Feminism

Sida aan u fahmay “Feminism”:
Sida Nabigeenu SCW sheegay, marka Ibliis (Shaydaan) warbixinaha ka dhagaysanayo ciidamadiisa jinka iyo bani’aadamkaba leh, ayaa shaydaan kastaa soo bandhigaa wixii u qabsoomay maalintaa. Shayaadiintu waxa ay sheegaan in ay ka shaqeeyeen sidii ay dadka muslimka ah karkaarka u waydaariyeen. Qaar baa sheega inuu qof muslim ah ku kallifay inuu khamri cabo, ama wax xado, ama qof dilo ama,,,ama. Intaas oo dhan marka uu maqlo wuxuu ugu jawaabaa waxba maydaan soo qaban. Marka dambe ayaa waxa imaadda mid leh anigu nin iyo ooridii ayaan soo kala furay. Markaas buu Ibliis shaydaankaas soo dhaweeyaa oo casuumaa, darajadiisana kor u qaadaa.

Hadda fahanoo in dil la geysto ama dambi kale la sameeyo Alle ayaa diiday waana xaaraan, laakiin in laba qof oo isqabay isfuraan xaaraan maaha. Hadaba haddaanay xaaraan ahayn muxuu Ibliis ugu farxayaa ayaa iswaydiintu tahay? Waxa ay jawaabtu tahay, unugga ugu yar ee bulshadu waa qoys, hadii qoys la kala kaxeeyo, waxa burburaya unugga ugu yar ee bulshada, waxaana ku xiga in bulshada dhammaanteed ay burburto isla markaana waxa fududaanaysa in qof walba cidlo shaydaan ka helo, waayo guurku waa balaayo xijaab.

Waxa taas ka marag kacaya in dagaalada dunida ka socdaa ay dhammaantood ku biyo shubanayaan in la burburiyo qoyska umadda muslimka ah.

Tusaale, Nick Rockefeller, oo ah mid ka mid ah reeraha ugu hantida badan dunida, waa sida ay sheegtaane, asal ahaanna ka soo jeeda Yuhuudda shayaadiinta caabudda, isla markaana dabada ka riixda mad-habka Sahyuuniyadda (Zionism) ayaa isagoo u waramaya nin la odhan jiray Aaron Russo, wuxuu u sheegay in Rockefeller Foundation uu u taageeray Dhaqdhaqaaqyadii Xorriyad-doonka ee Dumarka Maraykan, wuxuuse u raaciyey in sababta uu Rockefeller Foundation u taageerayay dhaqdhaqaaqyadaas ay ahaayeen laba sababood:
1. Ka hor dhaqdhaqaaqyadaa Xornimo-doonka ee Dumarka Maraykan, badh ka mid ah dadka Maraykan cashuur kamaamaan qaadi jirin. Wuxuu u jeedaa dumarka Maraykan ma aysan shaqayn jirin, markaa cashuur noogama soo xaroon jirin.
2. Dumarku marka ay shaqo-galaan, caruurtooda waxa iskuulada la geyn doonaa iyagoo yaryar, ka dibna waxaanu bari doonaa sida loo fikiro, ka dibna ilmaha yari waxa uu qoys ka dhigan doonaa macalimiinta iskuulka iyo dawladda, waxaanu waalidkii u arki doonaa wax aan jirin oo uu wax ka barto, tanna waxa ay horseedi doontaa burburka qoyska.

Bal aan idinla wadaago hadalo ay yidhaahdeen dumarka hor booda Feminism-ka dunidu.

  1. “Waxaan rajaynaynaa in sanadka 2000 aanu caruurtayada ku korin doono iyagoo aaminsan awoodda Bani’aadminimo, isla markaana diiddan awoodda Alle” Gloria Steinem, Leader of American Feminist Movement.
  2. “Inkastoo uu guurku yahay addoonsiga dumarka, waxa iska cad in ujeedada dhaqdhaqaaqyada dumarku uu awoodda saarayo in la weeraro qoyska, xoriyadda dumarkuna ma hirgeli doonto hadii aan la burburin guurka” Sheila Cronin, A Radical Feminist Leader.
  3. “In la dabargooyo guurku waa ujeeddooyinka biyo kama dhibcaanka ah ee dhaqdhaqaaqa Xoriyadda Dumarka, sidaa darteed, waxa muhiim noo ah in aan dumarka ku dhiiri-gelinno in ay isaga tagaan/haajiraan raggooda, isla markaana waa in taariikhda dib loo qoraa oo dumarku ku noqdaan Faalisooyinkii iyo Sixiroolayaashii ay ahaan jireen” Baaqa Caalmiga ah ee Feminism-ka kaas oo la oo saaray sanadkii 1971.

Markaad intaas oo dhan isu-geyso waxaa kuu soo baxaya in dalkeena caruurtoodii iyagoo aad u yaryar ay dugsiyo ku jiraan, isla-markaana manhajka ay bartaan aanu ahayn mid si sax ah loo sameeyey, macalimiinta u dhigtaana ay yihiin dad aynaan isku dhaqan iyo diin midna ahayn. Waxana intaa dheer, in manjahka caruurteena la baraa lagu sameeyey wax ka yar 2-3 bilood, halkaana aad ka garan karto cidda la doonayo in la soo saaro.

Markaad aragto qof dumar ah oo muslimad ah oo meelaha ka sheeganaysa ama ku qoranaysa inay tahay Feminist waa laba mid uun, in aanay fahminba waxa Feminism yahay ama in ay u shaqayso qolooyinkaa.

Waxa muhiim ah in caruurta iskuulada lagu qoro marka ay gaadhaan 6-7 sanno, inta ka horeysana diinta aad loo baro. Marka iskuulada la qorana aan waxbarasho lagu wareerine loo ogolaado in ilmuhu fikiro, ciyaaro isla markaana cabbiro sida uu dunida u arko, markaas ayaa waalidkuna jihayn karaa ilmihiisa.

Sharmaake Ismail

Feminism

Sida aan u fahmay “Feminism”:
Sida Nabigeenu SCW sheegay, marka Ibliis (Shaydaan) warbixinaha ka dhagaysanayo ciidamadiisa jinka iyo bani’aadamkaba leh, ayaa shaydaan kastaa soo bandhigaa wixii u qabsoomay maalintaa. Shayaadiintu waxa ay sheegaan in ay ka shaqeeyeen sidii ay dadka muslimka ah karkaarka u waydaariyeen. Qaar baa sheega inuu qof muslim ah ku kallifay inuu khamri cabo, ama wax xado, ama qof dilo ama,,,ama. Intaas oo dhan marka uu maqlo wuxuu ugu jawaabaa waxba maydaan soo qaban. Marka dambe ayaa waxa imaadda mid leh anigu nin iyo ooridii ayaan soo kala furay. Markaas buu Ibliis shaydaankaas soo dhaweeyaa oo casuumaa, darajadiisana kor u qaadaa.

