Aayatullaahi Khumeyni

Aayatullaahi Khumeyni waxa uu ahaa nin la yaab leh, waxa uu ka tagay dugsi siyaasadeed oo u baahan in la daraaseeyo, waxa uu ahaa wadaad shiici ah oo heerka ugu sarreeya ee marjicnimada ka gaadhay hannaan xereedka shiicada 12-leyda laakiin marna ma ahayn wadaad caadi ah.
Waxa uu in badan mucaarid ku ahaa kalitaliskii boqortooyo ee Shaah waxaanu in badan dibad meer u ahaa mucaaradnimadiisa.

1979-kii markii uu guuleystay kacdoon dadweyne oo sannaddo badan soo hurayay kuna dhinteen tobannaan kun oo qof, waxa uu Khumeyni noqday astaanta kacaanka cusub iyo aabbaha ruuxiga ah ee majaraha u qabtay Kacaanka.

Khumeyni, ha ahaado isbaddal-doon e, haddana waxa uu ahaa wadaad islaami ah sidaa awgeed waxa uu la kulmay carqalado aad u badan oo uga yimid kooxaha bidixda, kuwa gacansaarka la leh reer galbeedka iyo taageerayaasha boqortooyadii dhacday waxaanu dalku galay xaalad kala-jiidasho oo adag, sidaasi oo ay tahay waxa Khumeyni ka go’nayd in uu soo rogo nimaadka shareecada islaamiga ee ku dhisan caqiidada shiico ee 12-leyda, si ka duwan sida laga filan karo ‘wadaad’ waxa uu Khumeyni afti dadweyne u qaaday nimaadka dalku uu qaadanayo taasi oo aqlabiyad balaadhan ay dadka reer Iiraan ku doorteen in la qaato ‘jamhuuriyad islaami ah’ waxaana si dimuqraaddi ah loo ansixiyay dastuurka Iiraan oo lagu laalay boqortooyadii.

Waxa la baddalay calankii dalka oo saddexda midab lagu dhex xardhay magaca eebbe oo u kala dhigan shan tiir oo loo asteeyay shanta rukni ee islaamka, dhanka sarena lagaga xardhay ‘allaahu akbar’ oo ku qoran fartii Kuufa.

Nidaamka xukun ee Iiraan waa iiraani oo waa nooca xukun ee qudha ee dunida ka jira, waxa la odhan karaa waa hal-abuurkii Khumeyni; waa nidaam aad u adag oo muragsan marka dusha laga eego, waxa uu isugu jira qaab dhismeed diini ah iyo mid dimuqraadi ah, goleyaal badan oo is ceshada awood ahaanna is caabbiya, kala sarreeya haddana is dheellitira! waa nidaamka jiray afartan sannadood oo dunida inteeda badani cadow la ahayd iskana caabbiyay waxii dhagar loo maleegay furfuristiisa.

Hoggaamiyeha ugu sarreeya waxa la yidhaahdaa ‘hageha sare ee kacaanka’ waxaana ugu horreeyay oo xilkaa qabtay Aayatullaahi Khumeyni, waa isla xilka ‘Waliyul-Faqiih’ oo ah xil boqollaal sannadood iskaga qornaa buugta fiqiga ee shiicada 12-leyda laakiin uu markii ugu horreysay hawlgaliyay Khumeyni, Hageha sare ee kacaanka waxa soo xula ‘Goleha Khubarada Hoggaanka’ (89 xildhibaan) oo ah gole uu shacabku soo doorto siddeeddii sannadoodba mar ka dibna shacabka ayaa afti ku ansixiya, golehani waxa ay awood u leeyihiin in ay la xisaabtamaan hoggaaamiyaha kacaanka waana ay casili karaan.
Hoggaamiyeha/Hageha kacaanku waa awoodda ugu sarreysa dalka waxaanu awood fulineed ku leeyahay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ciidanka noocyadiisa kala duwan, warbaahinta iyo garsoorka, isaga ayaana dagaal ku dhawaaqi kara.

Madaxweyneha jamhuuriyadda waxa toos u soo doorta shacabka afartii sannadoodba mar waxaanu leeyahay awoodda fulineed ee xukunka maalinlaha ah ee dalka, isaga ayaana ah ninka labaad ee ugu awoodda badan dalka marka laga yimaaddo hoggaamiyaha kacaanka, waxa uu soo magacaabaa golihiisa wasiirrada waxaana ka ansixiya lana xisaabtama golaha barlamaanka.
Barlamaanka Iiraan (290 xildhibaan) waxa toos u soo doorta dadweyneha afartii sannadoodba mar, shan kursi waxa ay kooto ugu xidhan yihiin dadka laga badan yahay sida yuhuudda, kiristaanka iyo saradhistiga, waxa ay xildhibaannada golahani sameeyaan sharciyada, waxa kale oo ay la xisaabtamaan xukuumadda madaxweyneha iyaga ayaa cod 2/3 ah haybadda kaga xayuubin kara una gudbin kara hoggaamiyaha kacaanka si loo eryo, hoggaamiyaha kacaanku waxa uu Madaxweyneha ku eryi karaa oo qudha ogolaansha 2/3 ka mid ah barlamaanka.

