dhaqaalahaas badan ee dawladdahaas badani isticmaalayaan waxa loo isticmaali lahaa horumarinta dalka. Waxa laga ma maarmaan u ah qaabkan dawladnimo dastuur qoran oo kala saara awooddaha hay’addaha iyo dawladdaha kala duwan ee waddanka ka jira. Dastuurkaasi manta Soomaaliya kama jiro, lama na sugayo in uu dhaqangalo. Caqabaddaha dastuurka hortaagan waxa ugu waawayn suurtagal la’aanta afti qaran iyo awooddaha qabiil ee dhismay oo aan la wada qancin karin. Dastuur awooddii ay ahayd in uu xakameeyaa ka hor dhisantay dastuur ma noqon karo. Haddii ay Soomaaliya dastuur yeelato waxa uu noqonayaa mid uu muran hadheeyo, kuna dambeeya in reer walba lagu raaligeliyooo qodabka uu diiddo laga saaro sidaana dastuur kuma samaysmo.Federaalku waa hab maamul ku haboon waddamada dadkoodu aadka u badan yahay sida dhaqaale ahaanna xoogan India, Pakistan, Nigeria, Brazil, USA, Ethiopia. Sidoo kale dawladdaha dadkoodu ku kala duwan yihiin isirka, afka, diinta iyo dhaqanka kuwaas oo aan meel dhexe laga maamuli karin qaab kali ahna loo maamuli karin. Dhamaan waddamadan aynu soo sheegnay waa kuwo dadkoodu kala isir, af iyo diin yahay tiro ahaanna aad u dad badan. Waddanka aynu federaalka ka soo amaanaysanay ee Itoobiya, federaalkiisu waxa uu ku salaysan yahay qoomiyaddaha waawayn ee waddanka dega; sida Oromo, Xabashi, Tigree,Soomaali, Canfar, Gambela, Adari(Harari) IKK. Soomaaliya sida aynu ognahay waa qabaa’il, habka kaliya ee fedraalka lagu fadhiisin karaana waa in qabaa’ilka waawayn lagu saleeyo. Dhibta aynu waddamada kale dheernahay waxa ay tahay qoomiyadduhu uma sii kala baxdo qoomiyaddo yaryar, balse qabaa’ilku waxa ay u kala baxaan jilibo yaryar oo ilaa heer aad u hooseeya gaadha. Soomaaliya waa waddan aad u yar marka loo eego waddamada federaalka ah, waanna waddan dadkiisu ka siman yihiin wax kasta af, diin, isir, dhaqan IKK. Ma jirtp sabab dalka federaal looga dhigo, loonna dhegaysto cadawga ummadda iyo dhagaraha ciiddankii jabay ee SSDF.Fikirka federaalku meel uu Soomaaliya ugu roon yahay oo aan ahayn in reerraha la raaligaliyaa ma jirto. Federaalka qabiilka ku dhisani ma noqon karo mid lagu heshiiyo, waxaana tusaale kuugu filan Cadaado iyo Dhuusamareeb oo ay kala degaan laba jilib hoosaad oo ku heshiin la’ magaalada caasimad u noqonaysa maamulka Habargidir ee Galmudug.Cabdilaahi Yuusuf isaga ayaa lahaa fikirka odhanaya maamulka Majeerteenka ha lagu baahiyo beelaha Daarood ee aagga ka dhaw siiba Harti Waqooyi (Dhulbahante iyo Warsengali). Buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo waxa ku qoran in ujeedada uu ka lahaa in Harti Waqooyi maamulkiisa hoos yimaadaan ay ahayd ku xumayn sidii aannay Somaliland aqoonsi u heli lahayn, dalkuna u kala go’een. Hadalkani waxa uu kuu cadaynayaa welwelka haystay Cabdilaahi Yuusuf ee ahaa in Somaliland la aqoonsanayo haddii ay sidan ku sii socoto. Waxa ay ka mid tahay fursaddo badan oo Somaliland soo maray, balse ay ka faa’idaysan wayday.Cabdilaahi markii uu jabhadda abaabushay 1995 ayuu Puntland ku dhawaaqi lahaa balse waa kii xanuunsaday ee Sucuudiga, Ingiriiska iyo Maraykanka mudo ku qaatay ee markii dambe beerka lagaga beddelay cariga Ingiriiska. Sidoo kale waxa maamulkiisa dib u dhigay dagaaladii uu la galay Itixaadkii waqooyi bari joogay. Puntland waa maamulkii ugu horeeyay ee qabiil ee dalka laga dhiso. Dad badan ayaa laga yaabbaa in ay maamulkii 1991kii ka dhashay Somaliland ka dhigaan mid qabiil, balse waxa uu ahaa mid ay ku dhamaayeen beelaha Somaliland degaa haba lagu kala badnaadee.Cabdilaahi Yuusuf waxa uu maamulkiisa isku dayay in uu hoos keeno qabiiladii daaroodka ahaa ee galbeed iyo koonfur ka xigay deegaanka Majeerteenka. Waxa uu socod ku maray deegaannada Dhulbahantaha, Warsangeliga, Leelkasaha iyo Awrtablaha. Sidoo kale waxa uu ergo kala kulmay oo arimaha maamulkiisa kala hadlay Mareexaanka dega waqooyiga Galgaduud. Cabdilaahi markaas uu waqooyiga Galgaduud iyo bariga Somaliland Daaroodka degan dhex boodayay marnaba isku ma dayin in uu maamulka wax kala wadaago dadka ay isku deegaanka yihiin ee aan Daaroodka ahayn gaar ahaan Hawiyaha Mudug degan iyo beelaha kale ee waqooyi bari la dega Majeerteenka. Dhamaan arimahani waxa ay ku tusayaan in maamulka Cabdilaahi waday aannu ahayn mid goboleed, balse uu ahaa mid reerreed. Waa sababta keentay in gobolkiisa Mudug iyo magaaladiisa Gaalkacyo u kala qaybsanto laba daamood oo ay laba maamul ka kala taliyaan. Maxay ugu qaybsami wayday sow daan magaalada ka mid ah Hawiye ma dego oo maamulka la dhisayaana mid Daarood ma aha. Marka laga yimaado labada gobol ee Nugaal iyo Bari oo Majeerteenku awood ahaan ugu badan yihiin, dhamaan gobolada kale midna maamulka Cabdilaahi waday muu wadda gaadhsiisnayn. Gobollada Sool iyo Sanaag waxa uu doonayay kaliya inta ay Hartigu ka degaan, sidoo kale Mudug iyo Galgaduud waxa uu ka rabay inta Daaroodku ka dego.Maamulkan qabiilaysani waxa uu dhalay in reer kasta oo soomaaliyeed ku dhiirrado in ay maamul u gaar ah samaystaan, markiiba Soomaaliya waxa laga aasaasay maamulo tiro badan oo hab qabiil u dhisan. Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Raaskaambooni, Banaadir State, Hiiraan State IKK ayaa ka dhashay deegaanada kala duwan ee Soomaaliya. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu ku guulaystay in uu meelo Somaliland ka mid ah fawdo ka bilaabo sida Sool iyo bariga Sanaag. Maamulo aan dhamaantood midha dhalin ayaa ay reerahan uu Somaliland ku diray waxnau ogolaan waayay ku dhawaaqeen. SSC, Khaatumo, Maakhir IKK ayaa meelo kala duwan magacyadooda laga maqlay, balse dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo ku dhisay laablakac iyo caadifad mana ay noqon kuwo kaalin gala oo hana qaadda.Nidaamka federaalka ah ee Puntland ka hirgelisay Soomaaliya waa khatarta ugu wayn ee ku soo fool leh mujtamaca ku nool Soomaaliya. Imaaraddaha yaryar ee qabiil ee ka dhashay Soomaaliya ma noqon karaan kuwo heshiiya, sida aynu aragnayna iyaga ayaa iscuni doonna waanna weji cusub oo uu yeeshay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Dhamaad