Hadda fahanoo in dil la geysto ama dambi kale la sameeyo Alle ayaa diiday waana xaaraan, laakiin in laba qof oo isqabay isfuraan xaaraan maaha. Hadaba haddaanay xaaraan ahayn muxuu Ibliis ugu farxayaa ayaa iswaydiintu tahay? Waxa ay jawaabtu tahay, unugga ugu yar ee bulshadu waa qoys, hadii qoys la kala kaxeeyo, waxa burburaya unugga ugu yar ee bulshada, waxaana ku xiga in bulshada dhammaanteed ay burburto isla markaana waxa fududaanaysa in qof walba cidlo shaydaan ka helo, waayo guurku waa balaayo xijaab.

Waxa taas ka marag kacaya in dagaalada dunida ka socdaa ay dhammaantood ku biyo shubanayaan in la burburiyo qoyska umadda muslimka ah.

Tusaale, Nick Rockefeller, oo ah mid ka mid ah reeraha ugu hantida badan dunida, waa sida ay sheegtaane, asal ahaanna ka soo jeeda Yuhuudda shayaadiinta caabudda, isla markaana dabada ka riixda mad-habka Sahyuuniyadda (Zionism) ayaa isagoo u waramaya nin la odhan jiray Aaron Russo, wuxuu u sheegay in Rockefeller Foundation uu u taageeray Dhaqdhaqaaqyadii Xorriyad-doonka ee Dumarka Maraykan, wuxuuse u raaciyey in sababta uu Rockefeller Foundation u taageerayay dhaqdhaqaaqyadaas ay ahaayeen laba sababood:
1. Ka hor dhaqdhaqaaqyadaa Xornimo-doonka ee Dumarka Maraykan, badh ka mid ah dadka Maraykan cashuur kamaamaan qaadi jirin. Wuxuu u jeedaa dumarka Maraykan ma aysan shaqayn jirin, markaa cashuur noogama soo xaroon jirin.
2. Dumarku marka ay shaqo-galaan, caruurtooda waxa iskuulada la geyn doonaa iyagoo yaryar, ka dibna waxaanu bari doonaa sida loo fikiro, ka dibna ilmaha yari waxa uu qoys ka dhigan doonaa macalimiinta iskuulka iyo dawladda, waxaanu waalidkii u arki doonaa wax aan jirin oo uu wax ka barto, tanna waxa ay horseedi doontaa burburka qoyska.

Bal aan idinla wadaago hadalo ay yidhaahdeen dumarka hor booda Feminism-ka dunidu.

  1. “Waxaan rajaynaynaa in sanadka 2000 aanu caruurtayada ku korin doono iyagoo aaminsan awoodda Bani’aadminimo, isla markaana diiddan awoodda Alle” Gloria Steinem, Leader of American Feminist Movement.
  2. “Inkastoo uu guurku yahay addoonsiga dumarka, waxa iska cad in ujeedada dhaqdhaqaaqyada dumarku uu awoodda saarayo in la weeraro qoyska, xoriyadda dumarkuna ma hirgeli doonto hadii aan la burburin guurka” Sheila Cronin, A Radical Feminist Leader.
  3. “In la dabargooyo guurku waa ujeeddooyinka biyo kama dhibcaanka ah ee dhaqdhaqaaqa Xoriyadda Dumarka, sidaa darteed, waxa muhiim noo ah in aan dumarka ku dhiiri-gelinno in ay isaga tagaan/haajiraan raggooda, isla markaana waa in taariikhda dib loo qoraa oo dumarku ku noqdaan Faalisooyinkii iyo Sixiroolayaashii ay ahaan jireen” Baaqa Caalmiga ah ee Feminism-ka kaas oo la oo saaray sanadkii 1971.

Markaad intaas oo dhan isu-geyso waxaa kuu soo baxaya in dalkeena caruurtoodii iyagoo aad u yaryar ay dugsiyo ku jiraan, isla-markaana manhajka ay bartaan aanu ahayn mid si sax ah loo sameeyey, macalimiinta u dhigtaana ay yihiin dad aynaan isku dhaqan iyo diin midna ahayn. Waxana intaa dheer, in manjahka caruurteena la baraa lagu sameeyey wax ka yar 2-3 bilood, halkaana aad ka garan karto cidda la doonayo in la soo saaro.

Waxa muhiim ah in caruurta iskuulada lagu qoro marka ay gaadhaan 6-7 sanno, inta ka horeysana diinta aad loo baro. Marka iskuulada la qorana aan waxbarasho lagu wareerine loo ogolaado in ilmuhu fikiro, ciyaaro isla markaana cabbiro sida uu dunida u arko, markaas ayaa waalidkuna jihayn karaa ilmihiisa.

Mohammad IQbal

Maxamed IQbal wuxuu ku eedeeyey Muslimiinta oo uu sheegay in ay u dhaqmaan sida idaha. Maxamed Iqbal gumeystayaashii reer Yurub -ama Muslimiintii hore- ayuu wuxuu ku metalay in ay yihiin shabeel, muslimiintii xilligiisii joogeyna wuxuu ku metalay lax. Shabeelku wuxuu qabanayaa laxda, laxduna halkii ay isku dayi lahayd in ay is badbaadiso, waxay ku mashquulaysaa in ay shabeelka ku wacdido nimcooyinka faraha badan ee aakhiro jannada laga helayo. Laxdu waxay ku doodaysaa in jannadu ay u sugnaatay masaakiinta, tabarta yar ee xataa haddii afka gacanta loo geliyo aan qaniin. Wacdigaas bay wadaysaa illaa shabeelku uu ku sigto in uu rumaysto warkeeda (=Waa sheeko ku lid ah middii Carays Ciise Kaarshe (AUN) uu ka xalladeeyey ee wanka iyo waraabaha). IQbaal wuxuu ku baraarugsanaa in aadanuhu uusan rooti la’aantiis noolaan karin, laakiin aysan habboonayn in rooti darti loo noolaado. IQbaal Muslimiinta iyo guud ahaan aadanaha wuxuu u sheegay in ruuxda iyo maaddada labadaba loo baahan yahay, iyo in horumarka iyo ilbaxnimadu ay ka curtaan isdhexgalka iyo wax kala ammaahashada ummadaha kala duwan.

Hordhac: Xaggee baynu ka nimi, xaggee se hadda joognaa?

Cilladaha nafsadeed ee dadka hela wax badan laga ma aqoon waayadii hore. Tixraacyada ugu durugsan ee isku deyaya in ay furdaamiyaan xaalado ay fahmi waayeen, oo nafsi ah, waxaynu ka soo helaynaa Giriigtii hore. Waxa caan ahaa in xanuunnada nafsiga ah loo leexiyo sharraxaad xariirad iska ah. In qofkii dhaca ama isku buuqa loo fasirto in awoodo dabeecadda ka baxsan iyo il xuni durraysay, oo la derderay. Qofka waxa loo arki jiray mid camalkiisu shidayo, oo lacnadi ku socoto. Belaayada ka baxsan dabeecadda (demons) ee qofka lagu sallido ayaa soo ridata, ayay ku doodi jireen faraadinkii Giriigtu. Dabadeed, waxa lagu dawayn jiray qaab ciqaab ah. Qofkan sharku xakameeyay waa in la jeedalo, la ciijiyo, la tumo, haddii loo baahdana la hafiyo! Nidaam loo baxshay cuudin (exorcism) ayaa lagu la tacaali jiray masiibada haysata qofkan. Fekraddan xagga danbe ayaynu kaga hadli doonnaa.