Golehe dastuur-dhawrka; waa 12 qof oo lix ka mid ah uu soo magacaabo hoggaamiyaha sare ee kacaanku, halka lixda kalena uu barlamaanku soo magacaabo, shaqadoodu waa in ay xeerarka uu baarlamaanku sameynayo waafajiyaam dastuurka iyo shareecada islaamka; lix ka mid ahi waa fuqahada shareecada ama wadaaddo, halka lixda kalena ay yihiin fuqahada qaanuunka ama sharci-yaqaanno! waxa ay awood u leeyihiin in ay xeerarka uu barlamaanku sameeyo ay dib ugu celiyaan.

Goleha Baadhista Maslaxadda Nidaamka; haddii goleha barlamaanka iyo goleha dastuur-dhawrku isku mari waayaan xeer waxa u kala garsoora golehan ‘Baadhista Danta Nidaamka’ oo awood u leh in uu laalo xeerkii barlamaanka ama socodsiiyo amaba faro in ay meel dhexe arrinta dhigaan, golehani waxa uu aad ugu dhaw yahay hoggaamiyaha sare ee kacaanka waana hay’ad la talisa.

Hay’adda garsoorka Iiraan waa hay’ad madaxbannaan sharci ahaan, waxa guddoomiyeheeda soo magacaaba hoggaamiyaha sare ee kacaanka, ka dibna Guddoomiyeha ayaa soo doorta xubnaha guddida oo ah hay’adda garsoor ee ugu sarreysa dalka, madaxweynehuna waxa uu ku qasban yahay in uu xubnahaa midkood ka soo xusho wasiirka caddaaladda.
Nidaamka maxkamaduhu waxa uu la mid yahay kan dunida laakiin waxa uu leeyahay maxkamado u gooni ah dambiyada ka dhanka ah kacaanka islaamiga ah, maxkamado u gooni ah dambiyada ay wadaaddadu galaan iyo midka ay xubnaha goleyaashu galaan.

Goleha Ammaanka Qaranka; waxa uu ka kooban yahay madaxweyneha, guddoomiyeha barlamaanka, guddoomiyeha garsoorka, wasiirrada gudaha iyo dibadda, talisyada ciidanka qaranka , ciidanka ilaalada kacaanka iyo sirdoonka.

Ciidanka Iiraan waxa uu leeyahay qaybo waxa se ugu weyn;
Ciidanka rigliga ah oo ah ciidanka qaranka oo shaqadiisu tahay ilaalinta badqabka dhuleed iyo madaxbannaanida qaran ee Iiraan.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka oo ah ciidan ay shaqadiisa ugu weyni tahay ilaalinta kacaanka iyo nidaamka ‘jamhuuriyadda islaamiga ah’ oo ay ka difaacaan cadawga gudaha iyo kan dibadda intaba iyo tan ugu muhiimsan oo ah ‘ka hortagga afgambiyada’.

Si kale haddii loo eego taliska Iiraan waa labo dawladood oo isku dhex jira ama is dulsaaran; dawlad uu hoggaamiyo madaxweyne la soo doortay oo uu la xisaaabtamo barlamaan la soo doortay oo ay ka sii sarreyso dawlad uu hoggaamiyo ‘Hageha sare ee kacaanku’ oo ay dadku afti ku ansixiyaan lana xisaabtamaan Goleha Khubarada Hoggaanka oo iyagana dadku soo soo doortaan; labadaa dawladood ee isa saarani waxa ay leeyihiin hannaan adag oo ay ku wada shaqeeyaan iskuna dheellitiraan.

Si kaste oo uu u dhaliilo badan yahay haddana qaabka uu u dhisan yahay waxa ay marag weyn u tahay fikirshaxannimadii iyo falsafad-siyaasadeeddii cajiibka ahayd ee Aayatullaahi Khumeyni iyo guud ahaan kacaankii Iiraan ee curtay 1979-kii walina sida adag u dhisan isaga oo ah kacaan ay neceb yihiin in badan quwadaha adduunku.

Dunida muslimka ee sunniga ah kama ay hirgalin curin siyaasadeed oo tan u soo dhawi, isku-daygii loogu qaatay waxa uu ahaa midkii Xasan Turaabi uu Suudaan ka sameeyay 1989 oo isaguna fashilmay.

Xigasho maxamed Xirsi

Published by

Ahmed Y. Hassan

Interpreting My view in Somali Politics and There Economy, Bs/Economics/Separationist/Somalilander, do not miss the reports I publish here

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s