W/Q : Ahmed Yousuph Hassan
Email : ecoahmedyousuf@gmail.com
Tell : 252-634765429

YAA ABUURAY NIDAAMKA FEDERAL SOMALIA? Qaybta 1aad

Cadawga koowaad ee mustaqbalka dhaw Soomaaliya ku soo waajahani ma aha mid shisheeye, ma aha Ethopia, mana aha Alshabaab iyo xagjirka kale ee sii galbanaya, Waa Puntland iyo aragtida ay hormuudka ka tahay ee federaalka qabaliga ah Puntland marka aan leeyahay kama wado beesha Majeerteen sida dadka qaar u yaqaannaan, dadkaas oo beryahan labada magac ee Majeerteen iyo Puntland ka dhigay kuwo la isku beddelan karo. Fikirkii uu Cabdilaahi Yuusuf ku aasaasay Puntland ayaa ah khatarta aniga iyo dad kale oo badanba u muuqda ee Soomaaliya ka hor iman doonta sanaddaha soo socda. Fikirkaasi waa isla kii uu Cabdilaahi 2004tii Soomaaliya kaga dhigay federaal qabiil ku dhisan kadib markii uu xoog iyo xeelad kii ay ahaydba ka adkaaday madaxdii kale ee rabtay nidaam aan federal ahay. Puntland iyadu ku duuli mayso Soomaaliya balse fikirka cidhiidhyoon ee ay dhex dhigtay waddanka ayaa noqon donna tiin aan la mahadin oo ay Soomaaliya ku beertay, beryo dambe oo burbur iyo halaag lehna waddanka u horseedi kara.Puntland waxa loo aasaasay xinka Somaliland iyo si aanay uga gun gaadhin ama ugu suurtagalin fikirkeeda gooni-goosadku. Hadalkani ma aha mid aan iska idhi, balse waa mid aan ka soo dheegtay buugga Cabdilaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo. Waxa uu Cabdilaahi ku sifeeyay ujeedada ka dambaysay aasaaska Puntland gooni goosadka Somaliland iyo iscaleemo saarkii Caydiid ee Xamar.Markii Puntland la aasaasayay waxa ay ahayd wakhti haddii laga faa’idayn lahaa Somaliland aqoonsi heli karaysay ama ugu yaraan ay maanta uga dhawayd Somaliland oo Cigaal mar labaad dooratay, kana soo doogtay dagaalladii ehliga ahaa, dalka oo dhabaha saaray nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah, diyaariyay dastuurkiisii, afti dadwaynena qabtay iyo dhanka kale Soomaaliya oo noqotay dawlad faashil ah (Failed State), dagaaladii oo ku fiday dhamaan koonfurta waddanka, qabqablayaashii oo ay ku soo biireen xagjiriin Islaami ah iyo waliba dawladdihii loo dhisay oo shaqayn waayay Xamarna aan tagi karin.Cabdilaahi Yuusuf isaga oo dareenkaas qaba ayaa jabhaddiisii qabsatay deegaannada Majeerteenku abaabushay isimada deedaanadaas oo ay ku shiriyeen Boosaaso. Isimadaasi ayaa soo saaray wax Cabdilaahi Yuusuf soo dhx marsaday oo ahaa in SSDF iyadu dib isku habayso oo samaysato maamul dhexe oo maleeshiyaadkooda isbaarooyinka dhigtay waddooyinka maamula. Intaa kadib SSDF waxa ay ku shirtay magaalada Qardho 1994kii. Halkaas ayaa Cabdilaahi Yuusuf mar labaad loogu doortay guddoomiyaha SSDF. Cabdilaahi waxa uu istusay wax uu rumaysnaa in ay SNM u muuqatay 1991kii.Cabdilaahi waxa uu aaminsanaa in SNM ka badisay oo isaga oo halganka ka hor bilaabay ay iyagu halgankoodii ka midha dhaliyeen, halgankiisiina ka dhigeen laablakac aan mabda’ adag lahayn. SNM iyo SSDF waxa ay ismaandhaafeen markii SNM uga faro dhuudhuubnaatay Mingiste iyo dawladdii hantiwadaaga ahayd ee Itoobiya. SSDF iyo Cabdilaahi Yuusuf waxa taageero laxaad leh la garab taagnaa dawladdihii hantiwadaagga ahaa ee Itoobiya ka caawiyay jabintii Soomaaliya dagaalkii 1977kii, sida Yamanta Koonfureed iyo Liibiya. Dawladdii Dhergiga ee Itoobiya waxa ay garwaaqsatay in Cabdilaahi iyo jabhaddiisu aannay marnaba daacad ka ahayn halganka ay ku jiraan. Mingiste waxa uu Cabdilaahi u arkay nin ku shaqaysanaya magaca jabhadda oo kolba dhaqaale kaga urursanaya waddamada ay Soomaaliya isku dhacsan yihiin iyo beeshiisa. Mingiste waxa uu ogaaday oo ku qancay in dedaalka SNM yahay ka kaliya ee dhabta ah, sidaa darteed ayaa khilaaf ku kala dhexgalay SSDF iyo Itoobiya. SSDF waa ay ka hub, tiro, tayo, dhaqaale iyo awood badnayd SNM. SSDF waxa ay haysatay taageero balaadhan oo dhaqaale iyo siyaasaddeed.SNM iyo SSDF may ahayn laba jabhaddood oo isku taag iyo tamar ah, sidaa darteed ayaa ay SNM uga dhego adaygtay in ay ku biiraan SSDF oo u arkaysay