Markii danbe, waxa soo baxay fasir cajiib ah. Waxa la arkay in suuxdinta iyo cilladaha nafsiga ahi ku badan yihiin dumarka. Dabadeed waxa faaftay in haweenka laga raacay ilmaggaleenka iyo xaqiiqada ah in ay ummulaan! Markaas weeye xilliga uu soo kordhay erayga histeeriya (hysteria). Kelmaddu asal ahaan waa Giriig la ujeeddo ah “ilmaggaleen (uterus).” Fahanka la siiyay se waxa weeye xaalad cudur ah oo qofku, siiba dumarku, galo marka uu khalkhal ku yimaaddo doociisa (emotions) iyo xasilnaantiisa. Khalkhalkaa wuxuu keenaa in qofku diido, ama marmar uu suuxo. In qofku sameeyo ficillo aanu ka war hayn, oo si baraad la’ uga fulaya. Sida in uu gelgelin galgalsho. Khalkhalkaa waxa keena ayaa lagu dooday sabab duleed (physical cause). Sababtaas duleed waa jiritaanka makaanka haweenayda oo isha sharka u ah, ayaa faaftay.

Ilmaggaleenku in uu leeyahay saamayn xooggan waxa loogu tegayaa Masaaridii hore. Waxay u malaynayeen in juucjuuca iyo xanuunnada laga arko qofka, ay inta badan ka yimaaddaan makaan saliikaynaya (wondering womb) (Tixtaac: Merskey, Harold; Potter, Paul (1989). “The womb lay still in ancient Egypt”. British Journal of Psychiatry. 154: 751–753.) Fekraddaa, oo xidid ku leh Giriigtii hore, waxay in badan dul hoganaysay fahanka caafimaadka.

Dadka fahankaa shaacbixiyay waxa ka mid ah faylasuufkii iyo faraadinkii reer Giriig ee Aretaeus of Cappadocia. Wuxuu ku dooday in ilmaggaleenku aanu ahayn xubin ka mid ah jidhka gabadha e, uu yahay noole ku dhex nool haweenayda. Halkaas ayay xidid ku leedahay fekradda ah qof baa la galay, ama lagu dhex jiraa! (Tixraac: Gilman, Sander L.; King, Helen; Porter, Roy; Rousseau, G.S.; Showalter, Elaine (1993). Hysteria Beyond Freud. Los Angeles: University of California Press.)

Farsamooyinka xanuunnada nafsiga ah lagu dabiibi jiray waxa ka mid ah: casharin, taxliil, tuf, hafin, sun iyo dhir qadhaadh oo loo qoosho, jeedalid, iyo ficil kasta oo lagu caddibo karo naftan xumuhu ku shaqaysanayo! Waxa lagu doodi jiray in aan dan loo lahayn jidhka qofkan dhibbanaha ah e, loo jeedo belada durraysay oo iyada la xanuujinayo!

Fahanka histeeriya wuxuu in badan xuurtaystay deraasaynta caafimaadka. Waxaana loo malaynayay in la helay sirtii!

Iyada oo xaal sidaa yahay, waxa soo if baxay fahan uu caan saaray faraadin la odhan jiray Hippocrates (460-370 BC). Si ka duwan asxaabtiisii aaminsanayd durrada iyo sharka jiidha dadka, Hippocrates wuxuu ku dooday in khalkhal kasta oo ku yimaadda habdhaqanka iyo dooca qofka ay keenaan khalkhal ku yimi afar dareere (uu u bixiyay “humors”) oo jidhku aanu ka kicin: dhiig, xamayti huruud ah, xamayti madaw, iyo dhareer (blood, yellow bile, black bile, & phlegm). Dheellitirka afartaa dareere ayay ku xidhan yihiin bedqabkeenna, habdhaqankeenna, iyo jaadka shakhsiyaddeennuba, ayuu ku dooday. Fekraddaa waxa inta uu la dhacay, dogobyo sii saaray Galen (130-210 AD), oo soo jeediyay in afarta curiye ee haga shakhsiyadda iyo habdhaqanka qofku ay yihiin afar dabeecadood (four temperaments), oo si lammaan isu raaca: qabaw/kulayl, qallayl/qoyaan (cold/hot, dry/wet). Sidaas ayay xoogay ku shiiqday fekraddii cuudintu, in kasta oo ay taniba wadatay fahanno aan caddayn. Tusaale ahaan, sidee ayuu dareere jidhkayga ahi u qaabayn karaa shakhsiyadda aan ahay?

Taariikhdaa kooban ka dib, maanta midna la ma qaddariyo! Marna suuraggal ka ma aha kulannada kasmanafeedda in laga sheekaysto sida qof xanuunsanaya loo cuudin lahaa, ama looga saari lahaa ilayn iyo durrayn la rumaysan yahay in ay la wareegeen. Marna maanta tixraacyada caafimaadka dhimirka laga ma soo helayo cid wax moodaysa dhirayn, hafin, ama tumid iyo jidhdil! Taa lidkeeda, waxaaba loo arkaa denbi iyo edebdarro. Maanta wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya ilmaggaleenka haweenayda (ama xiniinyaha ragga) iyo xaaladda nafsadeed ma sugna! Cidina maanta isku ma xidho dareere jidhkeenna ah, iyo habdhaqankeenna iyo shakhsiyaddeenna. Waxa la yaqaannaa in habdhaqankeenna iyo shakhsiyaddeenna ay kenaan xoogay hidda ah oo aynu uurka kala nimaadno, iyo intiisa badan deegaanka aynu ku korno.

Cuudinta: Dawayn Caalwaa!

Cuudintu waxay ku dhisan tahay fekradda ah in qofka ay dhex geli karaan, dabadeed maamulan karaa, awoodo ka baxsan xakamayntiisa. Awoodahaasi inta badan waa shar iyo xume. Waana wax la rumaysan yahay in ay qofka durreeyeen (demons). In cilladdii caynkeeda la saari waayo loo leexiyo awoodo qarsooni waxay ka turjumaysaa wahsiga caqliga aadanaha. Marka la waayo fasir kale, ama fasirka ugu macquulsani uu wax yeelayo rumaynta dadka, waxa laga shaqeeyaa sidii looga hawl yaraysan lahaa, oo wixii xunba loo xadfi lahaa! “Waa la derderay” marka la yidhaahdo waxa la iska kafaala qaaday hawl kasta oo la gelin lahaa sidii loo fahmi lahaa waxa haya qofkan, iyo feker kasta oo loo huri lahaa sida loo furdaamin lahaa. Weedhaasi waxay noqotaa mid soo afjarta buuq kasta oo ka iman lahaa marka lagu kala aragti duwanaado fahmidda iyo furdaaminta xaaladda qofkan. Waayo dadku ma jecla wixii maskaxdooda iyo garaadkooda gilgilaya.