kacdoon reerreed oo aan cago adag ku taagnayn. Dagaalka SNM hal qodob oo aan mar walba ku dhaliilo ayaa uu Cabdilaahi beeninayaa. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu sheegay in SNM ay lahayd ujeedo iyo hadaf ridista Siyaad Barre ka fogkaas oo ah in ay gobolada waqooyi goosato. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu sheegay in mar ay Axmed Siilaanyo ku kulmeen Diridhaba uu u xaqiijiyay in ay SNM saxayso qalad lixdankii dhacay. Waa hagaag, anigu waxa aan aaminsanahay taariikhda SNM ii xaqiijinaysaa in aannay lahayn hadaf ka dambeeya ka takhalusidda Siyaad Barre. Hadalkaas Cabdilaahi Yuusuf waxa beeninaya dastuurkii SNM iyo hogaankeedii Siyaasadda oo labaduba xaqiijinaya in aannay marnaba jirin ajande goosasho oo SNM meel u sii yaallay, balse fikirkani muuqday markii Cali Mahdi isku caleema saaray Koonfur iyada oo aan SNM iyo beelihii waqooyiga midna aan waxba laga waydiin. Sida muuqata rag badan oo saraakiishii SNM ka mid ahaana cadeeyeen waxa jiray rag aan badnayn oo goosasho rabay, laakiin muu ahayn ajande golayaasha SNM looga taliyo yaallay dooddna la galiyay.Cabdilaahi waxa uu SNM iyo ujeedadii aasaaskeeda ku soo koobay wax ay dabada ka waddeen ganacsato qaadka soo dejin jirtay oo Siyaad Barre ka joojiyay. Kama uu xishoon in uu qariyo tabashadii reer waqooyiga ee uu goobjoogga ka ahaa 1961kii. Kama uu xishoon dagaalkii dhaqaale, siyaasaddeed iyo nafeed ee beesha Isaaq lagu hayay. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu in badan ka sheekeeyay waliba ku dheeraaday dhibaatooyinkii Siyaad Barre iyo dawladdiisu ka gaysatay gobolka Mudug. Waxa uu taxay xadgudubyo aad u xanuun badan oo ummaddaas ay u gaysatay dawladdii kacaanku. Dhibta jirta ayaa waxa ay tahay in Isaaq nacayb iyo xinkiisa SNM ku qasbay in uu dagaalkaas oo dhan u xambaariyo laba sarkaal oo Isaaq ah isaga oo iska indhatiray saraakiishii kale ee cid walba lahayd ee xataa labadan Isaaq amarka siinaysay derajo ahaanna ka saraysay. Labadan sarkaal waxa uu magacooda u xusay kaliya in ay Isaaq yihiin SNMna saraakiil sare ka ahaayeen. Nacaybka uu Cabdilaahi u qabay SNM waxa uu gaadhsiiyay heer uu ku eedeeyo in ay shirqool dil ah u maleegtay. Cabdilaahi waxba kama uu qorin burburkii magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo guud ahaan goboladii waqooyi. Mar waa loo garaabi karaa oo intii halaagaasi dhacayay wuu xidhnaa, marna looma garaabi karo oo waxyaabo badan oo intii uu xidhnaa dhacay ayuu ka waramayaa sida baabiintii iyo hub ka dhigistii Itoobiya ku samaysay jabhaddiisii SSDF.Puntland waa hooyada Federaalka, Soomaaliyana khatarta ugu wayn ee mustaqbalka dhaw ku soo waajahani waa nidaamka federaalka. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu aaminsanaa haddana in badan oo dhasha maamulkiisii ka beermay aaminsan yihiin in Somaliland Isaaq dhistay, si hadaba aannu reerkaas maamulkoodu u noqon mid la dhagaysto oo hanaqaadda waa in la soo waaridaa fikir ah reer kastaa maamul ha samaysto. Fikirkani waa laga yaabaa in uu Somaliland caqabad ku noqday, balse waxa aan la inkiri karin in dhibta ugu waynuu gaadhsiinayo Soomaaliya oo markeeda horeba aan nafi ku jirin. Cabdilaahi Yuusuf waxa uu diidday oo qaaddacay shirkii Carta oo uu u arkayay in uu fikirkiisa maamullada qabiilka ku dhisan ka soo horjeedo. Marnaba Cabdilaahi muu dhegaysan wax aan ahayn in Soomaaliya federal noqoto dalkana qabiilladu qaybsadaan. Fikirka federaalku aad buu uga xun yahay ka ay Somaliland qaaddatay ee gooni isu taagga. Gooni goosashadu waa arin meel uu ku dhamaado leh xalna loo heli karo, balse federaalku waa caqabad hortaagan soo kabashada dawlad dhexe oo masiirka ummadda metesha oo ay Soomaaliya yeelato.

LA SOCO QAYBTA LABAAD

W/Q : Ahmed Yousuph Hassan
Email : ecoahmedyousuf@gmail.com
Tell : 252-634765429

WordPress: https://ecoahmedyousufgmail.wordpress.com

Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=100009628001247

LinkedIn: https://www.linkedin.com/in/ahmed-y-hassan-6aa655197

Twitter: @AhmedyHassan3

Waa maxay Dhaqaaluhu?

HORDHAC
Dhaqaaluhu Waa Maado Fac wayn oo soo Bilabantay waqtiyo Hore .
Dhaqaaluhu waa cilmiga aan ku baranno sida loo maamulo khayraadka yar ee aan haysanno si aan u daboolno baahiyaha aan xadka lahayn ee aan leenahay.
Dhaqaalayahankuna ma ahan bakhayl ee waa xeeldheere aqoonyahan ah kaasoo si maangal ah u maamusha tacabka yar ee uu haysto.
Dhaqaaluhu waa maaddo kamid ah maaddooyinka ugu qaalisa ee dunidaan lagu barto. Dad badan ayaa markay maqlaan magaca “Dhaqaalaha” aan si mug leh u fahmin sababta loo barto maaddadaan?
Dadka dhaqaalaha barta waxaa jira oraah ay isticmaalaan oo dhahda “Economists always disagree” taasoo micnaheedu yahay in haddii aad suaal waydiiso koox dhaqaaloyahaniin ah midkasta wuxuu ku siinayaan warcelin ka duwan warcelinta uu midka kale bixiyay, mana ahan in dhaqaaluhu uu yahay maaddo aan meel loo raaco lahayn ee waxaa oraahdaas ka dheegan kartaa in dhaqaalayahaniintu ay yihiin dad caqli badan si ka mug dheer sida dadka kalena u fakara.
Hadan hordhac Inaga siiyo Dhaqaalaha iyo Waxa uu ka Hadlo , Haa Waan ogahay inaan Qofka Aqoon fiican u Lahayn Dhaqaalaha uu ka Aaminsan Yahay Fikrado Qaldan uu ka Haysdo Dhaqaalaha Sidaa Daraadeed Dhaqaalaha waxa uu ka Hadlaa Ilaahay Wuxuu ina siiyey ee Khayraad{Resource} sidii aynu u Nidaamsan Lahayn Amba aynu isku Filnaysiin Lahayn Ayuu ka Hadlaa Dhaqaalaha.
Khayraadka{Resource} aynu Haysanaa Wuxuu Noqon karaa
Dadka uu Ilaahay ina Siiyey Waa Khayraad Dhaqaaluhu Wuu Ka Hadlaa Bini Adamka iyo sidii Loo Horemarin Lahaa
Waqtiga iyo Sidii Loo Nidaamsan Lahaa Loogana Faaidaysan Lahaa Wuu Ka Hadlaa Dhaqaaluhu
Waxa uu Ilaahay WadanKaga Ugu deeqay ee Khayraad ah iyo sidii Aad u Horemarin Lahayd oo ay ka mid yihiin Hadii ilaahay ku siiyey Macdan , dhul la beerto , ama wax soo saarkii haday noqoto dhamaan waxaa soo dhan wuu ku Hadlaa dhaqaaluhu
Sidoo Kale Dhaqaaluhu wuxuu ka Hadlaa sidii loo la Dagaalami Lahaa Faqriga iyo Shaqo La,aanta iyo sicir bararka”Inflation” Maandadan dhaqaaluhu way Ka Hadashaa