Maaddaama fekradduba wahsi ay ku dhisnayd, tallaabooyinka la qaadayo dan iyo heello toona laga ma yeesho. Waxa qofka loo qooshaa dhir iyo sun loo malaynayo in ay hanaqa goynayso rooxaanta ku jirta qofka! Waxa loo shaabuugeeyaa qofka si arxandaran, oo aan loo tudhayn, iyada oo la niyaysanayo in taasi toos ugu dhacayso ilmaqabatadii durraysay qofka. Waxaana qofka lagu hafiyaa biyo, madaxa loo geliyo ama dhakada lagaga keeno, si marka naqasku ku dhego loo dhaho: waa taa beladii cabaadaysa! Falalkaas iyo kuwo ka bahalsan, sida in koronto lagaga qaylisiiyo, ayaa dabadeed qofka lagu cuudiyaa, si looga saaro ibtiladan la wareegtay!

Qofka la jugaynayo, ee la dilayaa, waa noole dareen iyo dooc leh. Waxaana laga yaabaa in ay dad badan yihiin oo ay hal mar la kulmeen histeeriya wadareed (mass hysteria). Marka nafta loo keeno qofkii, waa labo midkood:
1. In qofkii u qaato in uu bugsaday. Oo dabadeed isaga oo fay ah uu halkaa ka boodo! Tan waxa u wacan raadka balaasiibo (placebo effect), oo ah in qofku dareemo bugsasho ka timi filashadiisii hore ee ahayd in uu ku caafimaadi doono tallaabadan, balse aan ka iman tallaabada loo geystay (waa qof kiniin soo iibsaday, oo fishay in uu ku ladnaan doono, dabadeed ladnaan ka dareemay filashadiisii ee aan ka dareemin kiniinka, waayo, tusaale ahaan, kiniinka oo aan lahayn saamayn dawo). Raadka balaasiibadu waxa uu ku guulaystaa dadka ku kalsoonaa cilaajkan iyo habkan dawaynta, ee is lahaa waa intaas oo aad il iskaga garataa. Waxay dadkaasi hodan ku yihiin xejishada aragtida ay marka hore ka sii haysteen meesha iyo ficilkan ee ku daabaqnayd (idée fixe).
2. In qofku isdhiibo, oo uu cadaadiska dartii u dhaho: waa anigii oo waan ka baxay kuna soo noqon maayo! Waa hawlgal samatabax ah.

Maxaa Dadka Haya?

In badan waxa lagu wareeray ficillada iyo faahfaahinta uu bixiyo wadaad dadka si furan ugu qubeeya, oo Sh. Rusheeye ku caan ah. Wadaadku wuxuu markii hore ka soo baxay Galdogob, isaga oo leh dadka ayaan ka caawinayaa in aan cuudin iyo taxliil ku furdaamiyo sharka iyo isha durraysa. Sida oo kalana, waxaan aayado Qur’aan ah ku kabayaa laf jabtay, iyo indho beelmay! Markii danbe wuxuu yimi Hargeysa. Wuxuu meel xero ah isugu keenay dad dumar u badan, oo uu biyo la dul istaagay, kuna hafiyay. Iminkana Burco ayuu u gudbay!

Dadkan uu rigaystay Rusheeye, iyo ragga la midka ahi, waa dad ay ka muuqato in ay histeeriya wadareed la ildaran yihiin, oo aanu inta badan wax xanuun ahiba hayn. Qaarkood, oo aan arkay, waxay ahaayeen dad is leh la soo eeg!

In tiro dad ah la isugu keeno xero aad mooddid xeryihii gaaska ee Hitler, waxay ina tusaysaa in caqligeenna caafimaadka dhimirka ku waajahani uu soo marayo halkii ay soo luudayeen Giriigtii hore Ciise Hortii! In waxani aanu diin ku dhisnaynna waxa caddayn u ah, isla ficilladan oo af kale uun ah ayaa lagagaga dhaqmayay tuulooyinka Giriigga xilli ka horraysay diinaha Masiixiyadda iyo Islaamkaba!

Qofka xanuun nafsi ahi hayo iyo qofka ismoodsiinayaaba (monomania) waxay u baahan yihiin baxnaano (counceling) iyo in loo dejiyo. Waayo waxa jirta xaalad uu qofku moodayo in belaayo durraysay, oo dabadeed uu odhanayo waan liitaa e cilaaj i geeya. Xaaladdaa (demonomania) wuxuu qofku u malaynayaa in lagu jiro. Dhalanteedkaa isu sawirayana waxa lagu furdaamin karaa qaab aan loo baahan in lagu xadgudbo qofka, oo la hafiyo ama la ciijiyo!

Dadka waxa haya daryeel la’aan iyo diiqad. Inta la helayo fursado dadka nafsad ahaanta u bukaa ay ku tacaalmi karaanna, waxa la isku addoonsan doonaa khuraafaad iyo xariirad. Xanuun nafsi ah waxa loo sharxi karaa qaab nafsi ah, lala ma xidhiidhsiin karana sabab duleed ama qarsoon! Waaba intaa.

Source cabdicasiis

Yurubiyaankii waxay leeyihiin waan Madhanaynaa!!