Waxaan rabaa inaan qodobbeeyo sababaha aan dhaqaalaha u baranno waana sidaan:

  1. Tashiilidda Tacabka Yar Ee Aan Haysanno:
    Markaad erayga dhaqaale maqasho waxaa maankaaga kusoo degdegaya hanti laga ilaalinayo inay lunto ama dayacanto. Anoo ka duulayaa fakarkaas uu qofkasta qabo waxaa dhaqaalaha loo bartaa sidii qofku uu u maamulan lahaa tacabka yar ee uu haysto, waana dadnimo dheeri ah in qofku wixiisa dhaqaalaysto mana jirto liidnimo ka hoosaysa qof aan wixiisa tashiilan karin soomaalidii hore na kama aysan ilduufin inay ceebeeyaan dadka aan dhaqaalayahniinta ahayn. Murti soomaaliyeed ayaa tiraahda “Dad waxaa u liita ma tashade, ma tabcade, iyo ma tashiishe” xikamaddaasi waxay caddaynaysaa inaysan dadnimo kujirin qofkii aan dhaqaaloyahan ahayn. Alle weyne sarreeye wuxuu quran kiisa ku sheegay inaynaan hantideenna ku ciyaarin aayaad badan ayuuna Alle kaga hadlay arrintaas waxaana kamid ah aayaddaan hoos ku qoran:
    قال تعالى: { وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ } الأعراف/31،
  2. Go’aan Qaadashada Miyyirka Ku Dhisan
    Sababta kale ee aan dhaqaalaha u baranno waa sidii aan u garan lahayn tabaha aan ku gaari karno go’aan sax ah. Shakshi, shirkad iyo dowladuhuba waa u baahanyihiin inay helaan cilmiga dhaqaalaha.
    Kasoo qaad shakhsiga, qofkasta oo ina kamid ah wuxuu haystaa 24 saacadood waxaase la isku dhaafay goaanka uu qofkasta qaatay siduu waqtigaas uga faaiidaysan lahaa, go’aanka aad gaarayso qeyb ahaan waxaa kaa caawinkara dhaqaalaha.
    Shirkaduhu dhaqaalaha aad bay ugu baahanyihiin oo isaga ayaa siinaya xaqiiqooyinka ay go’aanka ku gaarayaan, dhaqaale la’aantiisna wareer badan ayaa sharikaadka ka qabsan lahaa inay go’aan sax ah gaaraan, haddii aan la xisaabin lahayn faaiidada iyo khasaaraha ganacsiga bal suurayso sida lagu garan lahaa in ganacsigaan lasii wado iyo inkale! Waxay noqon lahayd waalli, waana la hubaa haddii barashada dhaqaaluhu ay dunidaan ka maqnaan lahayd in jahawareer iyo hallow badan uu ku imaan hab nololeedkeenna.
  3. Kor U Qaadidda Waxsoosaarka Iyo Horumarinta Waaxya Dhaqaaleedka (Economic Sectors) Ee Aan Hodanka Ku Nahay.
    Sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka wadanka iyo sidii aan awoodda u saari lahayn waaxyaha dhaqaalaha ee wadankeenu hodanka ku yahay ayaan u barannaa dhaqaalaha.
  4. Xallinta Dhibaatooyinka Dhaqaalaha
    Dhaqaalaha waxaan u barannaa sidii aan ku xallin lahayn dhibaatooyinka dhaqaale ee ina haysta. Dhibaatooyinka sicirbararka, shaqo la’aanta, kharashaadka nolosha iyo dhibaatooyin badan oo kale oo bulshadeenna haysta daawadii aan ku xallin lahayn waa dhaqaalaha oo aan si fiican u baranno kadibna aan si hufan u dhaqangalinno. Ummaddeenna soomaaliyeed waxaa haysta dhammaan dhibaatooyinkii la rabay inuu dhaqaaluhu xalliyo kaaga daran waxaa xilalka sarsare ee waddanka haya rag dhaqaalaha bartay, anigu waxaan u hubaa saan geeridayda u hubo in cilmiga dhaqaaluhu uusan khaldanayn ee ay iyagu khaldanyihiin.
    Suubahaneennii Muxammad ahaa NNKH wuxuu yiri isagoo inaku dhiirigalinayaa inaan shaqaysanno si aan uga qeybqaadanno yaraynta dhibaatada shaqo la’aanta
    (مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَامًا قَطُّ خَيْرًا مِنْ أَنْ يَأْكُلَ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ وَإِنَّ نَبِيَّ اللَّهِ دَاوُدَ عَلَيْهِ السَّلَام كَانَ يَأْكُلُ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ)
    Inaan yarayno dhibaatooyin badan oo ay taas shaqo la’aantu kamid tahay waa sababta aan dhaqaalaha u baranno si lamid ahna diinteennuna ina amartay.
  5. Kor U Qaadida Xiriirka Ganacsiga.
    Dhaqaalaha waxaan u barannaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn xiriirka ganacsi ee aan dunida kale la wadaagno, heerka xiriirkeennu gaarsiisanyahay ayayna ku xirantahay horumarka wadankeennu.