Yurub ma ka badbaadin doonaan muhaajiriintu in laawyo yurub Waa maqaal uu qoray Nicholas Gailey kuna qoray Shabakada Foreign policy Maqaalku wuxuu leeyahay xataa hadii muhaajiriinta Yurub lagu soo fasaxo kuma filana inay badbaadiyaan yurub wuxuu leeyahay waxa qasab in yurubiyanku ay xal u helaanmushkiladan madhashada yurub inta ayna istaagin noloshoodu mustaqbal madow ayaa sugaya yurub ayuu leeyahay maqaalkan lagu qoray Foreign policy .
2015 wuxuu midowga yurub dood adag ka lahaa sida loola dhaqmaayo muhaajiriinta kumanaanka ah ee kusoo qulqulaayay yurub oo inta badan ka imanaayey Africa iyo wadamada islaamka ah halkii ay ahayd in ay ka hortagaan muhaajiriinta waxay leeyihiin muhaajiriinta maslaxad ayaa inoogu jirta waan u baahanahay inay wadamada nala soo galaan
Ban Kimon mar uu 2015 kalmad ka jeedinayay Belgim ayaa yidhi “ yurub waxay u baahan tahay Dhiig cusub” taas oo macnaheedu yahay inay u baahan yihiin muhaajiriin si aanu dhaqaalahoodu u burburin
Tusaale ahaan hadii warshad ay ka shaqaynayaan 10 qof oo lix kamida ahi ayaa dhaafan 60 waxay ka dhigan tahay in wax soo saarkii dalku uu hoos u dhacayo
Wasiir hore oo spain ah imkana ka mida masuuliyiinta yurub ayaa yidhi “ waa in aan qaadna muhaajiriinta hadii aynan doonayn in ay yurub noqoto qaarad waayeela”
Wuxuu leeyahay qoraaga maqaalkani yurub waxay u baahan tahay 100 Million oo muhaajiriina kuwaas oo soconaya mudo 60 sano ah si dhaqaalaheena iyo nolosheenu u sii ahaato mid caadiya
1776 ayaa oday wadaad ah isla markaana dhaqaaleyahan ah uu qoray maqaalkiisii caanka ahaa ee uu kaga waramayay korodhka ku socda bini aadamka inuu ka badan yahay kan ku socda wax soo saarka “Resources” waa Thomas Malthus aragtidan oo ahayd mid yurub ka dhigtay in hada ka cawdaan in ay madhanayaan Malthus theory ayaa sheegaysay in bini aadamku ka badanayaan cuntada “ resources” dhulka yaala si aanay aduunyada ugu filnaan waayin resources yaala wuxuu malthos leeyahay waa in guurka layska daaya taa badalkeeda sifo xaarana qofku u guto xaajadiisa ama uu 40 jir ku guursado .
Hadba maanta Yurubiyaanku waxay u ooyayaan dad waxayna leeyihiin Nin iyo naag kasta oo Yurubiyaani ma dhalayaan labadii badali lahaa meelaha qar waa 1.3 adigu zero growth
France sanadkii hore mudaharaadadii ka socday wax sababay pension ayaa ka batay kuwii shaqaynayey oo pension ayaa kordhay taa badalkeediina dadkii shaqaynaayey ayaa mushaharkii loo yareeyey

Hadba Yurub dhalinyaro ayay u ooyayaan inaguna dhalinyaro ayaynu ka ooyaynaa marka laga hadlaayo dhulka somalida dhibaatoyinka somalida haysta ayaa dhalinyarada lagu soo daraa oo la dhahaa 70% waa dhalinyaro !!!!!!!!!

Halkan ka akhri maqaalkan oo lagu qoray Foreign policy ninka qoray waa Nicholas Gailey oo diirada saara arimaha demographic kana tirsan European at the International Institute for Applied systems Analysis In Austria

Europe Is Destined to Age—but Not to Suffer the Consequences

Corono Virus iyo Bil Gate maxa ka dhexeeya

Bishii June 19keedii 2015 ayaa Machad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo la yidhaa Pirbright Institute waxa uu codsaday in loo diiwaangeliyo xaqqa lahaanshaha (Patent Right) ee Fayraska (Virus) keena xanuunkan dunida hadda ka dillaacay ee Coronavirus. Waxa codsiga loo ansixiyay bishii November 20keedii 2018. Waxa maalgeliyay hawshaas iyada ah maalqabeenka weyn ee Bill Gates ururkiisa la yidhaa Bill and Melida Gates Foundation.

Bill Gates ayaa isna 2018 sheegay in ay dunidu u diyaargarawdo xanuunno baahsan oo ka dillaaca kuwaas oo lix bilood gudahood dili doona 65 Million oo qof.

Bill Gates waa nimanka aaminsan in dunida dadka hadda ku nool la yareeyo, waxaanu maalgeliyaa tallaalo badan oo galaaftay caruurta dunida gaar ahaan Afrika iyo Aasiya.

Ways to Read More!

After falling just short of my goal of 24 books in 2019 (I hit 20!), I decided that I wanted to make reading much more of a priority in 2020.

Reading is such a great way to both relax and focus, to give your mind a break but also spend time thinking about things that interest you. Reading can be an amazing tool for your mental health and wellbeing.

I’m feeling pretty positive about hitting (or, fingers crossed, exceeding) my reading goal this year as, just over 1 week into 2020, I’m already on my third book. All I want to do is read!

As I’m starting to change my habits to make reading a regular feature of my day, I thought it might be useful to share some tips for how you can also make reading a priority in 2020.

Tips to read more in 2020

Set yourself a reading goal or challenge

Don’t be put off by thinking you need to aim for 50 books a year, or a huge goal that you know you’ll struggle to reach. Be realistic but also optimistic. Whether that’s 5, 10 or 100 books, it’s all good!

Ask yourself, how many books could I read this year if I make reading a priority over the next 12 months? Remember, reading should always be fun – but having a clear goal can help to motivate you or encourage you to make swaps with how you’re using your time to hit that target.

Consider time swaps you can make

For me, a big drain on my time has previously been watching TV and films in the evening.

After a long day, it’s very tempting to curl up in front of the TV and switch off – but I don’t want to do that any more. It’s not really adding to my life and there’s certainly better things I could be spending my quality time on.

Could you swap time spent scrolling on social media, watching Netflix or anything that you don’t feel is benefitting you, for time spent reading?

It won’t necessarily be an easy change to make, and might require some effort and commitment to start with. However, each time you pick up a book over the other activity, you’re helping to rewire the part of you that goes for that easy option and replacing it with the desire to read.

Listen to an audio book

Audio books have been a huge help for me already this year.

Although I love picking up a physical copy of a book, and I’d happily spend most of my day getting lost in one, there are other things I have to do with my time.

This is where audio books step in. I can’t pick up a book when I’m driving, walking around or focussing on a project at work, but I can hook up my phone to the speakers or stick my headphones in and let the audio book do the rest.

An audio book is a great option if you struggle with reading physical books, don’t want to keep buying physical copies, or if you want to read more but struggle to find the time to sit down and read. Why not have a go at a free audio book trial and see if you enjoy it?

Read two books at once

I know this might be a straight up ‘no’ for some people. It took me a long time to feel comfortable reading two books at once, but hear me out.

Sometimes one type of book can be too much to continuously read (i.e. a complex or detailed account, a lofty self help book, or a really heavy topic). Or perhaps you don’t just want to stick to one topic for a length of time.

Bring in the second book!

You could choose to read something completely different to offer you some relief/space from the first book – and by choosing two different subjects or styles, you’re less likely to get them muddled up or feel like it’s an information overload.

At the moment, I’m really enjoying (physically) reading a thriller, fiction or other type of story alongside listening to a self-help or first-person account on Audible.

When I’m out and about, I listen to the audio book. When I’m sat somewhere or lying in bed, I choose the physical book. Far from being overwhelming, it’s helped me to double my reading capacity and I’m really enjoying it.

Get inspired by BookTubers

There’s a huge community of people on YouTube who focus their content on books: BookTubers.

If I’m looking for a new book recommendation or just want to feel inspired about the power of reading, I turn to some of my favourite BookTubers such as Leena Norms, Jean Bookishthoughts, Jen Campbell and Sanne of booksandquills.

It is great to hear from people who really love reading and books, and make them a core part of their lives. If you’re feeling a bit lethargic about reading, give them a listen and see if they can encourage you to pick up a book and fall in love with reading again.

Schedule regular, daily time

Whilst you’re developing the habit of reading more, it can be important to have some routine to how or when you read so you get used to it being a regular feature of your life.

If you can, try to read a little bit every day – even if you can only commit to 10 minutes before bed.

I’ve started to reduce time spent watching TV by telling myself that ‘I read before bed’. Now, I make sure I get at least 20 minutes in before I go to sleep each day, and it’s helping me to stick to it.

Find a time in your day (such as with your morning coffee, during your lunch break or just before bed) when you know you can get some reading done and try to make it a daily habit.

How many books are you hoping to read this year?

If you’d like to share, let me know in the comments! Is there anything else you’re doing to help yourself read more? I’d love to know!

Deal of Century “Peace Plan”

1898 ayuu shir uqabtay Theodor Herzel wuxuuna dhawaaqay shir lagu asaasay ururka zionistka oo Gurion madaxkanoqday. Waxaa garabtaagna ingiriiska iyo reer dunida lacagta badan Rodchild. Waxay kuwadasocdaan in yahuuda dhulka falastiiniyeenta lasiiyo, Theodor oo madax u ahaa zionistka ayaa suldaan Mehmet 8 uyimid wuxuu kuyidhi naga iibiya dhul aad gacanta kuhaysaan ee falastaan, suldaanku wuu kadiiday Theodor inuu dhulka kuwareejiyo zioniska falastiiniyiintina wuxuu kuyidhi haday idiinyimaadan yahuudu haka iibinina dhulkiina. Waxkasta way kubaayaceen inuu suldaanku ka aqbalo codsiga, lakinse suldaanku wuxuu fahamsanaa sirtooda.

Durbaanki colaada ayuu tumay Theodor colaad iyo in awooda cismaaniyiinta meesha lagasaaro ayaa laqorsheeyey siyaasad aan xataa taarikhyahanka cadiga ahi fahmaayo ayaa lamaleegay dawlado ayaa madax laysu galiyey, dajjal baa taliyey, friimayson baasodulay, carab baa wax looshegay, faalba ladhigay, samadaa dhawaaqay, bilaalba adimay suldaanki ayey jilbaha dhulka ugu dhufteen, Mustafa Kemaal Ataturk ayaa loocimaamaday.

Sidii cismaaniyiinta jilbaha dhulka loogu dhuftay jaahwarer iyo hogaan la’aan baa muslimiinta kudhacday carab aan Khayr badan lahayn oo diinta ingadhaxaysa asturayso ayaa wax lawaydiiyey. Waxaynu ka makhraati kacaynaa in tarikhdu soo noqnonoto oo nina magac xumo baa karaacda oo waa layeesha waxna waa looyedhiya hadii layidhaahdo dhulka aad leedahay ee Alle kusiiyey noogatag wuuyeela ninna sida Suldaan Mehmet oo diiday inuu falastiin yahuuda ka iibiyo boqortoyadiisi baa ku burburto. Waxaynu ka makhraati kacaynaa in taarikhdan isshabahda ee loolakala yimid Turkeyda iyo carabta Ninba meel iskataagay oo turkeydiina sharaf karaacday carabnna dulinimo kasooracday.

Boqorka joordan awowgii, reer alusucuud iyo carab badankeedu waxay lasafteen ingiriiska iyo Richard prince of Arabia waxayna lugta uqabten yahuudi suldaanku kadiiday in dhulka carabta laga iibiyo zionistka iyagiina waa looso adeegsaday, qaaxologyada tii ugusaraysay. Sidii looriday cismaaniyiinta islaamku balaa cidiyo ayey ahaayen waxaana ka gurayey cidiyahay islamka carabta. Taageridii ingiriiska iyo yahuuda wadasocda carabi waxba kumahelin aan ahayn gaadhi dhalaalaya iyo eerkondishan qabow, iminkana waxba kuma helayaan mareekan iyo yahuud wadasocdaan aan ahayn baldilaad. Suldaan Nuur Amaan iyo Siyad ayaa dhaamay carab.

Abdirahmaan Simodi

Thanks for Being Late By Thomas Freidman

Mid ka mida saxafiyiinta qoraalladooda loogu akhriska badanyahay wargeyska Newyork Times, Thomas Freidman ayaa qoray buuggaan, wuxuu ciwaan uga dhigay Thanks for Being Late, wuxuu kaga hadlayaa xawaaraha iyo isbdalka degdega ah ee dunida ku socda, isagoona laf dhabar uga dhigaya Technologyadda, isku xiranka adduunyada (Globalization) iyo isbadalka Cimilada (Climate Change). Wuxuu farriin caro badan ka muuqato u dirayaa guud ahaan dunida, gaar ahaan shaqsiyaadka hoggaamiyayaasha ah iyo waddamada aan ku baraarugsaneyn xawliga ay dunida ku socoto iyo sida ay ummaduhu u kala fogaanayaan iyagoo isku dhaw. Wuxuu leeyahay sedexdaas ayaa tiirar u ah deg-dega iyo xawaaraha dheeraya ee ay dunidu ku socoto, dalkastana waxey uu saameyn doonaan hadba inta uu lafal galo iyo goorta uu fahmo sedexdaas arrimood.

Wuxuu ku billaabaya buugga qiso yar oo dhexmartay isaga iyo nin Ethopian ah, oo ka shaqeeya Garaash uu gaarigiisa ku baakiman jiray, ninkaas oo maalin ku oranaya waan ku aqaana Thomas, inaad waxku qorto Newyork Times, ee aniguna qoraa ayaan ahay ee ogow. Thomas wuxuu oganaaya in ninkaan leeyahay Blog yar, uuna uga faalloodo dhaqaalaha iyo siyaasadda dalkiisi Ethopia, blogiisana laga akhristo ilaa 39 waddan oo kale. Wuxuu is weydiinaya haddii nin ka shaqeeya Garaash ku yaalla Washinton uu doonayo inuu dalkisii Ethopia ku yeesho saameyn, uuna waxka badali karo afkaarta dadkiisa, bal waxa ay dunida uga dhigantahay xilligaan iyo waxa ay sameyn karaan dadka isaga ka aqoonta badan, kana saameynta badan, meeqa ayaa sidaas dhanka xun uga faa’iideysan karta, oo farriimo xun faafin karta ayuu is weydiinayaa?