    Culimadii hore ee dhaqaalaha waxka qortay ma aysan ilduufin inay xoogga saaraan xiriirka ganacsiga ee caalamiga ah (Internationa trade) kasoo bilow aragtidii mercantilism, absolute advantage, comparative advantage, heckscher ohlin theory ilaa aan soo gaarnay international trade theories. Dhammaan aragtiyahaasi waxay muujinayaan sida dhaqaaluhu uu awoodda u saaray xiriirka ganacsi ee caalamiga ah. Hadaba waxaa halkaan nooga cad in dhaqaalaha aan u baranno sidii aan kor ugu qaadi lahayn xiriirka ganacsiga dunida iyo wada noolaanshaha.
  6. Kor U Qaadidda Kaydka.
    Sababta kale oo ugu weyn oo aan u baranno dhaqaalaha waa inaan wax ka ogaanno habka aan hantideenna u kaydsan lahayn si aan mustaqbalka uga faaiidaysanno. Kaydkaaga maantu waa guushaada berrito. Sidaas darteed si aan ugu mid noqonno kuwa guulaystay mustaqbalka waa inaan maanta barannaa dhaqaalaha iyo sida wax loo kaydsado.
  7. Yaraynta Kala Sarraynta Dakhli Ee Dadka (Income In Equality):
    Dunidu maanta waxay aad ula kufaa kacaysaa sidii ay meesha uga saari lahaayiin kala sarraynta dadka, waxaad arkaysaa bulsho qeybteed ay maalintii ku noolyihiin $50 halka qeyb kale na ay ku noolyihiin wax ka yar $2.
    Samaysinka dabaqooyin bulsho oo kala sarreeya waxay cadaw iyo hoog ku tahay horumarka. Sidaa darted dhaqaalaha ayaan u barannaa si loo xalliyo dhibaatadan. Alle na quran kiisa wuxuu ku jideeyay Zakko oo ah qeyb hantidaada kamid ah inaad siiso qeybaha hoose ee bulshada markii hantidu ay gaarto heer cayyiman, Alle wuxuu sidaas u xukumay si dhibtaas loo xalliyo, dhaqaaluhuna isagoo kasoo dab qaadanaya quran ka ayuu xalliyaa dhibaatadan.
    Rasuulkuna NNKH wuxuu yiri markuu la dardaarmayay mucaad.
    في حديث إرسال معاذ إلى اليمن: ” أعلمهم أن الله افترض عليهم في أموالهم صدقة تؤخذ من أغنيائهم”
    Taasoo caddayn u ah sida islaamku u daneeyay fuqarada. Culamada dhaqaaluhuna halkaas ayay kasoo qaateen in kala sarraynta laga hortago.
  8. Xisaabinta Heerka Waxsoosaarka Dalka (GDP)
    Dhaqaaluhu waa meesha aan ku baranno xisaabinta waxsoosaarka dalka. Ogaanshaha waxsoosaarka dalkuna wuxuu muhiim u yahay qiimaynta wadanka. Maalinkasta waxaad journals ka aqrisaa ama aad maqal-muqaal baahiya ka daawataa iyadoo la leeyahay waxsoosaarka wadan hebel 10% ayuu kor u kacay, halkaas marka laga hadlaayo ogow waxa howshaas fududeeyay waa barashada cilmiga dhaqaalaha oo ah cilmiga koowaad ee ugu muhiimsan nolosha.
  9. Daah Ka Qaadidda Fursadaha Maalgashiga.
    Barashada dhaqaaluhu wuxuu inoo sahlayaa inaan daaha ka qaadno fursadaha maalgalinta ee uu wadanku haysto iyo sidii loogu raadin lahaa maalgalin ku filan. Fursadkasta oo ganacsiga oo maanta jirta haddii aan la helin dhaqaale ku filan suurtogal ma ahan inay hirgasho. Barashada dhaqaaluhuna waa tan inoo sahlaysa sidii aan maalgalin ku heli lahayn iyo sidii aan uga faaiidaysan lahayn.
    Haddaad shakhsi dhallinyaro ah tahay oo danaynaya inuu helo fursado ganacsi oo uu lacag badan ka tabcado, maanta ayaad jaanis haysataa baro dhaqaalaha.
  10. Yaraynta Faqriga.
    Dhaqaaluhu wuxuu kaalin weyn ka qaataa sidii loo yarayn lahaa heerka faqriga bulshada, dhaqaaluhu wuxuu la diriraa noocyada kala duwan ee faqriga, kan sugan (Absolute Poverty) iyo kan sidkanba ( Relative Poverty).
    Ujeedooyinka guud ee dhaqaalaha ayay kamid tahay sidii looga tirtiri lahaa faqriga dunida, sidaas darted Ayaan u barannaa dhaqaalaha maadaama uu yahay kan tirtiraya faqriga.
    Imam cali binu daalib markuu ina tusinayay sida islaamka uu uga go’anyahay inay faqriga dabarjaraan wuxuu ina yiri hadii faqrigu nin ahaan lahaa waan dili lahaa.
  11. Dajinta Miisaaniyad Isu Dheelli Tiran.
    In waddanku helo dhaqaalayahaniin u dajisa miisaaniyad maangal ah oo ku dhisan xaqiiqooyinka iyo tabarta dhaqaale ee wadanka waa sabab kale oo muhiim oo aan dhaqaalaha u baranno.