Thomas wuxuu sheegayaa in sanadkii 2007-dii ay dunida ku dhifatay dabeyl Technologyadeed. Odeyga Maalqabeenka ah, kana mida shaqsiyaadkii maalgashaday shirkadaha Netscape, Google iyo Amazon Johan Doerr wuxuu leeyahay waxaan xasuustaa 9 Janaury, 2007, Steve Jobs, oo stage ka saaran si uu dadweynaha ugu soo bandhigo nucii ugu horreeyey ee Iphone, oo aan nuciisa horay loo arag. Wuxuu leeyahay Johan Doerr, Telfoonkaas markii iigu horreysay aniga iyo labo saaxibadeena ah oo dariskeena ah ayaa u raacnay Steve Jobs garoon ay gabadhiisu ciyaar ku lahayd, intaan ciyaarta daawaneynay, ayuu igu yiri Apple waxey soo bandhigi doontaa nucii telfoon ee ugu horreeyey dunida, miisaankiisu waa fududyahay, waa koobanyahay, waa simanyahay, qaadkiisu waa weeynyahay, internetka ayaad ka dhex isticmaaleysaa, telfoonkiina waad wacan kartaa, intaas waxaa kuu dheer wuxuu leeyahay keliya hal button, kadibna jeebkiisa ayuu gacanta galiyey wuxuuna kasoo bixiyey telfoonkii uu ii sheegayey. Sidaas wuxuu kasoo xiganayaa qoraaga buuggu, ganacsadaha iyo maalgaliyaha John Doerr.

26 September, 2006 Facebook oo markii hore loogu talagalay ardeyda dugsiga sare iyo Jaamacadaha iney ku xariiraan ayaa loo fasaxay in uu furan karo qofkasta oo dunida jooga. 2007 shirkad yar oo qoraallo gaagaban lagu soo gudbin jiray, kana mid ahayd shirkado badan oo la isla leeyahay ayaa gooni u istaagtay, waa Twitter. Github oo ah madal ay ku kulmaan Developers ka, ayna halmar 50 developer iyo ka badan uga wada shaqeyn karaan hal Software ama hal App ayaa la sameeyey 2007-dii, gadaalna waxaa ka iibsan doona Microsoft, isla sanadkii 2007-dii Google waxey iibsatay Youtube, waxeyna soo saartay Mobile kiciyaha ugu weyn ee Android, oo la tartami doona kan Apple ee IOS, isla 2007-dii waxaa markii ugu horreysay guri Apartment ah lagu kireystay AirNB, oo ah halka ugu weyn ee guryaha laga kireysto iyo Hotellada, Amazon waxey soo saartay Kindle, oo sahlayaa inaad kumanaan Buug ku aqrisan karto.

Isbadalka Cimilada darteed meelaha qaar ayaa dhirtii nabaad guurtay, meelaha qaar xilliyadoodii roobka iyo kuleylka ayaa kala wareegay, qaar ayaa dhulkii qallalay, meelaha qaar ayaa carruurta ku dhalata 5 tii cunugba mid xanuunsanyahay, deeganada adduunyada qaar ayaa dabeyl lala joogi la’yahay, qaar ayaa dhalmadii dadku isdhintay si iskeed ah, qaar ayaa xawayaankii iyo xoolihii ka dhammaadeen, inkastoo ay siyaasad tahay haddana isbadalkaas Cimiladu wax indhaha laga qarsan karo ma ahan, waxaana keenay warshadaha iyo qiiqa. Reer Galbeedku waxey taagan yihiin waxaa hawada wasaqeeyay warshadaha ee hala joojiyo, Afrikaanka iyo dowladaha Asia qaar badan oo ka midana waxey leeyihiin waa siyaasad oo markaan inagu warshadihii billownay ayaad nagu fureysaan arrintaan, idinkuna waxaad u gudubteen Artificial intellegence iyo Technology, oo qiiq waad ka gudubteen.

Haddii sidaas ay Technologyaddu u badashay adeegsiga Internet ka iyo qalabkii shaqada, wuxuu leeyahay waxaa iyagana isbadal ku dhacay hab dhaqankii dadka, anshixii, sidii wax loo baran jiray iyo sidii loo fakari jirayba. Dadku waa dag-dagayaan, waxyaabo badan dhaqsi ayaa lagu caajisayaa, dhaqsi ayaa lagu iloobayaa. Waxaa guud ahaan isbadalay hab nololeedkii dadka, waxaa caadi noqotay, oo bulshadii si cad u aqbashay guurka dadka isku midka ah jinsi ahaan, gabdhihii qaar waxey leeyihiin waanka maaranay raggii, waxaas in deg deg loo aqbalo oo ay caadi noqoto waxaa u sabab ah Technologyada ayuu leeyahay.

Wuxuu sidoo kale ka hadlayaa Qulqulka iyo tahriibka dadka ee kusii socda reer Yurub, oo uu leeyahay waxaa sabab u ah dowladihii Afrikaanka ee dulmiga lagu dumiyey sida Libya, taas oo uu leeyahay reer Galbeedku markii hore ayey ka fiirsan waayeen, haddana ciqaabta faduushoodii hore ayey marayaan. Technologyaddu wixii hadda ka horreeyey dadka ayey dhiseysay, oo waxbey fududeyneysay laakiin hadda iyadaa dumineysa dowlado badan oo xoogganaa ayaa Technologyadda iyo Social Media lagu dumiyey. Bal soo soo xasuuso kolba heerkii ay soo mareysay Technologyaddu kacdoonkii daabacadda Printing Press, Telegraph, Typewriter, Mainframe Computer, Personal Computer (PC), Internet, Laptop, Mobile Phone, Web Search, Mobile app, Big Data iyo Cloud Computing, AI iyo waxa hadda ugu dambeeya oo ah baaburta aan darawalka ubaahneyn.

Xawaaraha iyo dhaldhalaalka adduunka waxaa ku hoos qarsoon oo isaguna xawaare aan yareyn ku socda kan bulsho, oo haddii aan la hagin, oo aan lala socon laga shallaayi doono, meel xunna ina gaarsijn doona, waxaan la yaabay haddii dadkii dowladaha lahaa, institutions ku u dhisnaayeen sidaas uga walwalayaan isbadalka waqtiga, cimilada iyo Technologyadda dalalka nugul, ee misana dayacan sideena oo kale yaa innoo maqan?

W.Q Mohamed Raygal

Warbixin Saadaal Dhinac ka Raran ka Bixisay Dalalka Caalamka ee ay qalaalaasaha iyo Kacdoonnada Dadweyne Ragaadin Doonaan Sannadkan 2020