Why We Sleep; Unlocking the Power of Sleep and Dreams

Guud Marka Buuga: Why We Sleep; Unlocking the Power of Sleep and Dreams
Sanadka la daabacay: 2017
Tirada boga: 277
Qoraha buuga: Buuga maxaynu u seexanaa waxa qoray MATHEW WALKER, PHD oo ah bare dhiga cilimga barashada neerfaha iyo cilmi nafsiga UC Berkely, waana maamulaha waaxda shaybaadhka hurdada iyo neerfaha, wuxuuna hore uga dhigi jiray jaamacada Harvad cilmiga waalida wuxuu daabacay in ka badan boqol cilmi baadhiseed. Maxaynu u seexanaa waa buugiisii ugu horeeyay ee uu qoray
Buugu wuxuu ka koobanyahay Lix iyo Toban (16) cutub oo u kala baxa afarqaybood.


Qoruhu wuxuu ku bilaabayaa ma u malaynaysaa inaad seexatay hurdo kugu filan asbuucii ugu dambeeyay? Ma xasuusan kartaa goortii kuugu dambaysay ee aad toostay bilaa dawanka saacada adigoo firfircoon, una baahanayn bun? hadii jawaabta labadan su’aalood ay tahay maya kaligaa ma tihid. Marka dadka qaangaadhka ah ee aduunka ku nool loo qaybiyo sadex meelood, laba meelood oo ka mid ahi way ku guuldaraysteen inay helaan sideed saacadood oo hurdo ah.
Si joogta ah hadaad u seexato in ka yar lix ama todoba sacaadood habeenkasta waxay burburisaa hab dhiska difaaca jidhka, in ka badan laba jeer waxay kor u qaadaa khatarta kansarka, markasta oo ay hurdadaadu yaraato, markasta oo cimrigaagu gaabto. Saynisyahanada sida aniga oo kale waxaan bilaabnay inaanu ku guubaabino dhakhaatiirta inay bukaanka u qoraan hurdo.
Maxaad ku garan kartaa inaad hurdo kugu filan seexatay?
Markaad subaxii kacdo, hurdada miyaad dib ugu noqotaa tobanka subaxnimo ama kow iyo tobanka subaxnimo? Hadii jawaabtu ay tahay haa waxa laga yaabaa inaanad helin hurdo kugu filan xag tiro ama xag tayaba. Miyaad si fiican u shaqayn kartaa adigoon isticmaalin bun ka hor galabta? Hadii ay jawaabtu tahay maya, waxa laga yaabaa inaad xaaladadaa hurdo la’aaneed aad la tacaalayso. Miyaad is aragta adigoo kolba akhriyaya qoraalkii aad mar hore akhridaday hadana ku celinaya
Sidaynu u seexanaa?
Tirada hurdada, mudada hurdada iyo xiliga aynu seexanaba waxaa badalay dunida casriga ah. Dunida hore martay waxay seexdaan hal xili. Hadaad u fiirsato Gabraha ku nool waqooyiga Kenya ama qabiilka San ee ku nool lama degaanka Kalahaari kuwaasoo siday u noolaayeen ay inyar is bedeshay kumaankii sano ee ugu dambeeyay waxay seexdaan dhawr jeer. Habeenkii iyo casarkii oo ay indho casaystaan.

Continue reading Why We Sleep; Unlocking the Power of Sleep and Dreams

World with out Islam?

Hadda ka hor anigoo dalka ka maqan, ayaa nin saaxibkey ah iga codsaday inaan Buug uga soo raadiyo dalkii aan joogay. Buugga ciwaankiisa markuu isoo diray, xoogaa layaab ayuu igu noqday. Buugga waxaa qoray ninka la yiraahdo Graham Fuller guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddiga golaha sirdoonka Mareykanka (National Intelligence Council), sidoo kale mar u qaabilsanaa Hay’adda CIA da Caasimadda Afghanistan ee Kabul, laakiin waqtiyadii ugu dambeeyey ka tirsanaa mid ka mida Think Tank yada ugu waaweyn Mareykanka oo la yiraahdo Rand Corporation, wuxuuna u qaabilsanaa taxliilka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada dowladaha, gaar ahaan kuwa isku haya bariga dhexe, sidoo kale wuxuu si gaar ah u darsaa Islaamka iyo Xagjirnimada.

Buugga ciwaankiisu iga nixiyey, ninkaana uu qoray, ee saaxiibkey ubaahnaa waxaa la yiraahdaa (A World Without Islam!) Dhawr mar markaan saaxiibkey ka fakaray sababta uu buug ciwaan kaan leh u doonayo, ayaan Buuggii Internet ka raadiyey, si aan u ogaado farriinta uu xambaarsanyahay intaan lagu xukumin ciwaankiisa. Buuggii markaas waan ka waayey magaaladii aan joogay, laakiin dhawaan ayuu gacanteyda soo galay.