Warbixin laga soo saaray xog-ururin iyo daraasado laga sameeyey 125 dal oo intooda badan ku yaalaan Qaaradaha Afrika, Eeshiya, Koonfurta Ameerika iyo bariga Yurub, ayaa lagu sheegay in qiyaas ahaan 40% ay dalalka Adduunku la kulmi doonaan kacdoono dadweyne, mudaharaadyo waaweyn iyo qalalaase sababa dhibaatooyin kala duwan inta lagu jiro sannadkan 2020, kadib markii la ogaaday inay dalalkaas ka jiraan dhammaanba calaamadaha sababi kara xasilooni-daro (civil unrest indicators), iyadoo qiimaynta saadashan laga sameeyey laga reebay dalalka Galbeedka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.
Sida lagu sheegay warbixintan oo ay soo saartay shirkad la yidhaahdo Verisk Maplecroft oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska, taasoo ka shaqaysa inay tallooyin ka bixiso istaraatiijiyadda iyo khataraha adduunka habeenkii Jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 17 January 2020, calaamadaha sababa kacdoonno dadweyne ayaa laga helay dalalka la saadaaliyey inay dhibaatooyin ka dhici doonaan (waa haddii Ilaahay uu sidaa qaddaro).
Haddaba, warbixintan oo aad u dheer, dhinacyo badana taabanaysa, waxa aan ka soo sameeyey qoraal guud-mar kooban ah, iyadoo aan ugu talogalay in faham guud uun laga qaato, balse faahfaahintooda aad kala socon karto lifaaqyada aan soo raaciyey ee ka hoose ku xusan, waxaana warbintan lagu bilaabay sidan; “Ugu yaraan rubuc (afar meelood, meel ahaan) ka mid ah dalalka Adduunka, ayaa soo arkay qalalaase, qulqulatooyin iyo kacdoono dadweyne oo ka socday sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii, iyadoo natiijooyinka ka soo baxay qiimaynta iyo daraasadaha la sameeyeyna ay saadaalinayso in ugu yaraan 75 waddan oo Adduunka ah ay la kulmaan rabshado baahsan iyo mudaharaadyo dadweyne oo ka qarxa inta lagu jiro sannadkan cusub ee 2020.”
Waxa ay warbixintu sheegtay in dalalka Hong Kong, Chile, Nigeriya, Suudaan, Hayti (Haiti) iyo Lubnaan ay ka mid yihiin dalal tiradoodu dhan tahay 47 waddan oo dhibaatooyin dadweyne iyo mudaharaadyo waaweyni ka dhaceen sanandkii 2019-kii, iyadoo Xarunta xogtan soo saartay ay ku dooday in tirada dalalka ay dhibaatooyinka la xidhiidha kacdoonnada dadweynuhu gaadhi doonto ilaa 75 dalka.
Sida ay Xaruntani sheegtay, tobanka dal ee la filayo inay halista ugu badan kala kulmaan kacdoonnada dadweyne inta lagu jiro sannadkan 2020 ay kala yihiin; dalalka Venesuela (Feenasuweela), Iran, Liibiya, Guinea (Gini), Nayheeriya (Nigeria), Pakistan, Bangladesh, Chile, Falastiin iyo Itoobiya, waxaanna la tilmaamay in dalalkaas ay ka jiraan calaamadaha muujiya inay sababi karaan kacdoon-dadweyne.
Meelaha kale ee la sheegay inay ka jiraan dhibaatooyin gunta hoose ka shuuqaya oo keeni kara mudaharaadyo xiliga ay doonaan qarxi kara, waxa ka mid ah dalalka Nayjeeriya (Nigeria), Lubnaan iyo Bolivia (Booliifiya), halka sidoo kale dalalka lagu calaamadiyey in khatarta kacdoono dadweyne oo dhacaa ay xoogan tahay ay ka mid yihiin Itoobiya, Hindiya, Pakistan iyo Zimbabwe, iyadoo ay warbixintu sheegtay in dalka Sudaan uu hoggaanka waddanka khatarta ugu saraysaa ay ku iman karto uu kala wareegay dalka Yemen oo markii hore kaalinta koowaad ku jiray.
Warbixinta saadaasha ah ee ay soo saartay shirkaddana indhaha ka lalisay dhibaatooyinka bulsho ee ka dhici kara dalalka Galbeedka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, maadaama la ogyahay dhibaatooyinka la xidhiidha arrimaha bulshada ee ka taagan ama hore uga soo dhacay qaar ka mid ah galbeedka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, balse sida muuqata waxa ay shirkaddani ka shaqaysaa ka-talo-bixinta qaababka lagu xalin karo dhibaatooyinka bulsho, sidaa darteedna waxa ay warbixintan loo fasiran karaa inay tahay mid aan siyaasad ahaan ka madaxbannaanayn dalalka xiligan isugu yeedha ‘Beesha Caalamka oo badankoodu yihiin Maraykanka iyo Galbeedka Yurub, sidaasna ay ku noqonayso mid dhinac ka raran oo aan la isku hallayn karin.
Waxa kaloo ay Xaruntan fadhigeedu yahay Ingiriisku sheegtay in waddanka Woqooyiga Kuuriya uu yahay dalka ugu khatarta badan ee la noqon karo qof mudaharaade ah.

“Macluumaadka xogaha ah ee ka soo baxay 125 waddan oo baadhis lagu sameeyey, ayaa iftiimiyey in 75 dal oo ka mid ah 125-ka waddan ee la baadhay ay ka jirto xaalad ka sii daraysa oo la xidhiidha dhinacyada xasiloonida iyo in mudaharaadyada ka dhici kara, taasoo macneedu yahay 40% oo ka mid ah guud ahaanba dalalka Adduunka ee tiradoodu dhan tahay 195-ka waddan ay la kulmi doonaan rabshado dadweyne, kacdoono iyo qalalaale halistoodu kala duwan tahay,” ayaa lagu yidhi warbixintan dabo-ka-wererka qabta, taasoo intaas ku dartay in dalalka Ukraine (Yugrayn), Guinea Bissau (Gini Bisaaw) iyo Tajikistan la saadaalinayo in degennaansho la’aantu ay si xooggan sare ugu sii kacdo, iyadoo laga cabsi qabo in sidoo kale dadka mudaharaadayaa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ka dhan xuquuqal-insaanka.
Saadaashan la sheegay inay ka soo baxday daraasado iyo xog-ururin la sameeyey, ayaa xustay in meelaha ugu badan ee la fili karo in Hay’adaha Ammaanku ay fal-celin xooggan kala hortagaan kacdoonnada dadweynaha ay ka mid yihiin dalalka Ruusha, Sucuudiga, Shiinaca, Turkiga, Thailand iyo Brazil inta lagu jiro lixda bilood ee ugu horeeya sannadkan 2020, kadib markii la ogaaday inay dalalkaas ka jiraan calaamado sababi kara kacdoonno iyo calaamado kale oo muujinaya in ciidanka ammaanku awood xooggan u isticmaali karo falalka noocaas ah.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee sababi kara kacdoonnada dadweyne ka dhaca meelo badan oo dalalka Caalamka, waxa lagu sheegay inay ka mid yihiin baahiyaha ay dareemaan bulshooyinka nugul, kabista ay dowladuhu ku sameeyaan raashinka iyo shidaalka oo la jaro, sicir-bararka oo sare u sii kaca, khilaafyada siyaasadeed iyo khayraadka dabiiciga ah oo aan si caddaalad ah loo qaybin.

W.Q : Mohamed Ciro
Hargeysa, Somaliland.
.
https://www.maplecroft.com/insights/analysis/47-countries-witness-surge-in-civil-unrest/

https://www.dailymail.co.uk/news/article-7895319/Nearly-40-countries-face-civil-unrest-2020-flashpoints-predicted-75-nations.html