Bogga u horreeya buugga markaad soo rogto qoraagu wuxuu kaa horkeenaya tixane su’aalo ah oo ay ka mid yihiin:- Kawarran haddaan weligiis ba Islaam dunidaan ka jiri lahayn? Isku dhacyada xadaaraduhu majiri lahayn miyaa? Dagaal diimeed oo dhan malaga baaqsan lahaa? Dunida oo dhan ma Kirishtaan ayaa ka talin lahaa? Bariga dhexe nabad miyuu ahaan lahaa iyo dimuqraadiyad? Dhacdadii argagaxa lahayd ee 9/11 ma baaqan lahayd? Wuxuu qoraagu leeyahay haddii sooyaalka taariikhda oo dhan Islaamka laga saaro, adduunyadu sida maanta ay tahay uun ayey ahaan lahayd.

Islaamka inta aan aqoon, waxa ugu yar ee ay ka haystaan waa waxa ay u sheegeen wadaad diimoodyadoodu iyo hoggaan kooda Kaniisadaha, intaas waxaa kale ee usoo raaca, waa dhammaan warbaahintii dunida oo tabineysa dhacdooyin lala xariirinayo Islamka, kuwaas oo aan maalin keliya ka hor wareegeyn indhahooda sida Qof nafti hure ah ayaa is qarxiyey, gaari qarax laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay goob dadweyne, Millatery hubeysan oo ku duulaya magaalo iyo iska caabin, jabhado hubeysan, muuqaallo arga-gax leh oo internet ka lasoo galiyey, rabshado iyo mudaharaad, jihaad, Fatwooyin isdabayaalla iyo intaas oo loo geeyey dhacdadii September 11.

Intaas oo dhan waxaa loo nisbeeyey Islaamka, taasina waxey keentay in adduunyadii inteeda kale u arkaan Islaamka sababta keliya ee dhiibkaan oo dhan, waxaa abuurmay nacayb loo qaaday Islaamka iyo ummadda Muslimka. Waxaa abuurmay hal-haysyo cusub oo dhammaantood lagu durayo Islamka sida Islamka Xagjirka ah, Maxey noo necebyihiin? Maxey u rabsho badan yihiin? Maxey ku falaan dhiigga? Maxey u necebyihiin Dimoraadiyadda? Maxeysan u aqbaleyn mabaa’iida America aaminsantahay iyo daawada Dimoqaraadiyadda ee ay dowladaha kale u qorto?

Wuxuu ku doodayaa haddaan Islaamba jiri lahayn, hadduusan Nebi Maxammed SCW soo bixin lahayn, haddaan Islaamku ku faafi lahayn inta badan qaaradaha Aasiya iyo Afrika in reer Galbeedka iyo Bariga dhexe xiriirkoodu sida maanta uu yahay uusan waxbadan ka duwanadeen.

Si uu u xoojiyo dooddiisa la xariirta inaan islaamku door ku lahayn waxa maanta socda, wuxuu soo qaadanaya xiisado iyo qilaafaad soo jireen ahaa oo dhammaantood Geopolitics ku saleysnaa, una dhexeeyey Galbeedka iyo Bariga Dhexe Islaamka ka hor iyo kadibba. Wuxuu cuskanaya taariikhdu intii ay jirtay in Bariga dhexe iyo Galbeedku markasta isku hayeen arrimo salka ku haya damac dhaqaale, damac juquraafi, tartan boqortooyo, isriix-riix qowmiyadeed iyo dagaallo u dhexeyn jiray masiixiyiinta laftooda oo aan middoodna shuqul ku lahayn Islaamka.

Boqollaal sano ka hor Boqortooyadii Greegga iyo tii Persianku intii ay jireen waxey ku dagaallami jireen Bariga dhexe, markey baab’een dadkii ka haray ee la oran jiray Byzantine Christians sidii oo kale ayey isugu qabteen Bariga dhexe, boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee ka dambeeyey waxey dagaalladii ugu badnaa ku galeen Bariga dhexe, dagaallkii qaboobaa iyo kii labaadba meelo badan oo ka mida Bariga dhexe ayaa la isku fara saaray, haddana dagaallka Bariga dhexe kama duwana kuwii ka horreeyey ee shaatiga loo galiyey ayaa ah mid Islaam.

Wuxuu leeyahay Amerika weligeed ba caan ayey ku ahayd shaabadeynta cidda ay is hayaan markaas iyo jahawareerinta dadweynaha adduunka iyo kuwa Amerikaba waddanka ay hoggaan kiisa is hayaan waxey yiraahdaan Kaligi talis ayaan la dagaalleynaa, hadda ka hor waxey dunida ku qanciyeen iney dagaal kula jiraan waxey ugu yeereen Naasiyiin, markale waxey yiraahdeen waxaan la dagaallameynaa Fashiistayaal, marna waxey yiraahdeen waxaan dabar jareynaa Shuuciyad haddana waxey ku guda jiraan mashruuca ay ugu yeeraan Islaam Xagjir ah (Radical Islam) laakiin arrinta xiisa leh waxey tahay Amerika marka la weydiiyo intaas ba gudaha dalkaaga kulama dagaashid, waxey si fudud ugu jawaabtay xasaaradda waxaa la geeya meel fog, si aan gudahaaga loo iman.

Waxaa ka mida su’aalaha xiisaha leh ee qoraagu weydiinayo akhritayaasha, Bariga dhexe waxaa la isugu haysto waa Salliidda iyo Gaaska uu dunida kale dheeryahay, haddii meelaha salliidda iyo Gaaska laga helay ay dadka degan Kirishtaan ahaan lahaayeen, ma aqbali lahaayeen in shirkado waaweyn oo reer Galbeed si fudud ku qaataan qeyraadkooda.

Source Mohammed Royal